Boko Xaraam waa urur xagjir ah oo ka dhisan wadamo ay ka mid-yaheen Nigeria, Chad iyo Gambia . Ururka Booko Xaraam dadka ma laayaan ismana qarxiyaan sida “Al Shabaab”. Tabaha iyo xeeladaha ay ku hawl galaan wax aka mid ah Afduub, Jidh–dil, Budhayn, Hanjabaad & Cabsi gelin. Waxay beegsadaan dadka kasoo horjeeda mabda’ ay aaminsan yihiin.
Sida suxufiyiinta, ardayda, aqoonyahanada iyo haldoorkabulshada.Hadaba , waxa Somaliland ka dhilaacay garab ku shaqeeya tabaha iyo xeeladaha Boko Xaraam,oo fuliya Siyaasadda Hoggaanka Xisbigga Kulmiye, gaar ahaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Xeeladahaas waxa ka mid ahaa qaraxyadii loo bixiyay “Shaani Explosions” ee ka dhacay Hargeysa markii ay hirdamaayeen Col. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Siilaanyo.
Qaraxyadaasi khasaare nafeed may gaysan balse waxay ahayd cabsi gelin, waanay u shaqaysay Col Muuse Biixi oo kursigii Kulmiye lagu wareejiyay bilaa tartan.Wax ku xigay budhayn iyo gaadmo lala beegsaday Suxufiyeen iyo haween Reer Burco ah. Waxa ugu danbeeyay jidh-dil loo gaystay Haldoor Barkhad iyo Maxamed Sidiiq Dhame oo ka tirsan Xisbigga Waddani. Haddaba su’aasha bulshadu iswayndiinaysa waxa weeye: Waa kuma hoggaamiyaha garabka Boko Xaraam, Kulmiye ?
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Kulmiye Booko Xaraam waa Col. Muuse Biixi Cabi. Hawl-gelinta iyo fulinta dagaraha waxa u qaabilsan nin lagu magaacaabo “Abu Cabaas” oo ahaan jiray Saddex Xadhigle ka tirsan Taliskii 26 ee deganaa Hargeysa. Markii Somaliland la xoreeyay wuxuu u gudbiyay dhinaca Puntland, waxaanu ku biiray ururkii la odhan jiray Al-Itixaad. Wuxuu ku danbeeyay Ururka Al-shabaab isagoo gacan yare u ahaa Ibraahim Al Afqaani, Kismaayo. Markii la khaarajiyay Ibrahim Afqaani Oktoobar 2013 wuxuu u soo gudbay dhinaca Somaliland waxaanu ka mid noqday ilaalada Col Muuse Biixi oo ay jufo hoose wadaagaan .
Eng Cabdi Kaahin, Hargeisa.