Ujeedka uu Alle ka leeyahay cudurada, masiibooyinka iyo colaadaha (WQ: Mohamed Adaani)

Cudurada, abaaraha, colaadaha iyo dhibaatooyinka dabiciiga ahi waxay qeyb muhiim ah ka qaataan jiritaanka iyo horumarka dunida. Si gaar ah, waxay aadanaha ka caawiyaan seddaxdaan waxyaabood:

(1) Waxay cashar u yihiin dadka, si ay wax uga bartaan dhibaatada, kedibna u diyaarsadaan agab iyo garaad ay kula tacaalaan dhibaatooyinka haysta iyo kuwa imaan doona. Tusaale, horumar kasta oo uu aadanuhu sameeyo wuxuu yimaadaa masiibiibooyinka waawayn kedib, waayo wuxuu insaanku ogaanayaa in uusan waxba gacan ku hayn.

(2) Insaanku wuxuu ku kacayaa waxyaabo keeni kara fasaad guud: taranka oo bata, dulmiga oo baaha, hawada oo la wasaqeeyo, kiimiko iyo sun lagu aaso dhulka iyo badaha, dhirta oo la xaalufiyo iwm. Arrimahaas waxaa ka dhalanaya in ay dadku dhadhamiyaan qeyb ka mid ah waxyaabaha xunxun oo ay falayaan, si ay dib uga laabtaan fasaadka ay wadaan- ليذيقهم بعض الذي عملوا لعلهم يرجعون.

(3) Waxay masiibooyinka iyo cuduradu dadka ku baraarujiyaan taag darradooda iyo baahida ay u qabaan Alle ( muminiinta, si gaar ah) wayne. Marka ay geerida iyo cabsidu badato, waxay durbaba dadku xasuusanayaan aakhiro, Alle iyo in aysan dunidaanu ahayn goob lagu negi yahay. Wuxuu meelo badan quraanku noogu sheegay in ay masiibooyinka iyo cuduradu yihiin digniino iyo hurdo ka toosin-wake up call. Wixii aan ka tegay, ama khalday waad ku dari kartaa.