Waddani waa layli, UCID-na waa hayin (W.Q. Sh. Caydaruus Cismaan Maxamed)

Shacabka reer Somaliland waxa ay ildheer ku eegayaan dhaqdhaqaaqa xisbiyada qaranka gaar ahaan kuwa mucaaridka ah.

Waxaynu baryahanba ku dhex jiray badweyn khilaaf siyasadeed ah kadib markii uu muran siyaasadeed ka dhashay go’aankii Guurtida ee muddo-kordhinta.

Adduunka waxaa Illaahay khaliifo uga dhigay bani’aadam-ka gaar ahaan ragga oo masuuliyaddii ugu weynayd la saaray waxaana ay Soomaalidu ku maahmaahdaa “rag wax walba maaree”.

Xagga muslinnimada iyo bani’aadamnimmada waxaa la isku raacsan yahay marka ay talo murugto in xal lagu dedaalo oo masuuliyad la muujiyo.

Ragannimo waxay ku jirtaa meel cidhiidhi ah. Adigu waa in aad go’aan qaadataa oo tanaasul samaysaa haddii ay wax kugu soo hagaagaan.

Xisbiga UCID shalay wuxu muujiyey waddaniyad iyo dal-jacayl. Sababta oo ah waxa ay u samreen in wada-hadalkii wax midho dhal ahi ka soo baxaan. Insha’allaah waxaa soo asturi doona Illaahay oo tooda ayay noqon doontaa daacidnimadana lagu hungoobo.

Waxay isla garteen Kulmiye iyo dawladdu in ay la qaataan in lagu soo koobo doorashada 2016-ka lagana tago intii Guurtida. Waxaanay codsadeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Muuse Biixi in lala soo tashado dawladda lana siino 24 saac. Waxba ma aha intaasi haddii xal lagu helayo.

Waxaa la yaab nagu noqotay markii xisbigii Waddani iyo Cirro oo ah Guddoomiyihii Baarlamaanka mushaharka ugu badanna waddanka ka qaataa diiday inuu siiyo 24 saac wada-hadalkii.

Taasi waxay kuu caddaynaysaa sida ay u degdegsan yihiin. Waar haddii degdegsiimo door lacag ah lagu helo, u-kaadsiimo-na kiish lacag ah ayaa lagu helaa.

Waddani waxay caddeeyeen in aanay waddanka u tudhayn oo lexojeclo ka haynin. Ma sidaas ayaa dalka lagu qabsadaa? Sidan mabaan moodayn Waddani, maanta laga bilaabo taageeradayda waxaan siiyay UCID.

 

Sh. Caydaruus Cismaan Maxamed

Boorama

taxliilbarooma@gmail.com