Ummad aan xidhe lahayn (W.Q. Nuur Xaaji Xiirey)

Xidhe micnihiisu waxa weeye, haddii qof arrin idin dhex maro, ciddii kaa qaban lahayd, ayaa la yidhaa xidhe.

Haddaba ummad walbaa caalamka waxay leedahay xidhe. Ummadaha waxyaalo  badan ayaa xidha. Ummad waxaa xidhe u ah muwaadinnimo, ummad waxaa xidhe u ah qabiil, ummad waxaa xidhe u  ah diin, ummadaha qaarna bani’aadannimo ayaa xidhe u ah.

Ummadeenan markaynu taariikh ahaan dib u raacno xidhaheedu wuxu ahaa qabiil oo qofka haddii uu gardaran yahay qabiilkiisa ayaa qaban jiray, haddii laga gar daran yahayna qabiilkiisa ayaa uhiilin jiray.  Haddii aynu yara jaleecno taarikhdii awoowyaasheen iyo dadnimadoodii,  waa kuwii gaalkii saan-caddaalihii badda dusheeda kaga heshiiska saxeexay.

Bal maanta ka warrama halka aynu marayno. Waxaynu maraynaa sharcigii kaynta (the law of jungle). Maanta ummaddeena diin ma xidho, qabiil ma xidho, waddaniyad ma xidho, bani aadamnimona hadalkeed daa. Heshiis aad wadagasheen ma xidho, maanta dadka wax xidhaa ma jiro, manta dadka waji aad ugu soo hagaagto ma jirto.

Waxaa layaab leh dadkii sharaftaa lahaa ee saancaddaalihii caalamka wareeriyay geedka iskaga xidhay maxaa sidan ugalay? Ma la is waydiiyay cidda sidan u burburisay ee wali ku wada burburkii.  Waar xar baa ina galay ee intaynaan dumin ma toosnaa oo xarkaa ma iska qabanaa mise sidaa ayaynu u eeganaa?

Waar ummad xar caynkaa ugalay oo ku sugan laxdad walba inay burburto, cidina hogaamin karimayso, cidina lama dhaqmi karto.  Madaxwayne Afrikaan ah ayay ummadiisu aad khamriga u cabi jirtay markaasuu yidhi (I cannot lead a nation of drunkards).

Hadal iyo dhammaantii cidina hoggaamin mayso lana dhaqmi mayso ummad aan xidhe lahayn.

Nuur X. Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com