Waa maxay nidaamka Borotokolku? (WQ: Rashiid Odowaa)

Nidaamka Borotocol waxa lagu macneyaa habka sharci ee loo raaco hanaanka loo maamulayo howlaha qaranka iyo dhacdoyin ka diplomasi si waafaqsan heerka caalamiga ah.Eraygan oo ah English kolkiisa hore waxa uu ka yimid luqadda giriigga waxan u la micno yahay sida geed laamihiisu hareeraha u baaheen inta la isu soo ururiyo xabag ama xadhig la isugu xidho si aanay aanay geedka laamihiisu u baahin ee uu yeesho hadh.

Marka taariikhda dib loo raaco nidaamkani waxa u la soo bilow day ayaa la yidhaa ilbaxnimooyinkii hore sida Masaaridii hore, baabiloonkii,Giriiggii iyo Romankii,duullano iyo dagaallo socon jiray ka dib waxa la isla fahmay in la samaysto ergooyin u kala dabqaada habmaamuskii loo soo dhowayn jiray ergoyinkasa ayu ka soo bilowday ayaa la yidhaa nidamka Borotokolku.

Sidaas ayuu nidaamkani ula jaan qaadayay hadba casriga dunidu joogto.waxana muuqatta inuu maanta halkii ugu sarraysay joogo marka leego horumarka iyo aqoonta la gaadhay.Waxa la yidhaa hadba nidaamka Borotokool ee uu dal leeyahay waa muraayadda laga dheehan karo waxa uu yahay waddankaasi.

MADAXA BOROTOKOLKA

Inta badan shaqadan waxa qabta madaxa xafiiska Borotokoolka madaxa Borotokolku waxa uu u dhigmaa Darajo ahaan Safiir iyo ku xigenkiisa waxa howsha xafiiskani qabto ka mida waxa uu kala taliyaa Madaxweynaha arrimaha socdaalka waxanau uu soo habeyaa wixii agab iyo aqoon looga baahanyahay socdaalka loo baxayo

Waddamada la tagayo way kala dhaqamo duwanyihiin halkas waxay u bahantahay ku talo gal meel kasta waxa lagala kulmi doono in lagu sii talo galo waa muhiim,waxa Somalidu tidhaa waxad ceebta u taqaan dadbay camalkooda tahay waxa suurto gal ah wax inaga aynu u naqaanno ceeb ayaa dadyoga qaar caadi ka ah sida looga warhaynayo arrimahs waa howl aad u baxad wayn.oo u taalla Borotokolka.

Goobta xafladaha qaran lagu qabanayo jawigeeda iyo bilicdeda Amnigeda iyo ka warhaynta dadka ajaanibka ah dhamaan how lahas oo dhan isagaa u xil saran.

Meelaha sidan oo kale ah saxaafaddu goob joog ayay ka noqotta waana meelaha ay ka soo baxaan dhaliilaha iyo dacaayaduhu waana meelaha laga cabbiro ee la yidhaa waddan hebel ama madaxweyne hebel waxa uu jebiyay hanaankii Borotokool ee caalamiga ahaa.

JEBINTA BOROTOKOOLKA

Waxa la yidhaa marka uu madaxweynhu ama qofka kale ee madaxda ahi uu ka gudbo Xayndaabka nidaamka saxda ah ee uu maro waddo khaldan ayaa la yidhaa waxa uu jebiyay nidaamkii saxda ahaa ee Borotokoolka.

Waxa dhacday in sannadkii 2015kii uu madaxweyne Brack Obama uu jebiyay nidaamkii Borotokoolka amniga ka dib markii uu dhex qaaday kumanaan dadweynaha reer Kenya ah halkaas oo hadal hayn badan ka dhalatay,dad badanina ay ku dhaliileen in madaxweyne ka soo jeeda waddanka Maraykan ka oo cadow badan leh inuu kumanan dad ah dhex maaxo isaga oo xamaasadaysan.waxa ka fiican isagoo masraxa taagan inuu yidhaa dhamantiin waad salaamtihiin.

Sidoo kale Michel obama ayaa dhabarka taabatay Boqoradda Ingriiska mar uu Obama iyo marwada 1aad Michel obama ay booqdeen Carriga ingriiska 2009kii taas oo ay ka xanaaqnay boqoraddu oo ay iska qabatay gacanta

Sidoo kale Donald Trump ayaa beddelay habkii loo salami jiray Boqorrada Adduunka oo ka dhigay Gacan qaad uu ruxayo si adag.Iyadoo habka saxda ee diplomasi ay tahay in gacan adag la isku salaamo oo si qallafsan la isu ruxo.haddana waxa la jirta meelaha Boqortooyada aha madaxa ayaa hoos loo dhigaa ama la isu foorariyaa taas oo Trump uu isagu beddelay.

Meghan Merkle oo ahayd Ooridii uu guursaday Prince Harry ayaa jebisay Borotokolka guriga Buckingham Paalace ka dib markii ay hablo yar yar la sheekaysatay oo ay laabta ku qaadday iyadoo sida u taalla nidaamka guriga boqortooyada aan la ogo layn in la dhex galo guriga boqortooyada,illaa wakhti uu qofku ka mid noqonayo qoyska reer Boqor,waana waxyaabhihi keenay inay isku dhacaan boqoradda ayaa la yidhaa.

Sanadkii 2012kii markii Madaxweyne Maxamed Murzi jagada Madaxnimo ee dalka masar qabsaday ayaa waxa la sheegay in aanau muddo u soo guurin gurigii Madaxtoyada ee uu sii degga naa Gurigiisi hore ka dib Ciidankii Ilaalada madaxtoyada ayaa badh aan la geeyay gurigiisa si amankiisa u ilaliyaan, hase yeshe waxa uu Madaxweyne mursi salaad subax ka baxay gurigiisi  albaabka danbe waxa uuna ku soo tukaday Masaajid Masafo u jira gurigiisa mar danbe ayaa la ogaaday waxana ciidankii ilaal adiisa ahaa isku xeereen Masajidkii sidaas ayuu kaga soo baxay arrintaas muran badan ayay dhalisay waxana lagu qanciyay dad kii siyasiyiinta ahaa ee reer Masar in aanau nidaamka jabinin si aanu u dhicin khal khal amni.

Dhamaan arrimahan aynu ka sheekaynay iyo kumanan kale oo dhaca waxa lagu tilmaama borotokool jebin warbaahinta caalam ka ayaa inta badan arrimahan diiradda ku haysa,waxana laga yaa baa in qof diplomasi ah oo magacwayn dunida ku leh kabihiisa loo fiirsado oo wax laga soo dhex saaro,sawirrada laga baahiyo ayaa laga yabaa in saxaafaddu magac iyo dhaqaale ku helaan.

Ciid mubaarak

Kulli caam wa antum bilkhayr

 

 

Reference;

https://2009-2017.state.gov/documents/organization/176174.pdf

 

Rashiid Odowaa        

M.A diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213