Wakhti Kasta Maxaa Fashiliya Denbiilaha!

Maqaalka waxa ku saabsan yahay Qisada Michael Malloy  Marka aad dib u raacdo dembiyada dhacaya, waxaad ogaan doontaa in dembiilayaasha inta badan la qabto sababtoo ah qalad yar oo ay sameeyeen ayaa mar kasta soo baxa. Arrimahan waa kuwo aad ku ogaan doonto doonto maqaalkan.

Sanadkii 1932kii , Gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxa bulshada deganayd asiibtay niyadjabkii iyo werwerkii ugu weynaa. Inta badan qoysaska Maraykanku waxa ay ahaayeen ku aan hayso shaqo la’aan, guryo, iyo xataa rabitaanka ah in ay noolaadaan. Xaqiiqdii waxa ay ahayd dhibaato dhab ah oo ka dhacday Ameerika.

Dadku waxa ay diyaar u ahaayeen inay sameeyaan wax kasta si ay lacag ku helayaanm xataa khiyaamo.Wakhtigaasi waxa uu ahaa bilawga budhcadnimada iyo shaqada maafiyada.Magaalada New York, koox tiro yar ayaa ka shaqeyan Magaalada New-york , koox tiro yar ayaa ka shaqayn jiray maqaaxi qarsoodi ah oo aan sharci lahayn. Maqaaxida waxa mar kasta soo booqan jiray oday ay da’diisu tahay 60 sano, waxa uu hore uga shaqayn jiray waaxda dab-demiska, laakiin wakhtigan waa nin daroogada si xooggan u isticmaala.

Ninkan waxa lau magacaabi jiray “Michael Malloy”, waxa uu ahaa soo galooti ka yimi dhulka miyiga ah Dongle, ee dalka Ireland. Waxa uu ka shaqeeyay dab-demiska ilaa 1930, markii danbena waa laga eryay shaqadiisa.Qofna ma garanayo sababta shaqada looga eryay, waxaa laga yaabaa inay ka dhalatay dhaqan xumo. Si kastaba ha ahaatee, waxa la aaminsanaa in ay ahayd sababta loo eryay iyadoo la  dhimayo miisaaniyada hay’adaha dawladda ee wakhtigaas. Tobanaan kun oo shaqaale ah ayaa iyaguna shaqada ku waayay isla sababo taasi  la mid ah.

Odayga Mikaa’iil maalin kasta waxa uu iman jiray baarka qarsoodiga ah, mar kastana waa laga eryi jiry, sababtoo ah ma bixinayn wax lacag ah marka uu raashinka khamriga cabo. Sababta ayaa ahayd in marka uu sakhraamo uu dhulka seexan jiray oo weliba kaadida isku sii dayn jiray, waxa ay ku qasbanaayeen in ay kor u qaadaan oo weliba ay laad la dhacaan iyagoo ku lahaa “bax”.

Waxa kale oo uu dhibi jiray macaamiisha gaar ahaan dumarka. Sababtuna waa isagoo ahaa nin darbi-jiif ah, oo aan lahayn guri, marar dhif iyo nadir ah ayuu maydhan jiray. Waxaana uu ah qof wasakh iyo ur labada ay ka ladhnayd.

Markii ay u utaagi waayeen madaxa kooxda budhcadda ah “Tony Marino”, ee baarka qarsoodiga ayaa soo jeediyay, mar hadday ku daaleen in ay ka takhalusaan waxaana sidaa ku raacay laba xubnood oo Iyana budhcadda baarka ka mid ah “Daniel Kreisberg” iyo “Frances Pasqua” .

Frances ayaa markaa soo jeediyay fikrad ah in ay dhigeen siyaasadda caymiska nolosha odayga Michael, taasi oo ah in ay u ogolaadaan in uu cabbo khamriga inta uu isagu rabo ilaa uu ka dhinto.

 

Sidan ayay isaga ka takhalusi doonaan oo ay lacag ku samayn doonaan isku mar dilkiisa iyo caymiska khamriga faraha badan ee ee uu cabbay. Fulinta qorshaha, waxa loo xilsaaray Francis, kaasi oo isaguna u tegay saddex 3 shirkadood oo caymis ah, isagoo mid kasta geliyay siyaasadda caymiska ee barka Joseph Murphy. Waxa kale oo ay Baarka uga fureen in uu ku leeayahay bug xisaabeed loogu qoro isticmaalka sharaabka iyo raashinka uu isticmaalo si dayntaasina loogu soo dalaco. Qiimaha saddexdan caymis ayaa ahaa 3576 doolarka Maraykanka ah, taas oo maanta u dhiganta in ka badan 74 kun oo doolarka Maraykanka ah.