Inta ugu badan, hormoodka feminismku fikrada ay diinta ka aaminsan yihiin waxay aad ugu dhowdahay aragtida shuuciyadu diimaha ka aaminsantahay. Feminismku waxa ay is tuseen in diintu tahay awood maro ku dheg ah oo horusocodnimada iyo furfurnaanta bulshooyinka dabarta. Awooda diintu waxay u xaglisaa labbnimada, caqiidada iyo shacaa’irta diimuhuna waxay la ciirciirayaan hageyaal xoojinaya isla markaana daayiminaya dhismaha bulshada ee soo jireenka ah (traditional order of society)- dhismahaas oo ah mid raggu ku amar ku taaleeyaan (patriarchy society), dumarkana cadaadis saara.
Simone De Beauvoir ( – 1953) oo ahayd mid ka mid ah hogaamiye yaasha ruuxiga ah ee xarakada feminismka isla markaana hindistay inta badan dooda falsafadeed ee feminismku ku dhisan yahay ayaa buugeeda “the second sex” waxay ku leedahay “diinta waxa loo adeegsaday cabudhinta dhedignimada. Waxay leedahay caqiidada diintu waxay dumarka ka dhigtay kuwo gorodda laalaadiya oo laasimay faquuq, cadaalad daro, dhiig miirasho, silic iyo rafaad taas oo loo fahansiiyay in ay dhaxalsiin doonto abaal marin wayn oo ay helaan nolosha danbe.” Feminism ka xagjirkaa ah waxay aaminsan yihiin in diimuhu ku taabo galeen bulshooyin raggu xuurtaysteen sidaa darteedna fahankii diinta waxa lagu saleeyay rabitaankii labbka.
Waxa jira qodobo gaar ah oo aalaaba feminismka xagjirka ahi tusaale usoo qaataan iyagoo ku andacoonaya in ay tusaale u yihiin sida diimuhu ragga u doorbidaan una gacansiisaan, dumarkana u fogeeyaan una faquuqaan.
- Diimuhu tusaale ahaan kiristaanku waxay gabadha ku tilmaamaan mid raga lumisa oo dariiqa toosan ka weecisa (temptresses). Marka baybalka la eego gabadhu waa tii denbigii ugu horeeyay gashay kadibna Aadan ku qancisay inuu ka hallaabo. Waana ta iyada darteed macsiyada abadiga ahi inoola soocto (original sin) ee janada la inooga soo tuuray.
- Diimuhu dumarka waxay ku qanciyeen kaalinta barbaarinta, dhalmada iyo guri ka adeega taasi oo ay ku helayaan badbaado waarta laakiin kaalintaasi waa ta dhaxalsiisay in bulshada maaraynteeda looga hadho ragga oo dhaqankiina isu bedelo mid labbnimadu halbeega keli ah tahay (patriachy society)
- Inta badan kutubta diiniga ah waxa ka buuxa nebiyo rag ah, awliyo rag ah, daaciyo rag ah, sayntis rag ah iyo baabeyaal rag ah. mar jirto saddexda diimood ee ibraahiimiga la isku yidhaahdo mid dumarku ay heerkaas gaadhaan. Taasina waxay sii xoojisay kala saraynta aan xadka lahayn ee raga iyo dumarka.
- Imaamnimada salaada, eedaanka, iyo xijaabka ayay feminism ku u arkaan astaamo faquuq oo dumarka lagag fogeeyay awoodii ruuxiga ahayd ee diinta iyo hogaamintii bulshda.
Qodobadani waxay tusaale yaal u yihiin meelaha dooda feminism ku ay ka durto diinta iyo nidaamkeeda. Karen Armstrong (1993) oo hormuud u ah qolyaha feminismka diinta aad ugu khafiifay ayaa waxay leedahay “mushkiladayada ugu wayni waa diimaha samada ku aroora ee ibraahiimiga la yidhaa: Islamka, Yuhuuda, iyo kiristaanks”
Dr Allison Jasper oo bare sare ka ah kuliyada “Arts and Humanities” ee Jaamacada University of Stirling, kana mid ah uqiil raadiye yaasha aragtida feminism ka ayaa waxay leedahay “ feminismku waxay doonayaan in fahanka diimaha la casriyeeyo iyadoo naska muqadiska ah loo qoor qabanayo hab u sed-burin kara xuquuqda haweenka. Sidoo kale waa in laga sifeeyo fikradaha dabarka ku ah dhedignimda, waana in diinta laga dhigo awood bulsho oo ragga iyo dumarku isku mid uga faa’iidaysan karaan.”
Qodobka ay tahay in fiiro gaar ah loo yeesho waxa weeye soojeedinta feminism ku ku rabo in lakala furo qiimayaasha sareeya ee akhlaaqda iyo diinta. Tusaale ahaan, runta, cadaalada, daacadnimada iyo xishoodku waa qiimeyaal akhlaaqeed oo umaduhu isku waafaqsan yihiin wanaagooda iyo sarayntooda. Qiimayaashaasi waxay inta badan ku lamaan yihiin diimaha. Diinta islaamka, Yuhuuda iyo Kiristanku, dhamaantood, way dhiiri geliyaan qiimayaashan, laakiin feminismku waxa uu rabaa in akhlaaqiyaadkaasi lasii haysto laakiin meesha laga saaro ku lamaanaanta diinta. Si kale hadii loo dhigo waa in akhlaaqda la cilmaaniyeeyo si saamaynta ruuxiga ah ee diinta iyo meesha looga saaro.
Marka gunta loo dhaadhaco, feminismku Ma jecla caqiidada diiniga ah ee ka hadasha Ilaahay -subxaana wa tacaalaa: jiritaankiisa, sifooyinkiisa, rabitaankiisa iyo awoodihiisa uu ku maamulo aadanaha ee ay ka mid tahay arsaaqida, dhimashada, abaal marinta, hanuuninta iyo baadiyaynta iyo wixii la hal maala. Si caqiidada ─oo ay leeyihiin waxay xoojisaa labbnimada─ iyo akhlaaqiyaadka loo kala furo waxay hindiseen istiraatijiyad lagu aasaasayo xeerar cusub oo loo raaco tafsiirka naska diiniga ah, oo ay la socoto naqdi culus oo lagu sameeyo habkii hore ee naska loo tafsiiri jiray. Istiraatijiyadan waxa ay u bixiyeen “Criticism of religious hermeneutics,” macnaha weedhani waxa weeye sida aynu soo sheegnay in la naqdiyo sidii wadaadadu u fasiri jireen kutubta diiniga ah. waxay u ruclaynayaan in naska loo fasiro hab ka madax bannaan jinsiga qofka oo meesha ka saaraya labbnimda iyo dhedignimda iyo axkaamta mid walba goonida ula xidhiidha.
Dumarka dib u eegida tafsiirka kutubta diinta dabaqay waxa hormuud u ah Elisabeth Schüssler Fiorenza. Dr Elisabeth waa bare sare oo dhiga maadada Devinity/الألوهية waxaanay takhasus baaxad leh ku haysataa mawduuc loo yaqaan ‘biblical interpretation and feminist theology” tafsiirka kitaabka muqadaska ah (baybalka) iyo caqiidada feminismka. Gabadhan oo mudo sodon sano ka badan dersaysay baybalka kana mid ah dumarka akademiga ah ee raba in la aasaaso tafsiir dumarka u hiiliya ayaa waxay kusoo gebagebaysa in mudo laba kun oo sano ah xakamayn adag la saaray fasirka baybalka iyadoo raggu uun ay qol madow ku xidheen macne u samaynta hadalkii masiix” waxa la gaadhay xiligii naska muqadaska ah laga soo saari lahaa gacanta adag ee wadaadka labbnimadu madax martay, waa sida ay tidhiye.
Diimihii ka horeeyay saddexda diimood ee samada ku abtirsada, waxa jiri jiray ilaahyo dumar ah (goddeses), wadaado martabad sare leh oo dumar ah (female saints) iyo raahibado maqaam sare leh oo dumar ah. Sidaa si la mid ah, diimaha hadda jira ee aan ibraahiimiga ahayn, sida dab caabud ka, siikha, buudiyiinta iyo boqolaal kale oo aduunka meelo badan ka jira waxay leeyihiin dumar qudsiyado sare lasiiyay. Hasayeeshee, taasi waxba kamay bedelin xaqiiqada ah in dumarku diimahaas ku hoos dulman yihiin taasi oo wiigaysa dooda ah diinta ayaa dumarka dulmiday ee feminismku ku doodaan; isla markaana shaki culus gelinaysa sababta xarakada feminismku ay u bartilmaameed satay diimaha samaawiga ee ay indhaha uga laliyaan kuwa kale.
Dr Riffat Hassan oo ah barofasoorad Maraykan ayaa calanka u sida qolyaha isku magacaaba feminism ka islaamka ee iyaguna u olololeeya in dib u eegis iyo sixid lagu sameeyo tafsiirka iyo habraaciisa. Dr Riffat oo tafsiirtay in badan oo Qur’aanka ka mid ah, ma aaminsana in kitaabka Qur’aanku uu dumarka duudsiyay ama dulmi u ragaadiyay. Waxay aaminsantahay in afkaartii iyo dhaqankii dumarka lagu cabiidin jiray ee ka jirtay Jasiirada carabta ka hor intii aanu Qur’aanku soo degin iyo qisooyin baybalka laga soo xigtay ay dhex galeen kutubtii tafsiirka. Sidaa darteedna muskhiladu ma’aha naska Qur’aanka ee waa sida loo fasiray iyo caqliyada labbnimada u af-duuban ee lagu tafsiiray. Daraasad ay u bixisay “Woman and Man’s “fall”: A Qur’anic theological perspective ─ oo ay ku gorfaynayso qisada Nebi Aadan iyo Xaawa janada looga soo saaray ayaa waxay ku odhanaysaa
“Ka xaglin badan oo dumarka ah ayaa laga helayaa diimaha kiristanka, yuhuuda, madhabta giriiga, iyo dhaqankii carbeed ee badawga ahaa ee ka horeeyay islaamka kuwaas oo, nasiib daro, ku dhex darsamay dhaqanka Islaamka. Taasaa suuro gal ka dhigtay in dumarka lagu sifeeyo ‘Fitnah” oo loo qeexo “imtixaan, ciqaab, ayaan daro, iyo lumin” hasayeeshee, waa in aynu cadayno si aan madmadow ku jirin in aragtiyaha taban ee dumarka ku saabsan aanay meelna kaga jirin Qur’aanka. Qur’aanku waxa uu aqoonsan yahay in dumarku ku dhex jilicsan yihiin bulshda sidaa darteedna marwalba waxa uu u muujiyaa naxariis iyo dhibirsanan”.
Hadii aynu soo gebogebayno, feminism ku laba qodob ayuu marwalba u cuskadaa diin la dagaalanka. Kow, diintu waxay keentaa kala danbayn iyo isla xisaabtan akhlaaqeen taas oo feminism ku aanu ogolayn. Laba, waxay aaminsan yihiin in diintu ama ay ku dhex biqishay deegaan labbnimadu gacanta sare leedahay kadibna dhaqankaas sii jiray ayay ayiday, ama diinta lafteeda ayaaba u xaglinta labbka bilowda oo naskeeda muqadaska ah ayaa labbka saraysiiyay, dhedignimadana hoosaysiiyay. Labadaa sababoodba waxay ka soo korjeedaan mabaad’da feminismka ee dumarka ku wajahan oo aynu sifiican ugaga soo hadallay labadii maqaal ee hore.
Dadka bulshadeena arimaha dumarka u ololeeyaa waa laba nooc: koox aad u tiro yar oo fahansan feminismka ka dhabta ah kuna qanacsan iyo inta badan oo aan magac mooyee aqoon u lahayn fiminismka. Hadaba, marka aynu ka doodayno arimo hadal hayntoodu bulshada ku cusubtahay isla markaana kicinaya dareenka dadka waa in aynu fahamo halka arimahani kasoo fulayaan, ujeedooyinka la rabo in lagu gaadho iyo aragtiyaha ay ka shidaal qaadanayaan. Markaas ayaynu awoodi karnaa in aynu ka soocno waxa nafci leh iyo sunta la inoo dhex raacinayo.
ckariim2411@gmail.com