Waa kuma Sareeyo guuto Maxamed Adan Saqadhi “Dabagale”? (WQ: Faysal Maxamed Fifa)

Taliyaha Ciidanka Bilayska Gen. Maxamed Aden Saqadhi(Dabagale) , waxaa uu dhashay sanadkii 1967 isago ciidanka milateriga ku biiray sanadkii 1987   waxa uu ka mid ahaa sarkiishi SNM.

Waxa uu sidoo kale wax ku soo bartay Ethiopia oo uu ku bartay Cilmiga Ciidanka isaga oo qalin jabiyay laba jeer oo kala ahaa 2004 iyo 2011.waxa uu heerka Aqoonta ka gaadhay ilaa Staff College “Abaanduulka Sare ”

waxa kale oo uu Carbisyo iyo tababaro dheeraada ku sameeyay Ingiriiska.

Waxaanu tiro ba dhawr jeer kasoo qabtey xilal kala duwan Ciidanka milateriga Somaliland ,Gen. Maxamed A Dabagale, wuxuu ahaa xubin firfircoon oo militariga ka tirsan.

1994-1995 wuxuu hoggaaminayey Unugga 1aad ee Guutada 1aad ee Ciidanka Qaranka (CQ).

1995-1997 wuxuu noqday Abbaanduulaha Xeebta Galbeed ee CQ.

1997-2000 wuxuu ahaa Taliyaha Guutada 17aad ee CQ.

2000-2003 wuxuu ka mid noqday saraakiisha Hawlgelinta CQ isagoo ahaa Korneel.

2005-2008 wuxuu noqday Taliya-ku-xigeenka Taangiyada iyo Gaadiidka Gaashaaman ee CQ.

Dec. 2011 waxa loo magacaabay Hoggaanka Hawlgelinta CQ.

Feb. 2013 waxa lagu tolay derajada Gaashaanle Sare.

May 2015 waxa loo dallacsiiyay Sarreeye Guuto.

Isagoo sanadkii 2017  lataliyihii madaxweyne Silaanyo ee arimaha Ciidamada.

 

Faysal Fifa.