Waa maxay siyaasaddu? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Kolay nimanka siyaasadda ku takhusasay si ayay u qeexaan “siyaasadda” ay dadku inta badan garanayaan. Ma aha in aynu noqono babqaa oo la yidhaa rag waa raggii hore hadalna waa intii uu yidhi. Innaguna waa in aynu isku dayno aragtideena la xidhiidha qeexitaanka “siyaasadda.”

Anigu si kale ayaan u qeexi lahaa siyaasadda. Waxaan odhan lahaa “waa qofka ama ummadda oo la socota waaqaca nolosha ay ku jiraan iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen ee aanay u noqon lahayn goroyo.”

Waxaa la yidhaa goroyadu waxay dhaqan u leedahy marka ay khatar waajahdo cawska ayay madax galisaa si ay khatarta uga dhuumato ama carruurtu marka ay khatar dareemaan indhaha ayay isku qabtaan.

Ururrada qaar waxaad arkaysaa ku odhanaya yaan siyaasad laga hadlin. Waxaan u arkaa uun goroyo. Waxay ka baqayaan in ay xaqiiqada waa jahaan. Waayo waxa ay og yihiin in ayna waaqica si u wada arki karayn.

Oday qolooyinkaa ka mid ah ayaan maalin la kaftamay. Waxaan idhi haddii aynu maanta siyaasad galno waynu kala tagi lahayn. Markaa ma la odhan karaa dadka caynkaas ah way isku xidhan yihiin?

Nin maalin dhawayd hadal dacwad ah jeedinayay ayaa ka dhigay in ay iyaga uuni ku taagan yihiin dariiqii saxda ahaa. Kooxaha kalena daaqada ka saaray dariiqada ay dacwada u wadaan.

Waxaa tusaale kuugu filan marka ay koox ama shakhsi wax ka qaldan yihiin iyaga ayuun baa isu qaata in ay sax yihiin. Horta Islaamka kuma jirto ruhbaaniyad. Suuradda (suuratul Alxadiid) ee Qur’aanka ah ayuu Illaahay kaga hadlay ruhbaaniyad ay ahlu-kitaabku la yimaadeen, waxa uu idhi:

“May illaalin, xaqeediina may siin”

Way wanaagsan tahay in qofku ama kooxdu ku dadaasho cibaadada iyo dacwadda laakiin maaha inay yidhaahdaan islaamkiiba waa intan.

Waxay ku faanaan annaga nalama dhibo. Dee waxaa laguu dhibiwaayay waxbaa kaa qaldan. Indira Gaandhi (Raii’sal-wasaraddii India ee la dilay) ayaa mar koocdan basaasiin ku dhex beertay. Waxay tidhi bal ka soo warrama kooxdan. Waxay ku soo war celiyeen kooxdan meel aakhiro la yidhaa ayuun bay ka sheekaynayaan. Waxay tidhi dee inag daaya mar haddii aanay teenan ka sheekaynayn.

Waxaan idiin sheegayaa kooxaha Islaamiga ah oo dhan basaasiintu way ku dhex jiraan laakiin sida ay kooxdaa u saydareeyeen kooxna umay saydarayn. Waxa kale oo la yaab leh kooxah kale ee Islaamiga ah ayay masaajiddada ku qabsdaan koodana iyaga mooyaane cid kale in ay ka hadasho ama wax ka sheegto ma oggola. cajiib!

Markaa waxaa laguu dhibi waayay waaqaca adduunka ayaa la isku hayaa adna faraha ayaad ka qaadday sidii goroyadana cawska ayaad madax galisay ama sidii carruurta ayaad indhaha qabsatay.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

nur.hersi21@gmail.com