Waa maxay sababta Taiwan ay kor ugu qaaday uguna faanayso xidhiidhka ay la yeelatay Somaliland? (WQ: Mohamed Abdi Jama)

Hadii aad eegto warbaahinta aduunka waxa haysta xidhiidhka labada dal ee Taiwan iyo Somaliland oo labadooduba aan aqoonsi caalamiya ka haysan aduun weynaha , haddaba waxa wada oo aad cirkaa u mariyey dawlada Taiwan oo meel walba ka riday kuna faanaysa.
Somaliland oo aan xidhiidh la lahayn dalka China isla markaana aanu u muuqan mid u soo jeeda dalkeeda marka aad eegto china sida uu wax uga qabtay xidhiidhona ula leeyahay wadamada ay Somaliland jaarka yihiin ee Ethiopia, Djibouti iyo Somalia oo laga yaabo in uu hada ku soo hurgufo mashaariic horumarineed ayaa aad moodaa in ay yar gabanayso.
Waxa aan booqday baraha wararka inala wadaaga ee dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo aanay ka muuqan wax rayn rayn ah iyo wax hadal hayn ah oo heshiiskaasi ku qotomaa , waxa aan ilaa hadda isweydiinayaa maadaama ay siyaasadu gabigeedu tahay ku dhac iyo khatar qaadasho ileyn nin qoyani biyo iskama dhawro e waxa xukuumada Somaliland ay uga waji dadbayso arinkan.
Xidhiidhkani Somaliland la sameysay Taiwan waa markii ugu horeysay ee magaca Somaliland iyo xidhiidh ay dal la sameysay uu ka dhaco daafaha dunida oo dhan , Taiwan lama yaraysan karo oo waa wadan aad ugu xidhan dawladaha reer galbeedka inkasta oo aanu aqoonsi haysan , waa wadan horumar badan gaadhay oo ay isku qadiyad yihiin Somaliland isla markaana wax badan tari kara dalka Jamhuuriyada Somaliland , Somaliland na  ay u furi karto albaabo badan.
Waxa iyaduna xiiso gaar ah leh in Jamhuuriyada Somaliland iyo waddanka aduunka ugu dadka badan , waddanada ugu dhaqaalaha iyo wax soosaarka badan , waddan ku jira dhawrka dal ee golaha amaanka ah ee leh codka loo yaqaano diidmada qayaxan ay is hayaan oo ay saaxada diblomaasiyadeed isugu soo ban baxeen ka dib markii Jamhuuriyada Somaliland ay dalka Taiwan oo china sheegto ay  xidhiidh diblomaasiyadeed la sameysay.
Arinkani waa fursad weyn oo Somaliland u soo hoyatay ayaan qabaa , sababtuna waxa ay tahay Somaliland cid kasta oo ay xidhiidh la sameyn karto oo qadiyadeeda soo dhaweynaysa way la xidhiidhaysaa waanay soo dhaweynaysaa , mana aha wax ay cid kale kaga waji dadabto oo la yar gabato , waxaaba suuragal ah arinkani in uu u soo jeediyo aduun weynaha oo albaabo waaweyni u furmaan.
Safiirka China u fadhiya Somalia arinkani aad ayuu uga qayliyey , waxaa maantana uu kulan la qaatey Madaxweynaha Somalia Farmaajo , sidaasi oo kale waxa warqad soo saartay safaarada Somalia ay ku leedahay dalka shiinaha , arimahani qaar Somaliland khuseeya maaha , maadaama Jamhuuriyada Somaliland iyadu dalkeeda maamusho , waxa uun ay u iftiimin doonaan dawlada China in ay Jamhuuriyada Somaliland tahay dal ka madax banaan Somalia.
Isku soo wada xoori waxa muuqata ka dib markii ay dagaalo qarsoon dawlada Farmaajo la gashay Somaliland oo ah xaga xidhiidhada aduunka , ganacsiga , maalgashiga iyo diblomaasiyada in ay Somaliland arimaheega hoosta ka wadatay iyo xidhiidhadeeda ay ku kasbanayso aduunka kale iyo dalkasta oo ay u baahan tahay , lana eegatay fursad Somalia inta la soo gole fadhiisiyey wax badan laga saxeexay oo ay markhaati ka yihiin dawladaha Ethiopia, Djibouti, USA , Urur gobleedka IGAD iyo Midowga Africa AU.
Hadii ay Somalia hal talaabo oo lidi ku ah waxyaabaha laga wada hadlayey iyo xidhiidhadii Somaliland iyo Somalia ee la isku soo dhaweynayey Jamhuuriyada Somaliland sidaasay guul ku gaadhay aduunkuna uga markhaati yahay , wadahadaladii hore waxii ka soo baxeyna sidaasi oo kale ayuun bay Somalia uga baxdey.
Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay hogaamiyaha ciidanka ahaan jiray ee Muuse Biixi Cabdi waxa u taalla kasbashada iyo ku fara adayga dadka Jamhuuriyada Somaliland si aan dagaalada siyaasadeed ee Somaliland lagu soo qaadayaa aanay shicibka Somaliland dhag u dhigin ee ay ku mitidaan qaranimadooda.
Mohamed Abdi Jama

Hogaamiye Dhimbiil

+252634429221