Wanaagii xafladaasi, hal Qof ayaa ku dhintay! (WQ: Khadar Ibraaahim Aar)

Geeridu ama dhimashadu wakhtiyada qaar waxa ay ahayd wax laga naxo, balse maanta waxa aad moodaa in ay tahay arin siyaabaha qaar loogu faano ama laga dhigto kaanbayn iyo ololayn dhinaca siyaasada.

Waa xilli habeenimo ah waxaa si kadisa ah talafoon iigu soo diray nin aanu saaxiib nahay oo dagan dalka Kiiniya, ninkaasi oo ah raga sida aan gabashada lahayn ugu ololeeya xisbiga siyasiga ah ee Waddani Somaliland, ahna nin ka mida dadka sida aadka ah uga faalooda siyasadaha Somaliland.

Salaan iyo bariido ka bacdi, waxa aanu waxooga yar guda galnay siyaasada Somaliland iyo halka ay maanta marayso, waxa kale oo aanu haddana wax iska waydiinay xaalada xisbiyada dalka ka jirta gaar ahaan xisbiga Waddani iyo qaab siyasadeedkiisa cusub ee uu hada lasoo baxay.

Madaama saaxiibkaygaasi uu ahaa nin ka tirsan tageerasha aadka u waawayn ee uu Xisbigaasi leeyahay, waxa uu iiga sheekeeyay Xisbiga Waddani iyo jaangoontay siyaasadaha cusub ee uu laso baxay, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay soo dhawayntii aadka u baaxada lahayd ee Boorame loogu sameeyay musharaxa Madaxwayne-ku-xigeenka xisbiga Wasdani Mudane Maxamed Cali Cabdi.

Haddaba si uu saaxiibkaygaasi ii tusaaliyo una cadeeyo baaxada aadka u wayn iyo tageerada balaadhan ee uu Xisbigu ka haysto Gobolkaasi Awdal, ayaa waxa uu yidhi:

“Waad daawatay ayaan u malaynayaa sida baxaada leh ee gobolka Awdal loogu soo dhaweeyay Maxamad Cali Cabdi,isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ; Baaxada ay soo dhawayntaasi lahayn xataa waxaa ku *”DHINTAY HAL QOF”

Runtii aniga waxa ay ila noqotay arin laga naxo, madamaa ay goobtii soo dhawayntaba ay dad mulsimiin ahi ay ku dhinteen Geeriyo mag’la’aan,balse saxiib kay waxa ay lahayd mid ugu muuqata halgan iyo horu mar uu gaadhay xisbigaasi Wadani iyo musharaxiisaasi Md Maxamed.

Isla saacad ka bacdi ayaa hadana waxaa talafon isoo diray saxiib kale oo isaguna ah dadka sida aadkaa uga faalooda siyasada dalka,inkastoo aanu saxiibkaasi ahayn mid ka tirsan amma tageero u ah xisbigaasi Wadani, hadana waxa aad moodaa in uu la dhacsanaa tageerada reer Boorama u mujiyeen musharax Md Maxamed .

Saxiibkaasi ayaa isaga laftiisi waxa uu markiiba sheekadayadii u duway in uu iiga waramo waxyabahii aadka uu xiisaha galiyay ee ka dhacay Boorame iyo mashxarada iyo alalaaska lagu soo dhaweeyay musharaxii madaxwayne xigeenka ee xisbiga Wadani Md Maxamd .

Waxa aad moodaa in labada saxiib ay is ogayeen,saxiibkan hada ila hadlaya waxa uu iga soo wacay dalka Holand ,isla sidii saxiibkii hore uu yididiilanaayay soo dhawaynta musharaxa ,ayaa waxa uu isna hadalkii ku bilaabay .

“Ma ogtahay soo dhawayntii musharaxa Maxamed Cali Cabdi loo samaynayay in ay si layaable u dhacday”

Taas oo uu raaciyay waxa ay ahayd wax lagu farxo, waxa kale oo uu hadalkiisii raaciyay waynida ay lahayd soo dhawayntaasi waxaa ku cadaynaysa hal qof ayaa ku dhintay!!

Runtii saxiibadasi oo ah kuwo aad iigu qaali ah,sababta aan fariimahooda usoo qaatay waxa ay tahay, Geerida iyo Dhimashada oo agteena ka noqday wax iska caadi ah,amaba laguba faantamo,hadii aan si kale u idhaahdana,goob aan Geeri amma dhimasho aanay ka dhicin maaha goob sharaf iyo karaamo leh ,waxa aynu halhays u leenahay erayga WIIL HOOG!!

Goorma ayaynu heerkaasi gaadhnay ,goorma ayay geeridu inala noqotay wax iska caadi ah,amaba tusaale unoqota wanaaga,Geerida waxa aynu u naqaanay goobta ay ka dhacdo meel lagu hoogay oo lagu ba’ay , balse hada waxa ay noqotay tusaalaha siyaasiga fiican,madasha iyo mudaharadada aan cidi ku dhimanini maaha kuwo dadka farax galiya,waa sida ay tahay maanta.

Layaab “MA OGTAHAY XAFLADII MUSHARAXA, WANAGII AY LAHAYND,WAXAAD KU GARANAYSAA HAL QOF AYAA KU DHINTAYE!!

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ: Khadar Ibraaahim Aar.