Waa noocma ah baa u baryi doono Somaliland November 2017? (WQ: Maxamed Xuseen Jaamac “M.Soomaali:)

 

Isha kaliya ee dunidu inagu soo jaleecdo il-qoodhana inaga fiirisaa waa nabad galyada aan ku naaloonaynay rubuc qarnigii ina dhaafay, ee aynu ahay qaran iskii isku taagay cod dheerna ku sheegay in uu gaar ka yahay waxii la isku odhan jiray shantii Somaaliyeed ee ahayd riyadii hadhka cad aynu galnay ,iskuna biyo shubatay biyo col dhaanshay.

Gobanumada aan hoos hadhsanaynaa waa waa geed ku baxay dhiiga geesiga ,isku tanaasul ,wada tashi iyo xal baa ay halkan ku soo gaadhay . Nabadeena marka aad dhicana togan iyo taban ka eegto waxa kuu soo baxaaya maxsuul kala duwan ,mar waa mid gaamurtay oo dhidibo adag loo aasay dhayalna aan ku jabayn , marna waa qosol ku jab hadhicin ha jabin la yeelahay.

Somaliland laba jeer ayaa ay afweynta u dhici gaadhay se rabi baa sama ta bixiyey raggeeduna xililaa waa uu ina siiyey ileen raqba waa ku rageede.

Marxuun MaxamedXaaji Ibraahim Cigaal(AHUN) maalinkii ui geeriyooday warkaa dhiilada xanbaarsani uu soo dhacay dadka dhegba jaan bay leekaatay waxa soo food-saartay cabsi iyo maxaa uu waa ku baryi waxa meel gaaban ka muuqatay Somalilandtii la dhisaayey ee loo hanqal taagaayey oo aan Cigaal ka hadhin ,dabcan naxdinta iyo afka kala qaadka waxa keenay waraabayaasha badan ee uu marxuunku sutida u qabtay ee kursigu u muuqdo iyo wacyiga dadka oo aan u bislaan dawladnimo.

Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Madar (IHUN) oo ahaa gudoomiyihii Golaha Guurtida xaqna u lahaa in uu xilkaa si ku meel gaadh ah u sii hayo inta laga gaadhayo xiliga doorashada loo.asteeyey ayaa waxa uu qaatay go’aan geesinimo leh qarankana uu ku badbaadiyey kadib markii uu xilkii u dhaariyey Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa ku xigeenkii Cigaal,marxaladaana sidaas baa lagaga soo baxay.

Doorashadii dalka ka qabsoontay ee uu xilka kula wareegay Mr Siilaanyo kagana adkaaday 26-210 Riyaale isaga oo in badan mucaarad dibad wareega ahaa maalinkaasina waxa uu.ahaa maalin rabi samata bixiyey qaranka waxa ay ku eekeed madaxweyne Riyaale oo ka biyo diida natiijada doorashada, kana gaws adeega in uu ka baxo madaxtooyada sida ka dhacda badanaa Afrika hogaamiyaasheedu ay uugu dhagan yihiin kursiga, taasina waxa ay abuuri lahayd  fawdo iyo qalalaase burburiya qaranka,  laakiin taa badalkeeda Mr Riyaale waxa uu qaatay isna go’aan uu uugu hiilinaayo in Somaaliland sii hayso tubta nabada iyo  xasiloonida isaga oo u hogaansamay in laga guulaystay sheegayna hadal taariikhda galay oo ah”Somaliland gacantayda ku burburimayso”.

Hadaba akhriste maanta oo aan joogno 2017 waa ay ila taag darantahay ifafaalaha baxayaa maalmahaa aan soo sheegnay iyo kuwa aynaan xusinba .

Maxaad filaysaa in ay noqondoonto?

Waa gacan uur ku jirta lamana qiimayn karo marka laga reebo waxyaabaha dhacaaya.

Aniga shaqsiyan waxa ii muuqata halis badan oo ay doorashadan inagu soo foolka lihi huwantahay haddii aan laga gaashaaman.

Halkan waxa aan idin kula wadaagayaa wax yaabaha aan u aanaynaayo waxa ay ku kala dywan yihiin doorashadii hore iyo tan soo socota.

1: Siilaanyo tartanka kuma jiro maanta ,rabi cimriga ha u dheereeyee waxa uu taagan yahay  wakhti waxa uu kala socdaaba waa ay iska yartahay arimahan taagan ;  dushiisana waxa ku loolamaya  niman dhalin yaro ah horena aan  isku taagin doorasho madax-tinimo marka laga reebo Faysal.

2: Xusbiyada Waddani iyo Kulmiye waxa la moodaa in ay durbaano colaadeed ay tumanayaan tudhaalena aanay u hayn qaranka kursiga uun u muuqdo.

3: Qabtaaladii oo awal shaadh gashanayd hada se laga siibay intii xukuumadani jirtay .

4:Doorkii axsaabta oo meesha ka baxay  lana moodo in qabiilooyin kursiga kala riixanayaan.

5: Dhalin yaro badan oo la moodo in lagu soo dhaariyey  dawo ahaana loo siiyey difaacida xusbiga reerkooda.

6: Loolan adag oo durba siraadmay olalaha hortii.

7: Doorkii Guurtida oo la moodo in gaabis ku yimid  dhagahana ka furaystay arimo badan oo laga sugaayey ;isku halayn badana aan laga qabin .

8:Komishanka doorashooyinka oo u muuqda mid is dhuubaaya ceebna iska ilaalinaaya sida ay wax u kaka saari doonaana fari ku godantahay,  waayo xusbiyadu waa ay iska dhaga mariyeen dhawaa-qoodii ahaa in aan olale la  dhex galin kaadh badalashada waa digaa  arkaaya waxa ka dhacaaya gobalada  barriga marka laga reebo xusbiga UCID; oo iskugu qaatay xeerkii.

Bulshadu waa in ay fiiro gooniya u lahaadaan wax kasta oo dhaawac u keenaaya jiritaanka iyo xasiloonida meelna looga soo wada  jeestaa waxii lid ku ah.

Ilaahay sida khayrka leh ha ina waafajiyo ,arimahuna si wacan ha inoogu dhamaadaan.

Qalinkii: Maxamed Xuseen jaamac (M. Soomaali).

ababiye 11@gmail.com

063-4410447/ 063-4806273

Hargeisa ,Somaliland