Wanaagga aad samaysaa wuu kugu soo noqdaa (W.Q. Ina Siciid)

Gabadh ayaa safar u baxday dheer. Iyadoo meel dhexe oo cidlo ah maraysa ayaa baabuurkii ay wadatay ka xumaaday. Markii ay dariiqa in badan taagnayd oo uu habeen soo galayso ayaa waxa meeshii soo maray nin dhallinyaro ah lakiin ay ka muuqato baahi badani.

Gabadhii aad bay uga baqatay ninkii se waxay ku calool-adaygtay in ay iskala hadasho oo ay wadiisato in uu caawiyo maadaama ay in badan kaligeed  taagnayd meel cidlo ah.

Ninkii dhallinyarada ahaa wuu ka aqbalay waxana ka codsaday in ay baabuurka dhexdiisa fadhiisato inta uu samanayo baabuurka, muddo kadibna waxa uu waydiiyay in ay tijaabiso oo ay istaadho baabuurkii.

Gabadhii sidii bay yeeshay waanay istaadhay, sidaana baabuurki wuu ku hagaagay. Waxa ay wadiisay inta ay tahay khidmaddii uu gaadhiga ugu hagaajiyey (waxay rabtay in ay lacag siiso waxa ay doonto ha ahaate madaama uu xilli oo ay baahnayd uu caawiyey.)

Ninkii dhallinyarada aaha wuxu ugu jawaabay “maya aniga wax lacaga ha I siinin. Magacayga waxa la yidhaa Aadam, waxaanan kaa codsanayaa in aad caawisid qofka ugu horreeya ee aad la kulantid inta aad safarka ku jirtid. Taas ayaa khidmadda iiga qiimo badan.”

Gabadhii safarkeedii bay sii wadatay, cabbaar markii ay socotayna waxay ku baydhay meel makhaayad ah.  Meeshaas gabadh baa adeegto ka ahayd oo dadka cuntada u dhigdhigaysay. Gabadhaasi way cuslayd oo uur 8 bilood ah bay ahayd, tacab badan iyo daal badan ayaana ka muuqday.

Markii ay gabadhii safarka ahayd cuntadii dhammaysatay ayay u dhiibtay gabadhii kale ee makhaayadda ka shaqaynaysay $100. Gabadhiina inta ay makhalkii ku noqotay ayay baaqigii soo celisay. Hase ahaatee waxay soo laabatay gabadhii safarka ahayd oo aan joogin. Waxayse miiskii ugu tagtay warqad ay farriini ku qoran tahay- “Baaqiga ka soo hadhay lacagta aan bixiyey adiga ayaa iska leh, miiska marada saaran hoosteedana waxan kuu dhigay $500 adiga ayaana iska leh.”

Gabadhii adeegtada ahayd way yaabtay, waxayna gurigeedii ku hoyatay iyadoo farxad kala badatay. Waxay ku oroday ninkeedii oo jooga waxayna ku tidhi, “Gabadh safar ah oo makhaayadda nagu soo martay oo wax naga cuntay ayaa lacagtan i siisay, waxayna warqad miiska ay dhigtay ku qortay “lacagtani waa dayn uu igu lahaa nin Aadan la yidhaa” taas oo aanan garawsan.”

Aadan waa dib ugu soo noqday wanaaggii uu u sameeyey gabadhii dhibaataysnayd. Adinguna akhristow ogsoonow wanaag kasta oo aad cid u samayso in uu kugu soo noqon doono goor ay noqotaba!

By: Ina Siciid

bandhige@gmail.com