Waalidka iyo waxbarashada wakhtigan (WQ: Abdifataah M. Ahmed)

“Haddii waayadii horre ay aheyd in ardeyga loo illaaliyo wakhtiga uu isgoolka aadaayo si aanu u habsaamin,quraac loo sameeyo,dhar nadiif ah loo xidho,agabkiisa waxbarashadda loo diyaariyo oo loo soo jeeddo,siddii iyo si ka badan ayey 12kan wiig ee waxbarashadda masaafadda fog u dadaaleen waallidku gaar ahaan hoyooyinku”Mahadnaqa waxa leh hoyooyinka”.la socoshada xilliyada casharaddu ay soo gallayaan,la socoshadda shaqooyinka ilmahooda looga soo direy meel ka durugsan,wax diyaarinta iyo wax akhriskooduba maalmahan intii horre waalidka wuu kaga culus yahay,waxbarashaddii guriga ee ku koobneyd wax akhriska furan hadda waxa ay isku baddeshey waxbarashadda saxda ah taasi oo cutub cussub u furtey nolosha qoyska iyo ardeydaba,iyada oo waallid badan ka dhigtey macallin,dibna u xasuusisey maskaxdooda waayihii waxbarasho ee dugsiyada ay ku jireen.

 

Marxaladani aynu hadda ku jirnaa waxa ay waallidka u qeybisey dhawr nooc oo kala duwan,kuwaasi oo ay ugu horreeyaan waallid iyo qoysas dhaqaale ahaan xooggan oo ardeydooda casrigan cussub kala dabaashey dhanka kharashaadka dheeriga ah ee soo baxey iyo waallid danyar ah oo la dhibaatoodey bixinta lacagaha ku waajibey xaaladdani waxbarashaddu ay u jiheysatey,dhanka kale Waallid badan oo reer somaliland ah gaar ahaan hoyooyinka ayaa u qeybsamey saddex nooc kuwaasi oo kala ah,hooyo aqoon leh oo cilmiga gacanta ku heysey si deg deg ahna xaaladdani uga jawaabtey si ay ubbadkeedu wax u bartaan  taasi oo xaqiiqada si rasmi ah uga dareen celisey,hooyo is dhiibtey oo aan aqoon u laheyn waxbarashadda masaafada fog iyo agabyada ay ardeydu u baahan yihiin tacliina aan sooba baran ama is masaxdey iyo mida saddexaad oo ah hooyo qalbi wanaagsan halgan iyo dedaalna rabta in ay u muujiso ilmaheeda qabtu ku dhacdey.

 

Billo ka hor waallid badan ayaan ogeyn wejiga waxbarashadda ilmahoodu yeellan doonto kuwaasi oo markii horre la halgamaayey waxbarashaddii ardeygu uu dugsiga aadi jirey subaxii,mey isku hawli jirin waxa carruurtooda loo dhiggi jirey,ardeyguna markii uu waxbarashadda  u bixi jirey wuxu heystey xornimo iyo madaxbannaani dersigiisa ah,haddase culeys kale oo duruusta ah ayaa nidaamkan cussubi waallidka dunnida gaar ahaan reer somaliland ku soo kordhiyey,aqoontii waallidka ayaa loo baahdey,waallidka wax bartey ee maaddooyinka sayniska iyo xisaabta ubbadkooda u dhiggi kara ayaa waxtar u yeeshay carruurahooda,halka waallid badani ay wax kasta ilaaween oo aaney maanta qof duriyadooda ah cashar u marin karin.waallid badan badan intii horre waxa kaga soo kordhey oo ay wixii hadda ka danbeeya ogaalkooda ku soo kordhey oo ay barteen google.com,internet,mobile casri ah,kumbuyuter ardey kasta ah,qalab tiknolojiyadeed iwm,tagida dugsiyadii xaafaddaha fog fog loo aadi jirey waxa lagu caawin doonnaa joogida ardeyda ee guriga isaga oo dersigiisa la socda.

 

culeyska iyo fikirka hoyooyin badan kala soo dersey casharadaasi masaafada fog,maaha kuwa la illaawi doono,culeys dhaqaale ayaa ku dhacey ay ardey badan qalab cussub ugu soo iibiyeen,culeys lacagtii ardeyga ah oo mushahar looga dhiggaayo macallinkii carruurtooda ayaa si joogto ah 12kaasi wiig ugu socot,ayaamo dalab badan ayey nool yihiin waallidiin badani oo riwaayad ku ah.

 

Abdifataah M.Ahmed

 

Ceelaabe_10@hotmail.co