Wadadii Shiinuhu U Maray Warshadaynta (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Markii uu dhamaaday dagaalkii 2aad ee aduunku 1945 shiinuhu masoo saari jirin hal qori oo rayfala oo ciidamadiisu isticmaalaan ,warshadayn iyo horumar kalena kama aanu jirin , waxaanu ahaan wadan dib u dhacsan oo dadkiisu ku tiirsan yihiin beero aan horumarsanayn .

Haayadda lacagta aduunka iyo Baanka aduunku waxay siiyeen dayn iyo deeqo badan oo lacageed , wadamadda reer galbeedkuna waxoogay bay ku fiiqeen , hassa yeeshee waxaasi waxba uma aanay tirin , waxaanay noqdeen uun dhibic bad ku dhacday .

sanadihii kontanaadkii wadankii midowga soofiyeeti ayaa ugu deeqay wadanka shiinaha 156 warshadood oo isugu jira kuwo waawayn iyo kuwo dhexe , sidoo kale wuxuu u tababaray farsamayaqaano iyo Enjineero ka hawl-gala warshadahaas , warshadahaas ayaana bar bilow u noqday warshadaynta shiinaha ee imika aduunka qabsatay .

Si kastaba ha ahaatee , Aduunyadda wadana kama maarmo wadan kale oo gacan qabta , wax bara wadada horumarkana ku ridda , tasiiwrtan idiin muuqataana waxay muujinaysaa shiinaha oo kala wareegaya midowgii soofiyeeti warshaddo , inagana Twain wax badan bay ina tari kartaa , hadii aynu horumar u jeedno.