Waa Maxay Golaha Fadereeshinka Itoobiya? (WQ: Abdikani Mandela)

Maalmihii lasoo dhaafey waxa aynu dagalada kala duwan ee warbaahinta ka aragney doorashada gudoomiyaha cusub ee gollaha fadereeshinka Itoobiya (GF) mudane Aadan Faarax Ibraahim. Markii aan arkey hambalyada weyn ee dadka Soomalidu dirayaan waxaan jecleystey inaan faahfaahin kooban ka bixiyo sharciyada, siyaasadda iyo qaab-dhismeedka Golaha Fadeereeshinka Itoobiya. Itoobiya waxey ka mid tahey  dalalka barlamaankoodu ka kooban yahey labadda aqal (bicameral parliament)  hadii aynu jaleecno taariikhda baarlamaanka itoobiya waxan kasoo bilaabayaa 03-novermebr 1931 ka dib boqortooyadii  Xeyle salaasihii koowaad kaasi oo jirey intii u dhaxeysay 1930-1974 . waxa xigey Baarlamaankii xiligii Dhargiga (The Dergue National Shengo)  kaasi oo  isna keeney wakiilo ka kooban 835, lana soo doorto  shantii sano mar. Nidaamkaa dhargigu wuxuu ahaa nidaam macangag ah oo militari ah shuruucda iyo qaanuunkuna gacantooda ku jiro.

 

Haddaba Baarlamaankii 1995 kii wuxuu ahaa baarlaman qaab-dhsimeedkiisu ka duwanaa baarlamaanadii hore waana nooca hadda uu ku dhisan yahey baarlamanka Itoobiya oo ah (bicameral parliament) oo macneheedu yahey baarlamaanka labada aqal ka kooban . 1995 kii noocii dawladnimada Itoobiya wuxuu isku badaley nidaam Fadaraal ah, magaca dawlada Itoobiyana wuxuu noqdey, Jamhuuriyada Dimuqraabdiga Faderaalka Itoobiya.

 

Marka aan kusoo noqdo sharciyada golahani ku dhisan yahey waxaa qeexaya qodobka 53’aad ee dastuurka itoobiya oo bayaaminaya tirada golayaasha dawlada fadaraalka (GDF) golayaasha fadaraalku waa  laba gole oo kala ah: Golaha Wakiilada Shacabka Iyo Golaha Fadereeshinka sida ku cad qodobka 53’aad.

 

Golaha Fadereeshinka:

Waa gole leh mataalaada Quruumaha, Qomiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya. Golayaasha  dawlad-deegaanada ayaa soo doorta cida ay u wakiilanayaan golaha baarlamaanka Fadeereeshinka ama waxey qaban karaan doorashooyin si shacabku toos ugu soo doortaan wakiilada Golaha Fadeereeshinka. Qomiyad iyo shucuub kastaa waxey Gollahan ku yeelanayaan ugu yaraan hal wakiil. Haddaba halkii milyan ee qomiyad ah, qaran iyo shacab ahi (nation, nationality or people) waxey yeelanayaan hal wakiil oo dheeraad ah.

 

Golahani wuxuu awood u leeyahey fasiraada dastuurka iyo abaabulka golaha baadhista dastuurka. GF, waa golaha go’aamiya xuquuqda aayo-ka-tashiga qaramada, quruumaha iyo shucuubta illaa heer gu’itaan (the right to secession). Waa golaha xoojiya rabitaanka shucuubta, dhidibadana u aasa midnimada iyo sinnaanta qomiyadaha, sida uu xeerinayo dastuurku. Sidoo kale waa golaha fuliya awoodaha uu la-wadaago golaha wakiilada, ka shaqeeya xalinta khilaafaadka ka dhex jira deegaamada, go’aamiya hannaanka loo qeybsanayo Dakhliga ka dhasha cashuuraha ay wada qaadaan dawladda Faderaalka iyo dawlad-deeganadeedu. Jideeyana kabka iyo saamiga dawladda Faderaalku siiso dawladaha deegaanada.

 

Hadii dawlad-deegaan ka mid ah dawladda Faderaalku ku xadgudubto dastuurka iyo qaranimadda, waxa faregalinteeda amraya Golaha Fadereeshinka. Xubnaha Golaha Fadeereshinku wuxuu leeyahey xurmeyn, dhawris iyo xasaanad dhameystiran (immunity).

 

Fadhiga golaha Fadeereeshinku wuxuu ku qabsooma sadex dalloolow laba dalool. Go’aanka golluhuna wuxuu ku ansaxayaa in ka badan kala badh inta fadhigaasi soo xaadirta. Miisaaniyada golaha Fadeereeshinku marka ay cod ku ansixiyaan waxey u gudbinayaan golaha wakiilada shacabka.

 

Haddaba Maxamed Aadan Ibraahim oo noqdey Afhayeenka Golaha Fadeereeshinka ahna Soomaligii ugu horeeyey Golaha Fadeereeshinku, waa maxey awoodaha uu leeyahey? Afhayeenka golaha fadeereeshinku wuxuu hogaamiyaa shirarka golaha, waa hogaamiyaha guud ee arimaha maamulka ee golaha fadeereshinka. Wuxuu fuliyaa arimaha anshax-marineed ee golluhu ku qaado xubnihiisa. Waxaan odhan karnaa awoodaha afhayeenka golluhu maaha kuwo sidaa u buuran, laakiin golaha uu hogaamiyo ayaa leh awooddo saameyn ku leh siyaasadda, shaciyada iyo hogaaminta Jamhuuriyada Itoobiya. Golaha fadereeshinku wuxuu sanadkiiba qabanayaa laba kal-fadhi, wakhtiga sharciga ah ee golluhu waa shan sanno. Waxa reeban in aan xubin laga wada noqon karin Golaha Fadereeshinka iyo golaha wakiilada shacabka.

 

  1. FG.

Qoraalkan sare ku xusan qeybo ka mida waxaan kasoo xigtey Dastuurka Jamhuuriyada Fadaraalka Itoobiya, qodobadiisa: 53, 61 illaa 68 iyo  shabakada lagu falanqeeyo shuruucda ee  Ethiopian Legal Information Portal: www.lawethiopia.com.

 

Abdikani Mandela

Lawyer and International law student.