Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland Daal mise Daw Isfahan?

Hordhac:

Aynu wada hadalo–waa aynu heshiino, wada hadalku waa habka ugu fudud ee lagu dhameeyo mushkiladaha dhex mara baniaadanka ku nool dunidan guudkeeda.Marka laga hadlayo erayga wada hadal, wuu noocyo badan yahay,laakiin kan hadda aynu ka hadlayaa waa “wadahadka Siyaasadeed” (political dialog)oo dhex maraya labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Guud ahaan ummadda ku abtirsata magaca Soomaali,waxay hide iyo dhaqan soo jireen ah u leedahay wada hadalka,waa habka ugu fudud ee ay isku afgarato,waa habka ugu wanaagsan ee ay ku xaliso dhamaan noocyada khilaaf ee soo kala dhex gala,Somaliland iyo Soomaaliyana way ku saxsan yihiin in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka Siyaasada.

Wada-hadallada Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhex maray dalal kala duwan waa tallaabo yididiilo leh oo loo qaaday dhanka dib-u-heshiin siyaasadeed. Sidaas oo ay tahay, ilaa iyo hadda wada xaajoodku wuxuu u muuqdaa mid aan xaajada hoos loogu degin, xawaare debacsanna ku bilaabmay mudo ka dibna burburay.

Shirkii London waxa uu ahaa talaabo mihiima oo dhinaca diblamaasiyada ah waxaanu somaliland qadiyadeeda keenay saaxada caalamka  taas oo wajigii qadiyada somaliland u furtay albaab cusub.

Sooyalkii Geedi socodka wadahadalada

Markii uugu horaysay ee lasoo hadal qaaday shirkii calamiga ahaa ee lagu qabtay magaalada London  23-kii feberaayo,2012kii. Mid ka mida ah qodabadii shirkaas ka soo baxay ayaa waxa uu dhigayay in beesha calamka ay aqoonsato, islamarkaasina taageerto muhiimada ay leedahay in wadahadalo dhexmaraan somaliya iyo soomaliland.

Dhawr bilood ka dib shirkii uugu horeeyay waxa uu ka qabsoomay magaalada London 20-kii bishii june,2012kii  kaas oo labada dhinac isku horfadhiisteen.

Intaas ka dib wadahadalda ayaa umuqaday kuwa si habsami ah usocda oo labada dhinac isku soo dhawaynaya.

Balse muda ka dib wadahadalada ayaa hakad galay iyadoo labada dhinacba isku fahmi waayeen.

December 20,2104 shirka qaybgaleen  madaxwaynayaashii xilka hayay wakhtigaa oo kala ahaa xasan sheikh maxamuud iyo maxamuud axmed silaanyo  ayaa ka qabsoomay jabuuti waxaana lagu kala saxeexday heshiis qeexaya wada hadaladii hakadka galay in dib loo bilaabo.

Hashiisyadii kasoo baxay wada hadalada

Wixii ka danbeeyay shirkii London waxa labada dhinac ku heshiiyeen hashiisyo dhawr ah oo ay uugu mihiimsanayeen.

  1. In la sii wado wada hadalka
  2. Xoojinta labada dhinac ee nabad galyada iyadoo lawa wadaago xogta
  3. in labada dhinac ka howla galaan in Somaliland kaalmo caalamiya iyo Taageer hesho.
  4. in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo
  5. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen
  6. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo burcad badeedka.
  7. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.

Ka dib burburkii wadahadalada qodobadii lagu heshiyay oo dhanba waxay noqdeen qaar bacaad lagu lisay waxbana kama fulin.

Maxa laga filankaraa wada hadalada mustaqbalka

Qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia  weli lagama wada hadlin taas oo ah ubucda wadahadalka labada dhinac.

Waxaa adkaan doonta in labada dhinac heshiis ka gaadhaan arinka midnimada iyo kala taga sababtoo ah midka kasto dhiniciisa muqadas buu u arkaa dhinaca uu taganyahay.

Sidaa daraadeed waxa lo odhan karaa wadahadaladu waa ku uu muuqda gacmo daalis.

Somaliland iyo somaliya dhexdoodaa xal ubahan

Somaliland waa in ay xal u heshaa culaysyada dhankeeda ka jira. Ugu horrayn, waa in madaxda somaliland sameeyaan awood qaybsi dhab ah . Gaar ahaan waa in laxaliyaa tabashooyinka ay qabaan dadka ku nool deegaannada Sool, Sanaag iyo Awdal iyadoo dastuurka lafurayo lana abuuraa somaliland quruxbadan oo dadka ka dhaxaysa. Sidoo kale Somaliland waa in samaysa machadka  darasaadka diblamaasiyada iyo arimaha geeska afrika lagu darso kaas oo hoos imanaya wasarada arimaha dibada.

Machadkaasi wuxuu noqon donaa xarun xambaarta qadiyada Somaliland soona saarta diblamaasiyin dayar oo khibrad leh soona saari kara cilmi baadhisyo wax ku oola ah .

Somaliya waa inay dhexdeeda hagaajisaa kuna mashquushaa sidii amniga iyo kala danbaynta dalka usoo celin lahayd. Si loo helo wakiilo rasmiya oo dadka somaliya matala.

Gunaanad

Waa arrin ammaan mudan in Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rabaan inay dib u billaabeen wadahadalada iyadoo laga wada shaqaynayo arimaha bulshada sababtoo ah arimaha siyaasadu in xal laga gadhaa wali way adagtahay. Waxana muuqataa in hadda la gaaray xilligii dib loo daari lahaa shumaca wada-hadalka iyo ka wada shaqaynta arimaha bulshada.

 

 

BY: Abdi asis mahamed Ahmed cilmi baadhe madax banaan

hayir09@hotmail.com