Waa maxay Quruxdu? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Anoo socda ayay gabadh iga soo hor baxday dharka isku dhajisay, markaas ayaan idhi ma cawradaada oo aad muujiso ayaa qurux noqon. Inamadii ayaaba ka daran oo cawradoodii muujiyay, anoo dukaan lacag ka sarifanaaya, ayaa kii lacagta ii sarifaayay foorarsaday futadiisii ayaa muuqatay, nin wayn oo i agtaagnaa ayaan ku idhi waar bal ninkaa eeg, wuu khajilay markaasuu sii jeestay, tolow futadaada oo dadka  tusaa ma quruxbaa, mise waa xarago, cajiib.

Horta nolosha qaybaheeda kala duwan dhamaantood Illaahay ayaa bixiya, markaa quruxda lafteeda waxay ka mid tahay waxyaalaha Illaahay bixiyo.

Hadaba quruxda lafteeda ayaan baniaadamku isku waafaqsanayn, markaa miyaanay haboonayn in lays waydiiyo waa maxay Quruxdu? Ilayn waa kuwan hablaheenii diirkii iska wada saaray eh. Inamadiina cawradoodi muujiyay eh.

Waxaa dhacda dhawr  rag ah  oo meel fadhiya hadii ay gabadh soo  agmarto inay qaar cajab galiso qaarna aanay cajabgalin, tolow waa maxay sababtu ?

Horta qof walba wuxuu ku  barbaaray bayad ama deegaan gaar ah oo kala duwan, sidaa awgeed dookha dadku way kala duwanaanayaan.

Horta nimankan reer galbeedku waxay dhaqan u leeyihiin inay wax walba baadhaan, waana dhaqan wanaagsan inu qofku wax baadho oo uu arimaha ogaado.

Bari hore ayaan sheeko buug ka akhriyay, mar ay baadhis samaynayeen xidhiidhka raga iyo dumarka,  ayay waxay arkeen ama la kulmeen, nin aad u dheer oo dumarku wada jaleecayaan, hadana door biday had iyo goor inuu raaco dumarka gaagaaban, arinkii ayaa ka yaabiyay,  ninkii ayay waydiiyeen sababtu uu u doorbido dumarka gaagaaban, isaga oo dumar dhaadheer helaaya, wuxuu ugu jawaabay waxaan ka helaa korkaa ay ii eegayaan.  Nimankii wax baadhayay halkii kaga may hadhin eh, baadhis ayay noloshiisii hore ku sameeyaan, waxayna ogaadeen in hooyadii iyo walaashii gaabnaayeen oo ay aad u xanaanyn jireen aadna u kool koolin jireen, marka nimankii cilmi baadhista samaynayay waxay ogaadeen jacaylkii uu uqaaday hooyadii iyo walaashii inuu ku soo maaxanayo, mar alla marka uu arko gabadh gaaban oo sifaadkoodii leh.

Halkaa waxaynu ka garanynaa markaa qofwalba qofkii xanaanayn jiray yaraantiisii ee kool koolin jiray, cida uu doono ha ahaado qaraabadiisa, jaarkiis iwm, qofkii sifadaa soo gala ayuu jeclaanayaa.

Guntii iyo gunaanadkii markaa hablayahaw waxba diirka ha iska qaadina maradana hays ku dhajinina, inamayahowna waxba futadiina ha qaawinina sidaas maaha xaragadu ama quruxdu eh.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/sidee-dhaqanka-dadka-loo-badali-karaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/wasiirka-imraadka-qarqaash-oo-markale-hadlay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com