Waa maxay sababta loo baabiiyey ciidankii Liyuu Police ka iyo Ciidadama Dawlad Deegaanada Ethiopia? (WQ:Maxamed Cabdi Jaamaac “Maxaemd Dhimbiil”)

Dalka Ethiopia ayaa dhowaan la soo afjaray colaadii dawlada dhexe ee Ethiopia iyo Tigray oo dalkaasi gaadhsiisay halis weyn oo amni oo qarka u saartay in burbur dhaco , kaasi oo werwer ku hayey dalalka mandaqada Geeska Africa oo dhan .
Haddaba waxa hadda la filayaa in maamulka dawlada dhexe ee Ethiopia ay ku soo noqdaan Tigray oo isaga yaacay xilalkii dawlada dhexe xiligii ay dagaalamayeen , waxaana la filayaa in uu dawlad cusub dhawaan soo dhisi doono Abiy Ahmed.
Talaabooyinka diblomaasiyadeed , siyaasadeed iyo amni ee uu qaadayey mudooyinkii ugu dambeeyay maamulka Abiy Ahmed ayaa ah qaar isha aad loogu hayo maadaama dirqi lagaga soo reeyey dagaalkii dawlada dhexe ee Ethiopia iyo qoomiyada Tigray oo dalkaasi gaadhsiiyey halis weyn sidoo kale dadka iyo deeganadii Tigray ku baaba’een.
Dalka Ethiopia waxa u dheeraa dagaalka dawlada federalka ah iyo qoomiyada Tigray dagaalo ka dhexeeya maamulada Ethiopia ( qoomiyadaha ) dhexdooda oo soo noqnoqda kuwaasi oo saameyn ku yeeshay midnimadii ,is jacayl kii iyo wadajirkii dadka Ethiopia, waxaana ka mid ah ;
1- Tigray iyo Amhara oo dagaalo dhexmarayeen mudo dheer.
2- Soomaalida iyo Canfarta oo iyagana ay dagaalo dhex marayeen .
3- Oromada iyo Soomaalida oo intii Abiy Ahmed yimid iyagana la dhameeyey dagaalo soo noqnoqon jirey oo dhex yaalay.
4- Tigray iyo Anfar oo xiligii dagaalku socday ay dhex mareen dagaalo aad u qadhaadh.
Haddaba arinta soo baxday ee ah in dhamaan dawlad deegaanada qoomiyadaha Ethiopia in ciidamadooda gaarka ah laga maarmay oo ciidamada federaalka Ethiopia ay la wareegayaan shaqadii ay hayn jireen ayaa maamulada qaar u arkayaan in ay halis ku tahay amnigooda iyo ka dadkooga.
Qoomiyada amxaarada Ethiopia oo mudooyinkii dambe aad moodo in ay sii kala fogaanayaan maamulka Abiy Ahmed ayaa ka mid ah kuwa diidan in ay ciidamada deegaankooga laga wareejiyo amniga , waxaana ay ka cabsi qabaan in dagaal Ahli ahi dhex maro Tigray.
Dhanka kale xisbiga talada haya ee Pp ayuu loolan ka jiraa gudihiisa maadaama Ahmara ay kaalinta labaad doonaysay oo hada ay Soomaalida Ethiopia kaalintaasi ku fadhido , dhinaca kale waxa werwer wayni ka jiraa in Tigray ay la soo noqdaan meeqaamkoogii dawlada dhexe kaasi oo aan raaligalin doonin qoomiyado badan.
Markaa waxa aad moodaa in maamulka Abiy oo dirqi kaga bad-baaday culeyskii iyo dagaaladii Tigray iyo beesha caalamku in uu feejigan yahay waana sababta oo looga maarmayo ciidamada deegaanada ee looga dhigayo in ay noqdaan ciidamo police si uu u yaraado isku dhacyada qoomiyadaha dalkaasi .
Waftigii ugu dambeeyay ee Ethiopia u dirtay dawladaha gobolka qaar ka mid ah sida Soomaaliya iyo Djibouti ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore oo waxa aad moodaa in uu kaalintii Axmed Shide oo ahaa gacanta midig ee Abiy Ahmed in uu soo galay Aadan Faarax oo gudoomiye kuxigeen ka ah xisbiga pp .
Waftigani oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dawlaha arimaha dibada Ethiopia iyo saraakiil sarsare oo kale ayaan la sheegin ujeedada rasmiga ah ee ay kala hadleen Xasan Sheekh iyo Ismail O.Ghuelle , dhanka kale waxa isweydiin leh sababta ay Hargeisa u iman waayeen xili Somaliland dagaal ku socdo laga cabsi qabo in uu xuduudaha ka talaabo maadaama Ethiopia iyo Somaliland leeyihiin xad dhuleed 800 km in ka badan ah .
Isku soo wada xoori Ethiopia waxa ay ka feejigan tahay in markale gudaheega dagaal ka dhasho , waxaana aad loo filayaa in isbadel lagu sameeyo dawlada federalka ah si ay ugu wada qancaan qoomiyadaha Ethiopia .
Maxamed Cabdi Jaamaac “Maxaemd Dhimbiil”