Sheeko: Waa wada Cabdillaahi inamadaydu (WQ: Bashiir Macalim)

Sheedakan waxaa ka soo dheegtay boga nin aan saaxiibo nahay uu ku leeyahay Face Book kaasi oolagu magacaabo Bashka Macalim intaa yar mooyee sheekada inteeda kale waxba kuma darsan xataa khladaadka ku jira dhinaca daabacadaada kama sixin.     akhris wacan

Qiso cajiib ah .

nin rerbaadiye ah ayaa waxa uu dhalay 3wiil markaasuu isku magac kawada dhigay oo cabdulaahi ayuu u wada bixiyay , maalin maalmaha kamid ah ayuu sakaratul mowdkii ku soo kadiyay , intii aysan naftu kabixin ayuu dardaarmay oo waxa uu dhahay Cabdulaahi dhaxal ayuu leeyahay , Cabdulaahi dhaxal ayuu leeyahay , Cabdulaahina dhaxal malaha kadibna naftii ayaa kabaxday.
Markii odaygii laduugay ayaa waxaa adkaatay in lakalasaaro kuwa dhaxalka iska leh iyo midka aan waxba lahayn , kadibna waxay ku heshiiyeen in maxkamada la’aado , hadaba markay dhaxda maraayaan ayaa waxaa ku soo baxay nin Owr ka dhumay , waxuuna waydiiyay Owrkiisii , kadibna wiilashii midkood ayaa waxuu ku dhahay ninkii ninyohow Owrkaadu ma il la’aa? markaas ayuu dhahay ninkii haa sxb kiikale ayaa dhahay ma dabo la’aa ? markaas ayuu dhahay haa , kiikale ayaa soo booday oo dhahay jiis ma ahaa Owrku ? ninkii ayaa intuu aad u farxay ayuu is dhahay niman kaani Owrkaadii way arkeen markaas ayuu sifarxad ku dheehantahay ku jawaabay oo uu dhahay haa sxb , markaas ayay dhaheen wax aan aragnay ma laha sxb .

Ninkii ayaa xanaaqay oo waxa uu dhay waa in aan maxkamada isla aadnaa markaas ayay dhaheen awalba ayada ayaan rabnay annagu , ee nakeen kadibna way israaceen waxayna lakulmeen qaadigii magaalada , ninkii Owrku kamaqnaa ayaa howshii kawarbixiyay oo wuxuu dhahay Qaadiyow nimankaan inta owrkaygii tilmaamayn ayay hadana inkireen , wuxuuuna u sharxay tilmaamihii ay ka bixiyeen ! .

Qaadigii ayaa waydiiyay nimankii owrkii wuxuuna ku dhahay maxaad ku dhahdayn owrku isha ma la’aa ? markaas ayuu ku jawaabay mid kamid ahi waxaan arkay daaqa oo uu hal dhinac kaliya ka daaqay haduu labada il qabi lahaana labada dhinacba wuu ka daaqi lahaa , su’aashii labaad ayuu waydiiyay Qaadigii oo waxa uu dhahay maxaad ku dhahdeen owrku madabo la’aa ? markaas ayuu ku jawaabay midkii howshaas sheegay owrku xaarkiisa halmeel ayuu ku tuuray hadii uu dabo qabi lahaana wuu kala firdhin lahaa xaarkiisa ( saxaradiisa), kii sadexaad ayaa lawaydiiyay adi maxaad ku ogaatay in owrku jiis yahay ( laan gadhe) ? asna wuxuu ku jawaabay raadka ayaan arkay oo lukta bidix ayuu dhulka u dhigaayay si ka xoogan mida midig , kadibna Qaadigii ayaa dhahay sxb nimankaan owrkaagii ma aysan arkin ee oradoo meelaha ka raadso .

Qaadigii ayaa wuxuu waydiiyay wiilashii idinkuna maxaad rabteen ? markaas ayay u sharxeen howshoodii oo waxay dhaheen Qaadi waxaan nahay wiilal wallalo ah isku wada magac ayaana nahay oo dhaantayo Cabdulaahiyo ayaa nala dhahaa markii aabe dhimanaayayna waxa uu dhahay Cabdulaahi dhaxal ayuu leeyahay , Cabdulaahi dhaxl ayuu leeyahay , Cabdulaahina waxba kuma laha dhaxalka marka waxaan kuugu imaanay in aad nakala xukunto .
Qaadigii ayaa dhahay caawa waad joogaysaan bari ayaa dacwadiina laqaadaa , kadibna waxaa loo diyaariyay qolka martida , Qaadigii ayaa waxa uu u soo diray nin jaajuus ah markaas ayuu dhahay wiilashii mid ka mid ahi sxbayaal diktonaada ilaalo ayaa inala joogtee ! mudo kadibna waxaa loo keenay hilib iyo muufe markaas ayuu dhahay wiilashii midkood hilibkaan waa hilb ay ee iska ilaaliya ! mid kalena wuxuu dhahay muufadaan waxa soo dubtay naag xaamilo ah oo bishii 9aad ku jirta ! markas ayuu midkii kalena soo booday oo wuxuu dhahay qaadigani waa wecel ( garac) ! .

Qaadigii ayaa arintii loo sheegay , markaas ayuu dhahay maxaad ku dhahdeen hilibku waa hilib ay ? markaas ayay ugu jawaabeen waxaan ku garanay hilbka waxa u soo koraysay lafta waxana ku xigay jiidhka waxaan u hoosaysay baruurta ! saasna waxaa lagu yaqaanaa hilibka ayga Qaadigii ayaa dhahay waa runtiin oo hilibku ay ayuu ahaa oo waxaan damcay in aan ari ( adhi) idii qalo kadibna arigii ayaa soo daahay dabadeedna waxaan qabtay ay yar oo rerka joogay saas ayana idiinku qalay . Qaadigii ayaa waxa uu dhahay maxaad ku garateen in muufada naag xaamilo ahi dubtay ? ! markaas ayay ku jawaabeen muufadu hal dhinac ayay ka bislaatay dhinaca kalena way isku dhaganayd oo kamay bislaan naagta xaamida ahna caloosha ayaa kasoo horaysa saas darteedna awood uma laha in ay sifiiican u wada gaarsiiso muufada dabka dhanka bisil waa dhinicii ayada ku dhawaa dhanka kalena waa kii ayada kafagaa , Qaadigii ayaa dhahay waa runtiin oo naag xaamilo ah bishi 9aadna kujirta ayaa dubtay .

Qaadigii wuxuu waydiiyay maxaad ku dhahdeen qaadigu waa wecal ( garac) markaas ayay ku jawaabeen Qaadi muslim ah oo loosoo xukun doontay kadibna jaajuus soo diraaya waa maxay ? arintaas waxay kafogtahay dhaqanka muslimiinta , midka carabta iyo deeqsinimadkooda intaba .

Qaadigii ayaa waxa uu aaday hooyadiis kadibna wuxuu waydiiyay in uu wecal yahay iyo in kale waxayna u cadaysay in uu wecal yahay ! Qaadigii ayaa soolaabtay markaas ayuu waydiiyay waakuma ninka dhahay Hilibku waa ay ? markaas ayuu dhahay midkood aniga , Qaadigii ayaa dhahay adi dhaxal ayaad leedahay . Qadigii ayaa dhahay waa kuma midka dhahay muufada waxaa dubtay naag xaamilo ah ? mid kale ayaa dhahay aniga , Qaadigii ayaa dhahay adigana dhaxalka waad leedahay . qaadigii ayaa dhahay waa kuma midka dhahay Qaadigu waa wecel ( garac) markaas ayuu midkii sadexaad dhahay aniga markaas ayuu dhahay Qaadigii adi dhaxal waxba kumalihid oo wecel ayaad tahay maxayeelay ilmo xaanaan ah waxaa garta mid kale oo xaaraan ah .

İntaas kadib wiilashii ayaa laabtayn oo waxa ay waydiiyeen mamadii wiilkii xaanata ahaa kadibna waxay u sheegtay in aabahood soo qaaday asagoo meel lagu tuuray .

Hadaba waa in aad ogaataa xaqu in u cadan haayo ha dhawaato ama ha dheeratee .

Xigasho Shekadaan waxaan kafiirsaday ayadoo carabi ah fiidyow yar , ninka warinaayayna magaciisa lama sheegi saas darteed anna waan katagay .