Waayaha Somaliland Yaal (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Reer faqiir ah oo aanu jaarnahay, inkasta oo dadka Somaliland ku noolba badankoodu foqoro iska yihiin.  Reerkaas laba inan oo roon roon ayaan ka arakay iyo hooyadood, sida ay ii sheegaan inanka wayn ayaa hooyadii ku yidhi ninkan ayaynu ku tuntuunsan si uu wax u barto ana waan inoo xoogsi tagayaa, sidii ayay reerkii noloshoodu ku soctaa.

Waxaan is waydiiyay inanka waxbarashada loo diray ee sidaa loogu dadaalayo marka uu bari jaamacda soo dhameeyo ee uu guriga soo fadhiisto, waxa canaan ku dhacaysa ayaan sii sawirtay, illayn waynu ognahay wax soo saarka jaamacadaheena eh, in ay kuwii horeba guryaha fadhiyaan.

Horta waalidka aqoonta lihi la yaabi maayo marka inankii uu intaa ku tabcaayay guriga u soo fadhiisto, maxaayeelay xaalka wadanka ayuu ka war hayaa, laakiin waalidka aan aqoonta lahayn wuxu odhanayaa wiilkaad intaa ku tabcaysay muxuu dhulka idiinka qaadi waayay markaas ayuu canaan kula kor dhacayaa.

Kuwan school lada maamulaana hadii qaar khaas ah amaba kuwa dawlada yihiin  wax talo ah oo ay hayaan ma jirto, inay sidii babqaaqa ilmaha yar soo buuxiyaan iyo ka ururso uun bay garanayaan. Ismana waydinayaan sidee ilmahan idiinka tagaa isaga oo dhaqanleh, waxtarna u leh waalidkii, oo waalidkii intaa ku soo tabcaayay aanu dulsaar hadana ugu noqon.

Kuwan talada hayaan kaba sii daran hantida iibiya iyo booba mooyaan eh wax kale ma hayaan. Basaasiintooduna dadka borobogaande ugu mashquuliyaan, xusulada ayaydun malabka ka leefi, waa taa layna ictiraafayo, wadadii barbarana la dhisaayo, habeenkii la soo hooyan maayo oo darka ayaydun jiidhi iwm, ayay dadka ku sii daayaan, markaas ayaa wax ma garatadu run moodaa.

Buug ayaan ka akhriyay ka sheekaynaya sida waalidku u tarbiyayn lahaa ilmihiisa talooyin badan ayuu siinayaa, mid ka mid ah ayaan imika soo qaadanayaa, wuxuu waalidka kula talinayaa in uu ilmihiisa inta uu school ka dhiganaayo xirfad baro, illayn waa la og yahya school lada waxa yaala eh.

An ku soo noqdo wiilkii lagu tabcaayay eh waxa qabsan doona marka uu wax barashada soo dhameeyay ee uu guriga soo fadhiisto, canaantiina ku billaabanto sadex ayuun buu mid yeeli.

In uu tahriibo

  1. In uu nolosha ka dhaco oo uu balwado billaabo
  2. Inu qof caqlileh noqdo oo uu sabro nolosha sidii uu ula xarbin lahaana falowgeed qabto.

Kolay anigu wiilkaa afka ayaan ula kala baxay waanan siiyay wixii talo ahaa, kuna baraarujiyay waxa mustaqbalka sugaaya.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/