Waa ayo kooxaha jaakeedka hurdiga Faransiiska ee rabshadaha kulul ka wada Caasimada Paris (WQ: Rashiid Odowaa)

Markii hore waxay ku bilaabantay kooxo ka tirsan Dabaqaadka dhexe iyo hoose ee bulshada faransiiska dadkan waxay ka falcelinayeen kor u kaca qiimaha shidaalka oo ay u arkayeen inuu ku yahay Culays.

Mudoo afar week ah ayay xukuumadda Faransiisku hadda Hoos u eegaysaa Suurto galnimada in laga noqdo qiimaha la kiciyay ee shidaalka hase ahaatee midabkii hurdiga ahaa wuxuu isu beddelay midabbo badan iyo kacdoono badan oo huursanaa ayaa hadda is biirsady waxana ku soo biiray kooxo Cunsuriyiin ah oo baabuurta dushooda ku jaasaya oo wax gubaya iyo ardaydii oo ku baaqaysa in qaabka Imtixaanadka dugsiyada sare iyo habka jaamacadda loo gelayo wax laga beddelo.

Waxa kaloo hadda Ciyaarta ku soo biiray kooxo asal raac ah oo diidan dadka Soo galowga ah iyo kuwo rabshad doon ah iyo qaar kaloo u doodaya in deegaanka la dhowro oo ka cabanaya Kulaylka adduunka ee kor u kacaya(Global warming) waxad mooddaa inya arrintu noqotay wajiyo badan.

Facebook ayaa doorka ugu wayn ka qaadanaya

Dadkan ama kooxahan intooda badan waxa isu keena Facebooga oo baro ay ku leeyihiin ay ku kulmaan 67%ayaa facebook isticmaala waddanka Faransiiska taas oo ka dhigan in 22 milion oo qof  ay maalin kasta Online yihiin waxanay leeyihiin kooxo ama groupyo Social mediaha ah oo magacyadooda ay ka mid yihiin kooxda Midabka (Groupes coleres) iyo Groupka Cadhada(Angry Groups kooxahan waxa xubno ka ah boqolaal kun oo qof maalin kastana way sii kordhaan.

WAA KUMA HOGGAAMIYAYAASHU

Ninka la yidhaa Gillets jounes oo dadiisu tahay 36 jir ayaa ugu horreeya dadka abaabula kooxaha Jaakeed hurdiga magaca uu facebook ugu qorani waa jaakeet hurdiile(Vestman) waana Makaanik vedio uu dhowaan soo duubay oo uu ku dhiiri gelinayo dadka inay diidaan cashuurta la kordhiyay ayaa waxa booqday 5.4 milion qof wuxuu ka soo muuqday Vedio ga isagoo xidhan jakeetka hurdiga ah.

Waxa kaloo iyaduna qayb wayn ka ah gabadha la yidhaa (Jacline mourad) oo ku baaqaysa inay dadku ka mudahaaradan waxa ay ugu yeedhay Dabinka ay xukuumadu dhigatay waxa kaloo ka mida dadka dabada ka riixaya kacdoonkan (Jean Farancois 62jir,eric drout 33 jir, iyo qaar kaloo badan dadkan waxay leeyihiin dad boqolaal kun ah oo facebooga ka wada  xidhiidhaan isla markaana taageerayaal u ah waxa ay ku baaqaanna isla aroorta fulinaya.

Waddanka Faransiiska oo loo yaqaan taariikh ahaan meelihii uu ka bilaabmay kacdoonada.Inqilaabyada iyo isbeddelada (Revolations,Coup de atat and Rennaisance) ayaan la saadalin Karin kacdoonadan waxa ay ku danbayn karaan balse waxa xusid mudan qaabka ilbaxnimada leh ee loola tacaalayo dadka banana baxa wada waxanad arkaysaa dadkii rabshadda waday oo haddana loola dhaqmayo qaab naxariis ah inta badan marka loo eego baaxadda rabshadaha iyo khasaaraha ay keensanayso iyadoo xukuumadu hakisay qiimihii ay sare u kicisay.

xigasho

By Hillary clerke and gianluca messofon CNN

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan @gmail.com