Ummusha isku go’day, hooyada harraadan iyo dhallinta tahriibtay cashuurtoodi cid gaaaraa dheefsaday! (Maxamed Sidiiq Dhamme)

Mudane fooq bineeyay mooshinkii ka dib, waa kaa aayahaygii maalinba nin fiilo ku dhisanaayo. Shaqo la’aanta iyo busaaradda dhallintu ka tahriibayso sababteedu waa taa muuqata. Markii la weelayn waayay cashuurtii ummadda ee masuuliyad lagu maamuli waayey waa taa la kala boobay ee badh baan ku dhacday iyo badhna baloodho la kala siistay.

Hiigsi asaageen aynu gaadhnaa innaga dheer inta hantida ummadda horror la doortay higaayo, kan jooga ee waraaboobay iyo ka soo socda haduu dhabaha maro rajadu  mugdigaasay ku jiraysaa.  Waan ka xumahay xildhibaano fooqaq seeskoodu bineeyay oo hantidii ummadda jeebka loogu shubay, dhiilo hilashada  iyo cashuur hiigid waa dub u dhaca inna  ragaadshay.

Nasiib darro weeyaan in lagu laaluusho xidhibaano cashuurta ummadda oo lagu boobo hantida ummada, ogolin haddi la mariyo sharciga oo la caddeeyo baahida keentay xaraashka hantida, sababta loo iibinaayo ee loo wareejinaayo,  ganacsatada  si xora oo xalaala loo tartansiiyo, xisaabta lacagta laga qaadana xisaabaadka qaranka ee ummadda lagu shubo oo loo qorsheeyo halka la gelinaayo ee manfac ummadda u leh. Inta la qaybsanaayo ee qaydhinka  lagu qaybsanaayo  hantida ummadda aamusimayno  oo damiirkeenu  yeelmaay sida eega arrin yahay, haddi hebelo jeebka loogu shubaayo hantida ummadda ka dhaxaysa  waa khiyaamo qaran iyo xatooyo aan xeer lahayn.

Haamaha hadda laga taajiray ee galbintooda iyo wareejintooda laga hodmayo ummadday ka dhexeeyaan,  ka  lasii gudaaya ee iibinaaya iyo ka hareerta la haya ee baqshiishka qaadanayaba waa masuuliyiintii qaranka loo dhaarshay. Qarsi ma jiro oo waa badheedh boobku, waxa feedhka laysugu hirgisayaa ee loo kala xishoon waayey saw danta-guud  dabkaan saaraya iyo ha cunin maaha?

Madaxweyne Siilaanyo sidaan ka maqlay waayeel musuqa wuu necbaa hadeer haddu ogyahay xaalku halkuu maraayo kama aammusene malaha xantii la sheegayay iyo taladii sida xeedhada la wadaagayay wax badani run ka yihiin, haddu badheedhayo oo ogyahay xatooyada hantida qaranka madaxnimooy hoog!

Waagii Riyaale dalka hoggaminaayay ee la iibiyay guryihii shacabka Siilaanyo siduu uga dhiidhiyi jiray waxay rajo gelin jirtay shacabka doortay oo waxa la filaayey in uu ku tuntuunsan doono xannaanaynta danta guud inta hadhay. Xannaano haba joogtee hadh cadbaa  dantii guud  siday u kala qaalisanayd la wareejiyay,  guryo waa saleelee warshadii laydhka, haamaha oo hadda loo ham iyo digleeyay, dekedoo hunguraynteeda meesha ka maqanayn , buurihii oo badhna la baadhay badhna ajaanib loo xayndaabayo, intaas iyo inkaloo badanba sharciga lama marin xeerna lama waafajin waa badhka hadhay adna ha hanbayn.

Dhiidhigii waqtigaasi wuxuu ahaa noo daaya annaguna aanu intaa xaraashnee, qoladan wax laga dhaxalaayaba ma jiraan Eebbow qaadir in ay ciidankana wareejiyaan oo yidhaadaan shirkadaasa dayactiraysa, ileen waxa laga xishoon waayey meelo muhiim ahaayee.

Masuuliyiinta danta guud xalaalaystay qaadirna waa eegayaa bulshaduna way ogtahay, xisaabi way danbaysaa maalin lays waydiin doono hantida ummadda ee la xalaalaystay. Mudane madaxweyen hadaad in uun xogogaal tahay xaalka dalka ka hadal oo danta guud caynaan badbaadsha noqo, madaxweyne masuuliyadda dhaarta Alle aad ku martay  ilaali oo adkee amaanada ummaddu kuu dhiibtay, wasiirada milyaneerada noqday dhunkaalbay dhitaysteen waxay ka hodmeen cashuurta umusha isku  go’day, agoonta  qatan, ubaxa  tahriibay ee saxaraha, badda iyo magafaha ku lee’day, hooyada haraadan,  hanti maaha   maandhoow ee waa  naar waxaad kiishka iyo baanka ku cabaysay.

Maxamed Sidiiq Dhamme