Waan Filayey (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Meel cidhif kaga taala maskhinka uu jiifo ayuu ka soo jeedaa, waxa xagga dambe ka soo taageeraya laba barkimo oo aad moodo in laba bilood aan la maydhin. Waxa hareerihiisa daadsan khashin badan, oo isugu jira baco, xashiish iyo baakidho. Markii uu makhsin soo galay cumar ayuu indhaha ku dhuftay meeshan nadaafad daradu ka muuqato. Ka dib waxa maankiisa ku soo dhacaysay, tolow maxaa odaygan meesha looga hagaajin waayey? maa cid baanu lahayn? Maysaga diiday? IWM.

Waa oday da’ahaan dhawr iyo toddobaatan ah, balse muuq ahaan ka weyn, da’daasi. Waxa isugu biirsantay da, dayac, daryeel la’aan, duqnimo, dad la’aan, dawo la’aan, dugsi la’aan iyo dabiib la’aan. Markaad albaabka ka gasho makhsin uu jiifo, waxa markaba ku qaadaysa nadaafad darada, sigaarka ka soo kamkamaya iyo suyuc aan loo adkaysan Karin. Markii u galay ayuu ku yidhi” salaama calaykum adeer”. Ka dib intuu dirqi ku soo sare fadhiistay oo soo saaray indho gudhay oo god ka soo muuqda, ayuu ugu af-celiyey” maxaa kuu diiday inaad, salaanta soomaalida nagu salaanto?”

Cumar intuu yaabay ayuu yidhi” adeer waa salaantii islaamka”. Ka dib wuxuu yidhi” ninyahow carabta hoosta ha naga soo galin”. Cumar weli muu aqoonsan odaygu inaanu soon, salaad, sadaqo, sako iyo samafalba shuqul ku lahayn. Waana ta keentay inuu kala garan waayo salaanta islaamka iyo carabnnimada. Odaygii ayaa bilaabay dood uu la galo wiilkan uu adeerka u yahay ee soo booqday inuu ogaado caafimaadkiisa. Isagoo hadalka ka soo qaadaya meel fog, oo aad moodo inuu dirqi iyo tu xun ku soo marayo dhuunta ayuu yidhi” ma af-carbeed ayaad wax ku barataa, mise af-faranji?”

Cumar ayaa ku yidhi” af-carbeed”. Markaasuu dirqi ku yidhi” alla ku doori, maxaad af-farani kuu diiday?”. Cumar ayey talo ku ciirtay. Wuxuu maskaxdiisa iska weydiiyey, bal odaygan aan caafimaadiisa soo eegay ee ilaa daarada i-socday eega. Odaygii ayaa in muddo ah qufac ku maqnaa, markaasuu soo miyirsaday Ka dib wuxuu yidhi” miyaanad ogayn, in dadka af-carbeedka wax ku barta ay maskaxdu taagan tahay”. Subxaan ma luuqada ilaahay qur’aanka kariimka ku soo dejiyey. Ilaahay ayaa wax kaa yidhaa. Cumar fajac iyo yaab ayuu madaxa la haystaa. Wuxuu is-weydiinayaa maxaa ku dhacay adeerkaa oo sidan ka dhigay mise sidaanuu iska ahaa.

Wuxuu yidhiQolo marti ah oo Oogaadeena ayaa tegay Harar, markaasaa bun loo keenay iyaga oo aan weligood bun cabbin. Markii ay bunkii dhammaysteen ayaa lagu yidhi, iska taga waa sadaqee. Markaasaay yidhaaheen weli sadaqo ka qadhaadh maanu arag” haddii aad diidaan wixii la idin siiyo, kuwaasi oo kale ayaad noqonaysaa, ayuu raaciyey isaga oo qosol iyo qufuc wada socda ku soo khatimay sheekada. Ka dib haddana wuxuu nooga sheekeeyey sheeko aan xidhiidh la lahayn wixii uu Cumar u socday.

Wuxuu yidhi “Waayadii Soomalidu dumarka isa siin jireen iyad oo aan la haasaawin, ayaa nin la siiyey gabadh dhego culus (dhegaha naafo ka ah), ninkii isagoo gabadhii la sheekaysan baa loo guuriyey oo uu geel badan ka bixiyey, markii uu gabadhii arkayna wuu furay xoolihiina wuu la noqday.

Gabadhii baa loo sheegay in la guursaday, waxa ay tidhi waan filayey, waa lagu mehereiyey baa lagu yidhi waan filayey bay tidhi, waxa lagu yidhi geella baa laga bixiyey waan filayey bay tidhi, haddana waxa lagu yidhi ninkii wuu ku furey waan filayey bay tidhi. Maxaad aanad fileyn baa lagu yidhi?

Waxay tidhi in aan Gaashaanti ah oo la ii guursan doono waan filayey, in lay I meherin doonaanna waan filayey, in geel la iga bixin doonnana waan filayey, marka uu ninku ogaado inaan dhego culusahayna kollay inuu I furayi doonnana waan filayey, maan se fileyn xoolo uu bixiyey inuu ka daba-imanayo” Muddo ka dib  Cumar wuu ka soo baxay odaygii oo wuxuu ku yidhi waan soo tukanayaa. Ka dib odaygii ayaa ugu jawaabay “ iska soo tuko”.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com