Waa imisa tirada shacabka ku nool jamhuuriyadda Somaliland? (WQ: Nuux Ismaaciil Maxamed “Ina Somali Airlines”)

Ma sax baa in ay tiradu tahay 3.5 milyan?

Waa imisa tirada shacabka ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland? Ma sax baa in ay tiradu tahay 3.5 milyan? Intii aan akhrinayey buugaag iyo maqaalo kala duwan oo laga qoray Somaliland waxa ay sheegayaan in ay tiradu tahay 3.5 milyan. Tiradan 3.5 milyan waa qiyaas ee ma jirto tiro-koob sax ah oo dalkoo dhan laga sameeyey.

Tiro koob saxi waxa uu iman karaa marka dalka laga hirgaliyo hay’ add qaran oo qaabilsan arrimaha ama hanaanka diiwaan gelinta shacabka. Xafiiskaa qaran waxa keliya ee uu ka shaqayn lahaa waxa weeyi diiwaan gelinta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hay´addaas qaran hawsheedu waxa ay noqonaysaa diiwaan gelinta kii dhasha, kii dhinta iyo kii kale deggenaansho dalka ku jooga. Markaas ayaa la heli karaa tirokoob rasmiya oo sax ah.

Dal waxa lagu qiimeeyaa horumarkiisa marka uu leeyahay xafiis qaran ama hay’ add qaran oo shacabka diiwaan gelisa. Dalkeenna, Somaliland waxa uu ubaahan yahay hay’ add qaran oo shacabka diiwaan gelisa. Lagana sameeyo magaalo kasta oo weyn oo dalka ku taalla. Tuulooyinka yaryarna waxaa xafiis looga furi karaa dawladda hoose ee degmadaas ama tuuladaas. Way fudud tahay in la sameeyo hay´add qaran oo arrimahan ka hawl gasha. Cilmi badan oo fiisikis ah uma baahna. Waa nidaam maareynta ka mid.

Dadkeenna marka aad arrimahan kala sheekaysato waxa ay ku odhanayaan ma samaysan karno. Waa arrin adag.
Su´aashu waxa weeyi goormaa la samayn doonaa oo dalku yeelan doonaa hay´addaas ama xafiiskaas qaran?
Waxa aynnu leenahay intaas oo xafiis qaran, tusaale, guddidda doorashooyinka qaranka iyo hay´adda diiwan gelinta xisbiyada qaranka iwm.

Waxa aad mihiim ah in hawshu bilaabanto, oo uu dalku yeesho hanaanka (System) diiwaan gelinta qaranka ee shacabka. Kaddibna hanaankaas la dhis, la kobciyo, la xoojiyo oo la wanaajiyo.

Waxa la bilaabay diiwan gelinta muwaadinka. Waa in ay noqodtaa mid rasmiya oo dhammaan dalka oo dhan ka hanoqaada. Waa in ay noqodtaa mid muwaadinka kasta lagaga dhigayo waajib, in uu is diiwaan geliyo. Maaha in la yidhaahdo marka ay doorasho soo dhawaato dadka ha la diiwaan geliyo. Waa in ay hay´addani noqodtaa mid mar walba jirta oo la sii horumariyaa.

Aan u soo noqdo su´aashii ahayd ma sax baa in ay tirada shacabka Somaliland tahay 3.5 milyan?
Dawladda kasta oo dalkeeda ka talisaa xogta tirada guud ee ay shacabkeeda ka soo gudbiso ee ay caalamka u soo gudbiso ayaa loo diiwaan geliyaa. Xukumadihii kala danbeeyey ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland xogta ay u soo gudbinayeen caalamka ayaa ahayd waxa aannu nahay 3.5 milyan. Haddaba waxa aan inta badan is weydiiyaa 20 sanno ee aynnu soo dhaafnay tiradu waxa ay taagnayd 3.5. milyan. Miyaanay tiradu kordhayn?

Caqliga saliimka ayaan taa ogollaanayn in tiradu ay intii uun ay tahay 3.5 milyan. Marka aan la beddelin tirada dadka ee lagu jaangooyo tiro 20 sanno ka hor taagnayd. Waxa ay saamayn ku yeelanaysaa qorshaha dawladeed ee xagga arrimaha ammaanka, waxbarashada, ganacsiga,

caafimaadka iyo dhaqaalaha. Waa arrin saamayn weyn ku yeelanaysa dhammaan nolosha shacabka Jamhuuriyadda Somaliland haddii aan la sixin oo aan la xaqiijin tirada rasmiga ee aynnu nahay. Sidaa darteed waxa aynnu u baahan nahay in aynnu yeelanno hay´add arrintaa aynnu kor ku soo xusnay inoo qaabilsanaanta.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ee tirada shacabkeedu ama tarankoodu aad kordhayo. Waxa la yidhaahdaa waa kordha qiyaastii 2%
Markii aan sameeyey tiro koob aan ku fadhiisiinayo hababka kala duwan ee tirikoobka waxa aynnu noqonaynaa isku celcelis tiro 4.6 milyan.

Marka aan la hayn xog sax ah ama rasmiya, waxa tirikoobka shacabka ama (statistics) loo qaadaa/sameeyaa habab kala duwan.

Labadii bilood ee udanbeeyey waxa aan warbaahinteenna iyo goobjoogayaashii ka maqlayey Somaliland shacabkeedu waa 4 milyan. Waa war farxad leh haddii tiradihii hore ee 3.5 milyan kor loo qaaday
Fiiro gaar ah
Tirada shacabka Somaliland marba marka ka sii danbaysa way sii kordhaysaa.
Tusaale yar haddii aan ku siiyo adiga oo meel fog ba eegin, waxa aad tirisaa faamaligiina intii ku soo korodhay, inta jaarkaaga ku soo korodhay, inta asxaabtaada ku soo korodhay.
WQ: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
30 Nov 2017

Waa imisa tirada shacabka guud ee ku nool jamhuuriyadda Somaliland? Ma sax baa in ay tiradu tahay 3.5 milyan?

Waa imisa tirada shacabka ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland? Ma sax baa in ay tiradu tahay 3.5 milyan? Intii aan akhrinayey buugaag iyo maqaalo kala duwan oo laga qoray Somaliland waxa ay sheegayaan in ay tiradu tahay 3.5 milyan. Tiradan 3.5 milyan waa qiyaas ee ma jirto tiro-koob sax ah oo dalkoo dhan laga sameeyey.

Tiro koob saxi waxa uu iman karaa marka dalka laga hirgaliyo hay’ add qaran oo qaabilsan arrimaha ama hanaanka diiwaan gelinta shacabka. Xafiiskaa qaran waxa keliya ee uu ka shaqayn lahaa waxa weeyi diiwaan gelinta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Hay´addaas qaran hawsheedu waxa ay noqonaysaa diiwaan gelinta kii dhasha, kii dhinta iyo kii kale deggenaansho dalka ku jooga. Markaas ayaa la heli karaa tirokoob rasmiya oo sax ah.

Dal waxa lagu qiimeeyaa horumarkiisa marka uu leeyahay xafiis qaran ama hay’ add qaran oo shacabka diiwaan gelisa. Dalkeenna, Somaliland waxa uu ubaahan yahay hay’ add qaran oo shacabka diiwaan gelisa. Lagana sameeyo magaalo kasta oo weyn oo dalka ku taalla.

Tuulooyinka yaryarna waxaa xafiis looga furi karaa dawladda hoose ee degmadaas ama tuuladaas. Way fudud tahay in la sameeyo hay´add qaran oo arrimahan ka hawl gasha. Cilmi badan oo fiisikis ah uma baahna. Waa nidaam maareynta ka mid.

Dadkeenna marka aad arrimahan kala sheekaysato waxa ay ku odhanayaan ma samaysan karno. Waa arrin adag.
Su´aashu waxa weeyi goormaa la samayn doonaa oo dalku yeelan doonaa hay´addaas ama xafiiskaas qaran?
Waxa aynnu leenahay intaas oo xafiis qaran, tusaale, guddidda doorashooyinka qaranka iyo hay´adda diiwan gelinta xisbiyada qaranka iwm.

Waxa aad mihiim ah in hawshu bilaabanto, oo uu dalku yeesho hanaanka (System) diiwaan gelinta qaranka ee shacabka. Kaddibna hanaankaas la dhis, la kobciyo, la xoojiyo oo la wanaajiyo.

Waxa la bilaabay diiwan gelinta muwaadinka. Waa in ay noqodtaa mid rasmiya oo dhammaan dalka oo dhan ka hanoqaada. Waa in ay noqodtaa mid muwaadinka kasta lagaga dhigayo waajib, in uu is diiwaan geliyo. Maaha in la yidhaahdo marka ay doorasho soo dhawaato dadka ha la diiwaan geliyo. Waa in ay hay´addani noqodtaa mid mar walba jirta oo la sii horumariyaa.

Aan u soo noqdo su´aashii ahayd ma sax baa in ay tirada shacabka Somaliland tahay 3.5 milyan?
Dawladda kasta oo dalkeeda ka talisaa xogta tirada guud ee ay shacabkeeda ka soo gudbiso ee ay caalamka u soo gudbiso ayaa loo diiwaan geliyaa.

Xukumadihii kala danbeeyey ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland xogta ay u soo gudbinayeen caalamka ayaa ahayd waxa aannu nahay 3.5 milyan. Haddaba waxa aan inta badan is weydiiyaa 20 sanno ee aynnu soo dhaafnay tiradu waxa ay taagnayd 3.5. milyan. Miyaanay tiradu kordhayn?

Caqliga saliimka ayaan taa ogollaanayn in tiradu ay intii uun ay tahay 3.5 milyan. Marka aan la beddelin tirada dadka ee lagu jaangooyo tiro 20 sanno ka hor taagnayd. Waxa ay saamayn ku yeelanaysaa qorshaha dawladeed ee xagga arrimaha ammaanka, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo dhaqaal
aha.

Waa arrin saamayn weyn ku yeelanaysa dhammaan nolosha shacabka Jamhuuriyadda Somaliland haddii aan la sixin oo aan la xaqiijin tirada rasmiga ee aynnu nahay. Sidaa darteed waxa aynnu u baahan nahay in aynnu yeelanno hay´add arrintaa aynnu kor ku soo xusnay inoo qaabilsanaanta.