Ururka cusub ee isku dhawaaqay (WQ: Maxamed Xirsi Guuleed “Cabdibashiir”)

 

Dhawrkii cisho ee ina dhaafay waxa iska soo dabadhacayey, warka koox cusub oo sida ay u muuqato caalami ah, isla markaana islaamnimo ku baaqaysa. Bal aan idinla wadaago fiirsashooyin kor ka xaadsi ah iyo aragtidayda:

1- Muuqaal ahaan:

– Waa koox muuqaal waranle leh (waranle reer galbeedaysan); xagga lebbiska iyo gadhka

– Waa koox ladnaani ka muuqato, sida inay ka tirsanyihiin dabaqadaha dhaqaale ee sare ama dhexe

– Waa oodayaal, ka wada weyn wakhtigii ay soo bixi jireen dadka mabaadi´da faafiyaa.

– Waxa ay u fadhiyeen, si borotokool leh oo muujinaysa inay yihiin dad u carbisan qaab gaar ah

– Wejiyadooda waxa ka muuqatay dareen fog oo muujinaya qaylodhaan

2- Nuxurka warkooda

– Waa baaq aasaasi ah oo dadka ugu baaqaya wixii loo abuuray oo ah caabudidda Eebbe iyo in ay Alle tawxiidkiisa qabsadaan.

– Dadka Bina Aadanka ah ee adduunka ku nooli, isku khaanad ayey ugu jiraa, isku si ayaanay ugu baaqayaan.

– Yacnii, dadku wixii ay doonaan ha ku andacoodeen inay yihiine, waxay dhammaantood ka furteen xidhiidhkii Alle, markaa waa in baaqa looga soo wada bilaabo halkii ay Nebiyadu ka bilaabijireen baaqooda oo ah tawxiidka Alle.

– Sababaynta aragtidoodu waa in dadku lumeen maadaama oo ay ka xukun dhigan-waayeen xukunka Ilaahay. Yacnii Ka xukun-dhigashada xukunka Ilaahay waa qayb aasaasi ah oo ka mid ah SHAHAADADA TAWXIIDKA

3- MAWQIFKOODA SUNNAHA

– Ma ay sheegin mawqifkooda ay ka taaganyihiin sunnaha Nebiga scw, laakiin MARNA AFKU KAGA DHICI MAAYO; RASUULKAA SIDAA YIDHI AMA SIDAA QABAY. Bes waxay daliishanayaan aayado Qur´aan ah. fiiro gaar ah ayuu mudanyahay qodobkaasi

SIDEE AYEY TAHAY IN LOOGA FALCELIYO KOOXDAN CUSUB?

– Yaan budhka lala fuulin ee si taxadir leh, ha loo qiimeeyo

– Ilama habboona in karaamadooda bina-Aadannimo meel lagaga dhaco, in la aflagaadeeyo, In la xidhxidho, in la jidhdilo iyo in sidaa lagu baaqo toona MA AHA.

– Dadku diinta barashadeeda kor ha u qaadeen si ay isaga kala garan karaan wixii saxsan iyo wixii qaldan

– Doodo cilmi ku dhisan ha lala yeesho. Hana la fahmo ambaqaadka fikirkoodu halka uu salka ku hayo. Ma kitaabka iyo suunnaha ayey ka duulayaan? Ma kitaabka Quraanka ah oo KELI AH ayey ka duulayaan? Madaahibta caqiido ee muslinka dhexdiisa xaggay raacsanyihiin?, madaahiibta fiqi ma qirsanyihiin? Muslinka, ehlu-ktaabka, mulxidiinta, mushrikiinta iyo cawaanku, sidee ayey ugu kala soocanyihiin?

WQ:  Maxamed Xirsi Guuleed “Cabdibashiir”