Wada hadallada hubka dhigiska casrigan Q.3aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Cigaal ku waxa uu ka codsaday in Xajka  meqaam u qalma ku yimaado,taasi   Sucuudigu  wuu ka gaws qabsaday halka  Cigaalna diiday in uu aqbalo meqaam ka hooseeya.   Aad buu u Jeclaa in Guriga Alle Swt booqdo. maadaama uu ahaa Quraan ruug intii dambe. Balse Xajkiise waxa uu arkay mid shakhsiya halka qadiyada ummada ilaalinteeda uu ka raajaxay.

Si da Claahi Maxamed Ducale ka sheekeeyay iyo Geesba. 1999  mar wafdi culus ugu kicitimeen, Washington. kuna beegnay 30 guurdii Cigaal ee 1969 safarkiisii hore markuu Rai’salwasaaraha Somalia ahaa. aqalka cadna booqday  halka uu madaxwaynihii wakhtigaa la kulmay.

Wasaarada khaarajiga Maraykamku waxay u qorshaysay kulan heer sare ah. ugu mudnayd Susan Rice oo diplamaasiyada Washigton dadka ugu caansan ah. Xilal badana qabatay sida Qunsulka UN ta, lataliyaha amaanka maraykan iyo kaaliay wasiirka khaarajiga ee Africa u qaabilsan.

Wakhtigaa waxay joogtay Wasaarada arrimaha dibada kaaliya wasiirka khaarajiga ee Africa, Susan Rice oo African ameericaana Kulan kii markii Cigaal iyo Susan Rice jilbaha is dareen Cigaal waxa uu dareemay in luqaday ku la hadlayso u qalmin. kana hoosayso meqaamkiisa diplomaasiyadeed, sidaa daraadeed qaabka diblamaasiyada dunida isagoo raacaya, wuxu ugu jawaabay si adag oo aan gabasho lahayn mawqifkiisuna cad yahay sida cadceeda.

Intaasi markii ay dhacday xaaladu waxay gaadhay in Cigaal kulanka ka kaco gabdhii oo fadhida kursigeeda. halka wasiiradiisii sida Claahi Maxmed Ducaale oo wasiirka Dibada ahi lad-qabe iyo dajin ku soo dhex galo. Arrintiina markii dambe dajiyay.

Dhacdadaasi  waxay toosh wayn ku ifinaysaa in Cigaal badheedhihiisa marna indha ugama duwin gabadhaa dawlada balaadhan matalaysa ee dunida ku hor kaadida. Taasi oo cashar ugu filan dhamaan dadka matalaaya qarankan. In wakhti laga taag darnaa iyo xaalado kala duwan oo qalafsan. madaxeenu taagnaa oo marna hoos loo dhigin. In duli la hoorsado balse sharafta waxba ma gooyaan. Wax kastana waa loo huraa. Meeqaamkaagu noocuu doono ha ahaadee isagaa lagu faanaa. Lama huraan waa caws jiilaal.

Waxaan xasuustaa markuu soo guryo noqday Cigaal in uu khayriyada oo hanuunin bulsho, oo joogta ahayd. duruus culus iyo muxaadarooyin waawayn, iyo doodo aanu xaqiiqda waxba hadoodili jirin. Makarafoonkaana la daba istaagi jiray warbixin tafatiran oo xaqiiqda ku qotonta ama halaga naxo ama halagu farxee sida Aduunkii Dhabarkuu inoo soo jeediyay,

Masaladaasi Dhabarka cilmi balaadhan baa ku jira,  wucuu uga gol lahaa isku tashada. walina  lama fahmin masaladaa. Ictiraaf la’aan baan noolaan karnaa waayo waxa uu aamin sanaa in qaacido hadda la aasay oo ah Dunidu ha inoo baahato, oo uu in badan ku celceliyay, sida taiwaan oo kale, dano aan abuurno la inoogu soo istaago.

Maalintaa haddalkiisa waxa kamid ahaa ninkan Clinton waa nin dumar jecel oo meel walba dumar buu dhigtay.  isago dibaaqaya fadeexadii Maxadaxwaynihii maraykanka kaga timid gabadhii Monica Lewinisky. Oo barigaa fadeexadi dul hogatay. in shukaansi xadkiisa dhaafsiisan dhex maray, lagu eedeeyay ilaa uu xilka waayi gaadhay, ahaydna  qadiyad caana oo galafan gaadhay Clinton.  Sidaa daraadeed isagoo gabadhan kale ka yar boodsan buu yidhi Clinton meel kasta gabadh buu dhigtay.

Hadalkaasi oo kaabaya Ka claahi Maxmed ducaale wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaaliland mar uu ka sheekaynayay han waymaantii iyo kalsoonidii Cigaal. In fadhigaa uu ka kacay oo aanu maslaxnay in uu sii fadhiyo. …..

Haddi Rabbi Swt.  Q/4aad baa xigi.