Walaashayeey, toddoba arrimood ka ilaali ninkaaga! (WQ: Ina Siciid)

Waxa jira ereyo ay dumarku adeegsadaan oo ragga dhaawac culus gaadhsiiya laakiin aanay dumarku fahansanayn marka ay ku tiraabayaan. Ogsoonow hore ayaa loo yidhi “Af-xumo nabad way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto.”

Bandhige maanta wuxu kuu soo bandhigayaa weedhaha ay raggu dhibsadaan kuwooda ugu daran si aad isaga ilaaliso.

  1. Warqaddayda i sii: Weedhani waxay xaajigaaga ku dhalin kartaa in uu ka shakiyo in aad ka maarmi karayso kana xiiso dhacday.Waxay ku keeni kartaa in uu kaa tabaabushaysto!
  1. Waxba ima siisid: Weedhan raggu waxay u arkaan abaal-ka-dhac. Dabcan ma jiro nin aan xaaskiisa maal u hurin, ha noqoto wakhtigii guurka ama noloshii ka dambaysay, haba ku kala duwanaadaan ragguye. Haddii aad xajigaaga ku celceliso ereyadan, waxay ku keeni kartaa in uu jeebkiisa kaa xidho! 
  1. Ninkaygii hore ayaa kaa fiicnaa: Xaajigaagu ma jecla in aad barbar dhigto nin kale oo dunida ku nool, iskaba daa nin hore oo aad is qabi jirteene. Haddii aad ku ceceliso weedhan, waxay ku keeni kartaa kalsooni-darro!
  1. Reerkiinu way xun yihiin: haddii aad ku soo celceliso xumaanta qoyska uu ka dhashay, wuxuu u arki karaa in aad adigu iyaga jidh-diiddan tahay. Waxayna ku keeni kartaa in marka aad iyaga is qabataan uu adiga ku eedeeyo!
  1. Shaqo kale raadso: xaajigaagu wuxu jecel yahay in aad ku ammaanto kuna dhiirigeliso kolba shaqada uu hayo waxa ay doonto ha noqotee. Haddii aad shaqadiisa hadda saluugsan tahay si deggan oo kafta iyo sheeko ah u dareensii. Haddii kale wuxu u arki karaa in aad adduunyo kaliya daba socoto kartidiisana aanad ku kalsoonayn.Waxayna ku keeni kartaa cadho iyo niyadjab!
  1. Waan kaaga baxayaa guriga: Dudmo waxba ma soo kordhiso wax ay kharibto mooyaane. Waxay dibedda u soo saartaa dhalliilo iyo ceebo dhexdiina ku koobnaa. Haddii ay dudmadaadu badato waxay ku keeni kartaa in uu kaaba daba iman waayo!
  2. Ha ila hadlin: waa ereyo carruurnimo ah oo hoos u dhigi kara miisaanka shakhsiyaddaada. Dhanka kale, dabciyan raggu maba jecla hadalka badan iyo sheekada. Haddii aad ereyadan ku celceliso  waxay ku keeni kartaa in uu juuqda gabo!

Ugu danbayn bahda Bandhige waxay rajaynayaan in aad ka faa’iidaysatid mawduucan. Wixii fikir ah noogu soo hagaaji bandhige@gmail.com .

Waxa qortay: Ina Siciid