Turkiga iyo Giriigu maxay isku hayaan? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Turkiga iyo Giriigu waa laba wadan oo ka wada tirsan Gaashaan-buurta Naato iyo Qaaradda Yurub , Juqraafi ahaana waxaa u dhaxaysa Badda Mediterranean ka oo labada wadan midiba dhan kagga soo jeedaa .

Hadaba labadan Badda u dhaxaysa waxaa ku yaala Jasiiraddo fara badan kuwaasoo badankooda uu sheegto Giriigu  , waxaana ka midda Jasiiradaha looyaqaano Aegon oo u jira wax  ka yar 10km dhulwaynaha Turkigga gaar ahaana Anatoliya , halka ay dhul-waynaha Giriigana u jiraan 570 Km .

Xudunta Muranka .

Sidda uu dhigayo xeerka Caalamiga ah ee Badaha Aduunka qodobkiisa 122 , Jasiiraduhu waxay la mid yihiin dhulka caadiga ah , xuduudahana waxaa lagga jiidayaa Jasiiradaha sidda dhulka caadiga ah , sidaa darteed Giriigu wuxuu ku doodayaa in xuduud badeedka labada wadan lagga bilaabo Jasiiradda Aagon ee halkan idiinka muuqata oo u jirta Turkey 10km , taasoo ka dhigaysa in aan Turkigu wax u yeelanaynin Badda Mediterranean ka xuduud bad-deed ganacsi , maxaa wacay Aagon iyo Turkigu waxba isuma jiraan,hadii loo kala calaamadinayana min 2 km ayuunbay u helayaan 6 km ee soo hadhayna caalamkaa wada yeelanaya waxaanay noqonayaa biyo caalamiya .

Sidaa darteed Turkigu wuxuu ku doodayaa in Xuduud badeedka labadda wada lagga bilaabo labadda dhul-wayne ee Turkigga iyo Giriigga , Badda Mediterranean  ka xuduud ganacsigeedda labada wadan u wadaagaan si siman , oo mid waliba qaato 122 Km , halka Giriigu leeyahay Turkigu Badda Mediterranean  Ka waxba kuma laha .

Xeerka iyo Xaqiiqda 

Xeerka caalamiga ah ee Badaha (UNCLOS) Qodobkiisa 122 wuxuu Qeexayaa in Jasiiraduhu leeyihiin xaqa xuduud badeed ganacsi , sidaa darteed xuduud badeedka ganacsi ee Giriigu wuxuu ka bilaabmayaa Jasiiradaha Aagon ee ku dhegen Turki  .

Gal-dalooladda Xeerka

Xeerkan oo laggu saxeexay Geneva 1958 waxaa dhaqan geliyay ilaa hadda 13 ,Turkiguna ma saxeexin mana dhaqan gelin sidaa darteed Turkigga ma qaban karro .

Xaqiiqda

Turkiggu wuxuu ku doodayaa in Jasiiradaha Aagon oo aan cidi ku noolayn iyo wadanka Turkigga oo ay ku nool yihiin 80 malyuun aan la is barbardhigi karin , iyadoo waliba kala badh dadka Turkiggu ku nool yihiin xeebaha kulaalaya Badda  Mediterranean ka , sidaa darteed wuxuu ku andacoonayaa in si siman loo qaybsaddo xuduud badeedka ganacsi ( EEZ) .

Si kastaba ha ahaatee , Turkigga oo ah 80 M iyo Giriig oo ah 10 M , waxay ku kala xoog badan yihiin dhinacadda dadwaynaha , Dhaqaalaha iyo Milateriga , sideedabana xaajo nin xoog wayn ayuun bay u toostaa .