Waa baa beryay: Cabdiraxiim Axmed Maxamed “Hal-deeq”, Q.2aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

Naadiga Halkaraan

“Dhulka waax madoobayd,
Inta waa ku saro-kaco,
Qorrax Gaandi weheshaa,
Wac ku soo tidhaahdaa,
Bulsho weerka xoortaa,
Anigana Wajiiniyo,
Waqal igu gadoodaa,
Wahabkii i saarnaa,
Waan-waani dhaxashaa,”

Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Kaftan-dhablihii Hal-deeq inta aan rumaystay, ayaan weydiiyay hooyadii. Wuxu iigu sheegay Nimco. Tilifoonkeedii ayaan weydiiyay. Wuu ii sheegay. Hooyo Nimco ayaan tilifoon u diray. Si fiican ayay iiga qabatay. Waxaan hadalkeeda ka dhadhansaday in ay i garanaysay. Waan isu sheegay. Waxay igu tidhi: “Waxaan ahay Nimco Cali Faarax Rooble. Waxaan ahay Reer Gebilay, waxaana adeer ii ah Axmed Ismaaciil Qadiye.” Axmed baan gartay.
Hooyo Nimco, waxaan weydiiyay goortii uu dhashay Cabdiraxiim-yare. Waxay isku kay raacisay: “Wuxu dhashay 7/10/2001dii oo maalin Isniin ah ah ahayd, xilli ay saacaddu ku beegnayd 12.00kii duhurnimo.” Aniga oo aan weydiin qoladiisa ayaa waxay jawaabteedii iigu dartay: “Waa Ashraaf.” Anna degdeg u idhi: “Ma Ashraaftii Reer Burco.” Waxay iigu jawaabtay: “Haa, waa iyaga.”

Mar keli ah ayay cajaladdii maskaxdaydu is-rogtay.
Waxay dib ugu noqotay dhammaadkii 1976kii oo aan kormeer hawleed ku joogay Gobolka Sanaag, markii danbena aanu Burco u soo gudubnay. Raalli iga ahaada aan idiin ka dhaco xusuustan yar ee kooban ee soo laba-kaclaysay e’. 1dii Juulay 1976kii ayaa Akaademigii Ciidammada ee Muqdisho lagu qabtay Shirweynihii lagu aasaasayay Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed oo aan ka qayb-galay. Markii uu Shirweynuhu dhammaaday ayaa wefdiyo xisbiyeed loo kala diray Gobolladii Jamhuuriyaddii xilligaas.

Waxa la igu qoray wefdigii loo dirayay Gobolka Sanaag, waxaana noo madax ahaa Shariif Saalax Maxamed Cali oo sawirkan sare ka muuqda. Wuxu madaxa u ahaa Hoggaankii Cilmi-baadhista ee XHKS, isaga oo horena u ahaan jiray Wasiirka Tacliinta Sare sida aan filayo, waqti dheer ayaa ka soo wareegay e’. Markii aanu kormeerkii dhammaysannay, ayuu Shariif Saalax yidhi: “Waxaynu sii maraynaa Burco oo ay deggen yihiin qoyskayaga qayb ka mid ahi.” Aad ayaan ula yaabay, maxaa yeelay Shariifka waxaan u haystay Reer Koonfureed.

Intaa markii aanu Nimco is-weydaarsannay, ayaan ku idhi: “Ashraaftu, ma Shariif Saalax iyo reerkoodii baa?” Waxay iigu jawaabtay: “Haa….Haa oo waa kii beiga dhaweyd dhintay.” Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo. Shariif Saalax Maxamed Cali, waxa kale oo uu ahaan jiray Guddoomiyihii Guddidii Qoraalka Far-soomaalida ee 1972kii la magacaabay. 40-Guuradii Jabuuti lagu xusayay qoraalkii far-soomaalida ayaanu Shariif Saalax Hudheel ku wada jirnay oo aanu xusuuso badan iska wareysan jirnay, annaga oo lugaynayna.

Cabdiraxiim-yare ayaa sheekadaas oo dhan ila galay. Aan ku noqonno aniga iyo Cabdixakiim-yare wixii na dhex maray. Wuxu ahaa wiil yar oo hadallada ku dhiirran oo si asluubaysan oo xifaalena ku jiro wax kuu weydiinaya.
Wuxu igu bilaabay: “Adeer, horto adiga ayaan Burco kaaga imid. Adduun kuuguma iman oo ma haysatidba. Bal se waxa la ii sheegay oo aan aniguna ogahay in aad buugaagta hodan ku tahay. Buugaagtaa aad hodan ku tahay ayaan kaa martiyay iyo wixii talo iyo tusaale aad i odhanayso.” Aad inta aan u qiirooday ayaan buugaagtii aan u soo qaaday ku wareejiyay. Wuxu iga codsaday in aan iskula sawiro, aniguna waan ka guddoomay. Lambarradii iyo e-mailladii ayaanu kala qaadannay. Sidaas ayaanu ku kala ambo-baxnay. Burco markii uu ku noqday ayaan haddana buugaag kale ugu diray oo ay ka mid ahaayeen: Hagarlaawe iyo Ilmadii Halabuurku.

Araggiisa iyo la-kulankiisa ayaa rajo iyo ididiilaba i geliyay. Wuxu ii la mid ahaa maalmihii aan bartay Cali Mooge Geeddi, Mowliid Aadan Biixi, Muna Axmed Cumar, Nada Yuusuf Cumar, Yaasmiin Maxamed Kaahin iyo qaar kale oo badanba oo wiilal iyo gabdhaba leh. Sidaas ayaan sheekadan gaaban ee xaradhaamada leh ugu bixiyay: “Waa baa beryay.” Allahayow Hal-deeq iyo inta la midka ah ee kacaysaba inooga dhig waa beryay oo dalkan iyo dadkan tabaalada la ragaaday, saymaha iyo saxariirkaba ka saara. “Ha samaato dhaha.”

Cabdiraxiim-yare, waa hal-abuur maansooyinka curiya, waa hal-abuur sheekooyinka curiya, waa daneeye heegan culus ugu jira in uu wax barto. Dhowr habeen ka hor ayaan tilifoon ugu diray Burco, waxaanu ii sheegay in uu ‘Nadwad’ aafada Qaadka laga hadlayo ku jiro. Sidaas ayaanu waqtigu macno-darro uga lumin. Ilaahay ha soo barbaariyo, dadkuna ha u gargaaraan.
Dhammaad

Ogeysiis:
Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee Bogaggayga, waxaan ugu bushaareynayaa in aan 8/12/2015ka u bilaabi doono taxane aad u kooban oo socon doona dhowr iyo toban maalmood, kaas oo ku saabsan taariikh-nololeedkii iyo sooyaalkii halgameed ee Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi, oo magac-dagaalkiisu ahaa Mujaahid Bashiir, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa il-bidhiqsiyo ka mid ah halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waa qof keliyi intii uu ka geystay iyo intii isaga loo geystay. Bal intan ku darso boqollaalkii kun ee ku shahiiday halgankaas hubeysnaa: waxay geysteen iyo wixii loo geystay. Dadka qaarkii ayay dheel-dheel la tahay. Akhris wanaagsan oo qiiro leh, haddii Eebbe idmo.