Stop Propaganda!!!
Wariye Moge: War-saxaafadeedkii Baanka waxa lagu sheegay in Doolarka hoos u dhacay ay ka faa’iidayaan dadka dakhligooda ku hela shilling ka Somaliland ee danyarta ah, maxaa ka jira?
Isagii: waxba kama faa’iidayaan mar haddii ascaartii badeecaddu ay halkii uun taagan tahay!!!!
Wariye Moge: ka warran dadka iyagu dakhligooda ku hela dollarka?
Isagii: Waa kuwaa cidda khasaaraha ugu badani soo gaadhayo; maxaa yeelay lacag bay ku darayaan shay kasta oo ay iibsanayaan!!!
Wariye Moge: ka warran ganacsatada?
Isagii: waa cidda kaliya ee faa’iidaysa markan oo kale; qolada dakhligooda dollarka ku hesha inta ay khasaaraan, waxa qaadanaya ganacsatada.
Wariye Moge: waa maxay xalku?
Isagii: xalka ugu fiican waxa weeye in uu meel fadhiisto oo laga ilaaliyo in aan kor u kicid iyo hoos u dhac xoog ah, oo degdeg ahi ku iman, maxaa yeelay taasi waa khalkhal.
Wariye Moge: sidee bay noqonaysaa xaaladda dhaqaale, marka sidan oo kale dhacdo?
Horta ma aha markii ugu horraysay ee sidan oo kale dhacdo; waxa jirtay marar hore oo uu dhulka galay sarrifku. Saamaynta uu yeelan karo waxay ku xidhan tahay muddada arrinkani sii jiro; haddii ay sii raagto oo uu degdeg ugu noqon waayo halkiisii; waxay keenaysaa in socodka dhaqaaluhu uu istaago; waxa had iyo jeer ugu horreeya oo u nugul dhismaha, kaasoo shaqaaleeya tirada ugu badan ee dadka muruqmaalka ah.
Cabdo; macallinka dhaqaalaha.