Waxan odhaahda u soo qaatay qof waliba yaab ka aduunka ka dhaca inta isaga khusaysa uunba ugu yaab badan aadamuhu waa khilaaf u joog iyo kala fakir duwanaansho inta la noolyahay,khilaafadkooda, tabashadooda, wax kala tirsigooda qoloba dariiq bay u martaa ama sharci ay dhigteen ha ahaado ama mid diimeed ha ahaado ama mid dhaqan
Hadaynu islaam nahay kala cabashada, wax isu sheega,isqancinta, iswaaninta intuba wado loo maro ayay leedahay oo kitaabkiyo sunuhuba inoo sheegeen.hadaad tahay qof islaam ah ilmahaaga yari wuxuu u baahanyahay inaad si asluuble wax ugu sheegto si uu wax kaaga qaato waxad u sheegeyso madaxda umadi dooratayna hadalkeedaba daa.
Qofkaad wax u sheegeyso hadaan marag iyo makhaati loo bahnayn saw maaha inaad keligii si hoose ama sare ugu sheegto oo edeb iyo asturaadi ku jirto
Hadaad makarafoon isoo fadhiisato od wax jira iyo waxaan jirinba iga sheegto iimaad nasteexayne waad ifadeexadaysay diintuna waa nasteexee horta taa waad la weyday dintee kuu ogolaatay inaad qofka dadka hortiisa waliba masaajid dhexdiisa ku dhaleecayso ama wax kaga sheegto.
Aan u soo dego Dulucda qormadayda ninba laga hayey duul culimo qastaanu nahay markuu arkay iyagoo samaynaya waxay dadka ka waaninayeen waxa yaaba oo yaab ka yaabkiis ah in culimada qaar caadeysteen badheedh af-lagaado, ceebeyn, camaarayn wax ka sheeg madaxda dalka waliba halkii lagu cibaadaysanayey ee guriga ilaahay, yaad ka haystaa inaad qof bini-adama masaajid ilaahay ka dhex ceebayso waxaad sheegeysa ama hajirto ama yey jirine.
Qoraalkaygu kuma jihaysna difaac waxaasi inay jiraan iyo inaanay jirin waxanse sheegaya ku gabashada masaajidka iyo duurxulka siyaasadeed halaga daayo umada, haloo badheedho miidaanka siyaasada.
Geela duqdiisi durdurisay aarankiisa maxaad u Malayan marka culimadu caamaha waxaa maqashiiyaan in masaajidka dhexdiisa qof lagu af-lagaadayn karo (( dawladii hore gobbay ahayd tanise waa gun)) KA KASLAAMIYO YAAB
((Hadaanay u jeedadu ahayn xaraaradii doorashadii 2017 oo wali damiweyday oo ah maxaa kii aan doonayey in la doorto daadku u qaaday )) doorashada iyo sheekadeedu masaajidka mayaalaan ee xarumaha xisbiyada ayay yaalaan dadku diinta hada mansha alaah intaan kitaabka ka baran waa saamiciin dhegahay ku sitaan nin abwaan ah baa laga hayey (( NIN U JEEDO KAALIHI KUU SAMEE KUN IINOOD SHARAFTAADA IIBGEE
Culimadu qaar waxay fadeexada madaxda ee masaajidka dhexdiisa ka dhigteen musalsal joogta ah taasi maaha wax sheeg iyo waano ee waxaa loo arkayaa nacayb xad dhaafay oo masaajid iyo meel kale toona looga tudheyn
Masjidku waa halka xumaha umuda looga digo maaha halka dhalinta lagu tuso in xitaa masaajid qof maqan xumaantiisa wax laga sheego.
Culimada kama sugeyno qiila wa qaala yaan siyaasada masaajidka loogu gaban xisbi hawfurtaan ama kuwa jira haku biiraan halkaasa ninkaad necebtahay aad wax kaga sheegi kartaa haduu caqliga ku siiyo inaad aadamaha wax ka sheegooda jeceshahay waa madal u furan cidii wax isla haysa
Boqolaal arimood oo diinta ku lidi ah ayaa dalka ka jira kuwaa ka hadlayaa haday lexejeclo dalka idinka hayso caqligayaga macaayi kartaan indhahuna umada way u furanyihiin hada (( you can not fool the people all the time )) umadu way dhaaftay wakhtigi nin Dan lihi masaajid dhexdii iyo guri hoosti ujeedo gaara kaga fushan jirey.
Hadalkaygu kuma waajahna culimo waxa wanagsan inoo sheegeysa ee lexejecloda wadanka ka hadlay ee inoo sheegaya inay dhulkeena u fiiro yeelano iyo inaan hantida umada cidi jeebadaha ku shuban
Xoolaha umada,dhulka umada ka dhexeeya cidna loogu dulqanmayno raalina kama nihin
Aniga iyo inta arinkaa ila qabta ee af-lagaadada ujeedadeedu cadahay ee aan loo meel dayeyn dhagahoodu ka xunyihiin inaga raali isa siin haday sii socotana makarafoonk iyo ganbadhkaba waanu ku soo fadhiisan kol hadii masaajidkii laga leeyahay umadu way kala tegi hadaan sidaa iyo sidaa la yeelin waxanu odhan umadu makala tegeysee way wada joogeysaaye adigu tag halkaad dan moodo.
Madaxweynu wuxuu kaga dhabeeyey odhaahdi ahayd dhimasho ku sigo aad guulaysatide,ama ogow ama ha ogaan sedex xabadoodba jidhkiisa ku yaala, 45 Sanadood hamigiisi ahaa wuu kaga dhabeeyey maantanta halkuu Somaliland geeyey xaasid uun baan Qirayn, ma wadaad yaro meelahaa iska joogey iyo wiil yaro xulbadii caruurnimo ka urayso oo makarafoon-sita ayaa madaxweynaha wadanka uga lexejeclo badan .Iloobi mayno ayaamihii kululaa ee na soo maray iyo qofwaliba kaalintuu ku lahaa waxtarka umadiisa
Waxan kaga baxaya :
(( RAGU WAA WADA RAG MARKA REEKA LA JOOGO ))
Ibrahim Adam Elmi (( qumaash ))
Uk