Wadciga Siyaasadda geeska oo kooban. W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan

Madaxweynaha Somaliland oo dalkiisa ku maraya baabuur, socod iyo isaga oo dadweynaha la lugaynaya marna ordaya si uu caalamka u tusiyo in Somaliland ka nabadgalyo badan tahay Jabuuti Iyo Soomaaliya oo madaxweynayaashoodu aanay xarumahooda ka bixi karin iyaga oo aan ilaalo adagi la socon.

Jabuuti oo waji-gabax kala kulantay dekeddii ay sheegtay inay siinayso Itoobiya kadib markii ay ka reebtay inay saldhig Millatari ugu darto, iyo Eritrea oo wacad ku martay inay dhimasho ka xigto haddii Itoobiya u soo fadhiisato dhulka canfarta.

Madaxweynaha Soomaaliya HSM oo kadib markii ay adduunaydu dhag u dhigi weyday dacwaddii uu ka gudbinayay Itoobiya, sida golaha ammaanka qaramada midoobay oo u sheegay inuu marka hore midowga Afrika soo maro, Midowga Afrika oo iyagana wixii ka gaadhay la ogaa, dalalka IGAD oo iyaguna uga aamusay arrinta, Jaamacaddii carabta oo soo saartay waraaq la mid ah kuwii ay ka soo saari jirtay arrinta Falastiin, ayaa ka dhex cataabay shirka dalalka Afrika iyo Shiinaha uga socda magaalada beijing (Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). isaga oo meesha kaga hadlay mawduuc aan ahayn kii loogu talo galay shirka oo ahaa heshiiska MOU, waayo shirka waxa lagaga hadlayaa iskaashi ee ajandaha shirka kuma jirto in dalal is haysta lagu dhex galo.

Itoobiya oo si degdeg ah uga falcelisay ciidamada la sheegay in Masar u soo dirayso Soomaaliya, iyada oo xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto gaar ahaan goobihii hore dagaalkii 1977 ugu ahaa saldhigyada dib ugu soo noqotay, iyada oo waliba keentay hub aad u tiro badan oo noocii u danbeeyay ah.

Maamul goboleedyadii Soomaaliya oo mid mid uga xuub siibanay dawladda Xasan Sheekh kadib markii  ay talo ka siin weyday waxna ka weydiin wayday heshiisyada ay la soo galayso dalalka shisheeyaha, waxaana ugu danbeeyay Koonfur-galbeed oo si toos ah ula safatay Itoobiya kuna adkaysatay in aan dalka laga saari karin ciidamada Itoobiya.