Wallaalaha aan tolka nahay ee arrinta KHAATUMO soo qaadanaya aan mid waydiiyo

Wallaalaha aan tolka nahay ee arrinta KHAATUMO soo qaadanaya aan mid waydiiyo: Dhulbahante, dhamaan odayadii iyo garaadadii u talinayay qabiilka Dhulbahante oo idil ayuu Laascaanood iskugu keennay; kadibna go’aan ayuu ku gaadhay dhismaha maamulka KHAATUMO; bal ii sheegga halka dhamaan haldoorka iyo madaxda dhaqanka Samaroon iskugu tageen ee ay Awdal State go’aankeega ku qaateen? Ma Hoolkii OTAWA ee ay afarta qof joogeen?!

Ilmaadeerayaal, masiirkeena, wadatashi iyo wadajir ayaynu ku gaadhi karnaa ee waxba iskuma yeedhin karno. Taasi meel ku qorta. Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi, waa hoggaamiyaha dhaqan ee innoogu sareeya bulshaddeena; kaliya waxa uu guddoomin karaa waxa ummadda uu Ugaaska u yahay heshiiska ku tahay ee rabitaankiisa innaguma hoggaamin karo — si waafaqsan xeerka hoggaaminta ee saldanada Samaroon. Taanna hoosta ka xariiqda. Cidda Ugaaskeena huwisa calan iyo siyaasad aynaan heshiis ku ahayn waxa ay dhaawacday haybadda Ugaaskeenna iyo midnimadda ummadda uu Ugaaska u yahay. Taasna way caddahay. Illmaadeerayaal, masiirka iyo go’aanka aynu ku gaadhayno maslaxadeena waa in ay ku heshiino innaga oo midaysan; waxa se biyo-kama dhibcaan ah, qarraarka aynu soosaarno innaga oo qaybsan in uu yahay fashilkeena iyo guuldaradeena.

Anniga, waxa ii muhiim ah waxa aynu heshiiska ku nahay — oo Somaliland maaha diin oo shalay ayaan innaga oo reer ah qaadanay, Awdal State-na wax aan la diidi karin maaaha oo meel aan kaga heshiinay dhismaheegu majirto. Maanta, Somaliland ayaynu nahay oo heshiiskii beellaha ee Burco May 1991 iyo axdi qarameedkii Boorama 1993-kii ayay ku jirnaa. Balse, barri iyo mustaqbalka waxa aynu qaadayno waa in aynu ka heshiinno ta maslaxadeenu ku jirto; balse tolkayow Minisoota iyo Muqdisho waxba iskagama soo yeedhin karno innaga oo aan midaysnayn ma ana soconayo. Waan ka baxay.