WAA KUMA HURRE WALANWAL? — W/Q. HADRAAWI.

WAA KUMA HURRE WALANWAL? — W/Q. HADRAAWI

Cismaan Ibraahim Warsame “Hurre Walanwal”, ninka magacaas leh la garan maayo xilligii uu dhashay, waayo, dadka xooladhaqatada ahi aqoon uma laha qoraalka dhacdooyinka nolosha lagu xusuusto. Laakiin waxa la qiyaasaa in dhalashadiisu ku sinnayd abaartii Hayaandheer oo ku beegnayd hilaaddii 1946kii. Waxa uu ku dhashay deegaanka gobolka Togdheer.

Bulshada uu dhexdeeda ku dhashay waxa ay caan ku tahay hibo halabuur oo ka soo jeedda xooladhaqatada iyo golayaasha aftahammada lagu cabbiro ee lagu madadaasho caweysyada. Daaqa, aroorka iyo geedda waxa la adeegsadaa hawraaro la weheshado oo layskaga ilaaliyo daalka.

Aftahammadu waxa ay ka soo jeeddaa falaadka xoolaha. Waxa laga hadlaa u kuurgalka dhaqanka xoolaha oo aan la malayn karayn. Waxa laga hadlaa hawsha iyo tacabka laga soo maro. Waxay leeyihiin aftahammo lagaga hadlo kaalinta, manfaca iyo mahadda ay xooluhu leeyihiin. Waxa laga hadlaa guulaha laga soo hooyo nolosha qaabkaas ah – rarid, furid, ilaalinta nabadgelyadooda, caafimaadkooda iyo guud ahaan baahiyahooda. Waxa lagu mintidaa daryeelkooda, si mahadda ay leeyihiin loogu naalloodo. Waxa lagu ilaaliyaa xerada iyo sabada daaqa, aroorka, iyo waraabka. Intaas oo dhami waxay keentaa adadayg iyo ragannimo aan nasasho lahayn – gaar ahaan xilliyada adadag ee Jiilaalka iyo roobwaaga.

Nolosha sawracaas leh ayuu Hurre ku dhashay, ku barbaaray, kuna hanaqaaday. Waxa uu ku ababay oo ku waayeelay nolosha qaabkaas leh oo qofka ka dhigaysa bir finiin ka hadhay oo aan xaaladaha adag u liicin. Intaas oo dhan, Ilaahay wuxu Hurre ugu daray hibo la yidhaahdo aftahammo oo xooladhaqatada in ka mid ahi ay si gaar ah u leeyihiin. Nolosha goobaha madadaalada iyo isu baanka, waxa lagu kala baxaa helidda ereyada, iyo habka iyo hannaanka ee uu qof waliba kaalintiisii, guulihiisii iyo maamuuskiisii u daafaco. Muddo lixdan sannadood ah ayuu Hurre Walanwal ku gaadhay nolosha caynkaas ah ee qofku la gole yimaaddo.

Hurre wuxu caan ku yahay ummadda uu ka dhashay taariikhdeeda, waayeheeda, qaab-dhismeedkeeda, xeerarkeeda, hab-dhaqankeeda, xidhiidhadeeda, iyo suugaanteeda. Wuxu ku talaxtagay af Soomaaliga xeesha fog ee ka soo jeeda nolosha aynnu ka warrannay. Waxa uu leeyahay fahmo iyo fiiro gaar ah; iyo dareen furfuran oo dadka soo jiita. Si layaab iyo falsami leh ayuu u taxaa weedhaha iyo waxsheegga. Marka uu hadlayo, waxa uu awood u leeyahay in uu dadka illowsiiyo werwerka, wahabka iyo waayaha adag intaba.

Kaalinta uu Hurre Walanwal caanka ku yahay waa silsiladdii joogtada ahayd ee dhex martay isaga iyo hablaha geyiga. Gaar ahaanna, silsiladda dhex martay isaga iyo gabadha caanka ah ee cid waliba u jeelqabto inay aragto, Canbaro Nuux oo Hurre ay hilib wadaagaan, haddana, ay isku deegaan yihiin.

Ninka tusaalaha ka warramayaa waa Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kor uga weyn Hurre Walanwal. Si aan loogu malayn inaan walaalkay u qaraabakiilay, Hurre Walanwal, idinkuba nala daya!

 

F.G. Qoraalkan waxa uu Hadraawi qoray 2010.

Xigasho:Maxamed Saleebaan cumar