Waa sidee farqiga udhaxeeya Telesom iyo shirkadaha ay magaca uun ku kala duwan yihiin? (WQ: Mukhtaar Sheekh Xareed)

Haddii aad tahay macmiil ka adeegta Golis oo ku nool deegaanada Puntland waxa ay Golis udiyaarisay macaamiisheeda adeeg xidhmo ah oo ku hadal gudeed ah. Adeegani waa in lacagtaada ku hadalka laguu madhxiyo oo aad ku hadli karto $1 wakhti qiyaas ahaan ah 70daqiiqo ah.

Waxa taasi dheer in haddii aad kaadh ka furato Golis lagaa qaadayo $1, marka aad kaadhka shidatana aad $1 ugu tagayso iyada oo ku hadal kuu ah!
Sidaas si la mid ah Hormuud oo iyadana laga isticmaalo Muqdisho iyo guud ahaan gobolada kale ee Soomaaliya, Waxa aad $1 ku hadli kartaa 70 daqiiqo oo gudaha ah.
Haddaba Telesom iyadu waa sidee. Telesom qiyaas ahaan $1 waxa lagu hadlaa 17daqiiqo.

Sidaas oo kale Waxa la mid ah lacagta lagu isticmaalo internet ka oo ay ugu kala tagsan yihiin Telesom iyo dhigeed.

Kaadhka furashadiisa waa iska caan isugu oo dee haddii uu kaa lumo dib baa lagaaga iibinaya berigii hore $2 ayuu ahaabe hadda ayay taaga is yidhaahdeen bal naxariista.
Telesom macaamiisheedu xaq bay ugu leeyihiin in ay ka helaan adeegyada qayrkeed bixiyaan, in ay sidan dadka ucuna qabateeyaana ma aha wax fiican.
Haddii aanay jirin dawlad dadka idinka qabataa caqli iyo damiir idin qabtaa ha jiro.

Somtel iyadu dhammaantood Waa ay uga hiilisay dadka, laakiin iyada laguma dhererin karo oo tartan bay ku jirtaa.

WQ: Mukhtaar Sheekh Xareed