Warqad furan oo ku socota gole-weynaha baarlamaanka Somaliland (W.Q. Xamse Baashe Maxumed Wiyeer)

Marka hore way salaamanyihiin guud ahaan xubnaha Gole weynaha Wakiilada Somaliland, warqadan furan ee aan u diraayo golaha ayaa murtida ujeedadeedu tahay shacabka dalka oo golaha wakiilada u arkay kuwo Khilaafkoodu halis baaxad leh ku abuuri karo dalka.

Dulucda qoraalkani Wuxuu Xambaarsanyahay:

Mudanayaal mustaqbalkii dalku gacantiina ayuu ku jiraa ee dhuuni iyo hunguri ka raaca mustaqbalka Ifaaya ee Somaliland ama noqo badbaadiye dalkiisa iyo hantida shacabka ee Qaranku leeyahay.”

Khilaafka laxaadka leh ee ka dhex aloosan golaha wakiilada Somaliland waa mid marka labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo la eegaba aanay ka maqnayn qush qushayn iyo dabada ka gujin laga dambeeyo, Halka labada dhinac ee khilaafku ka dhaxeeyo sida ay bulshadu u arkaan aanay u muuqan kuwo ay ka dhab tahay wax ay u dagaalamayaan, Bal aan Dhinac walba sidiisa u fiirino.

Dhinaca Guddoomiyaha Barlamaanka:

Garabkan isaga ah ee uu Guddoomiaya Barlamaanku hoggaanka u hayo, waxaa guud ahaan shacabku ku dhaliilayaan in aanay dhab ka ahayn u hiilinta hantida qaranka ee hadda la isku hayo ee ah Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, Halka shacabku u daliishanayaan hanti hore oo qarankani leeyahay oo ay ka mid tahay Warshadihii laydhka ee Berbera iyo Hargeysa oo hore u galbatay. Hanti badan oo dhul ah oo iyaguna hore u galbatay Iyo hadda oo la hadal hayo kiraynta dekedda Berbera oo aanu ka hadal laakiin midan maanta ee khilaafku ka taagan yahay ay tahay mid isagu uu si gooni ah uga dhex raadsanaayo bulshada taageero gaar ah.

Guddoomiye Baarlamaan bad-baadi dalkaaga iyo dadkaaga oo ugurmo hantida qaranka ee aad u aragto in waddo sharci daro ah ay ku socoto, laakiin u adeegso nidaam sax ah oo aad bulshada si taban wax ugu fahamsiin karayso, ogowna Inta bulshadu kaa dareento daacadnimo ayey kugu taageerayaan.

Dhinaca Wakiilada Kulmiye:

Mudanayaal ,a ogtihiin in idinka la iidiin doortay In aad maanta bad-baadisaan hanti kasta oo qaranku leeyahay, ma ogtihiin dadkii hadh iyo habeen sacabka idila garab taagnaa in ay maanta ka niyad jabsan yihiin ficilada aad ku dhaqaaqaysaan.

Adiga ayaa masuul ka ah wax kasta oo waxyeelo shacabka iyo qaranka soo gaadha. Ha noqonin kuwo u daba dhilifyo ah niman kale, loona soo adeegsado in lugu meel mariyo ra’yi iyo afkaaro khaldan.

Luguuma dooran in aad ninka madaxda ah ku taageertid khalad uu ka galay waddanka iyo shacabka ee waxa laguu doortay in aad ka hor istaagtid khaladkaas. Ogow oo afka aad shalay maya ku lahayd yaanu maanta haa kasoo yeedhin, waayo waa ayaan darro nin weyn oo laba hadal ku kala hadlay go’aan yeelo  oo fadlan ha noqon dhuuni raac ee noqo dadkii raac.

Warqadan furani waa iga talo iyo tusaale aan kula hadlaayo labada dhinac ee khilaafku u dhaxeeyo, maaha mid aan qolana ku taageerayo, midka kalena aan ku guneynayo. Guntii iyo gabogabadii noqda gole isku duuban bulshaduna way idin daawanaysaa, beri marka aad xilka ka degtid ayey taarikhdaadu bilaabaysaa wixii dheef iyo hadimo ah ee aad qarankan la dhex joogtay.

Ha noqonina kuw beri ka maalin la yidhaah kaasi waa hebelkii lacagta jecelaa, ha noqonina kuwo marfishyada iyo goobaha la iskugu yimaado xumaantiisa lagaga sheekeeyo ee noqo mid wanaagsiia iyo tarikhdiisa lagaga sheekeeyo.

Mahadsanid

Xamse Baashe Maxumed Wiyeer

BBA-Accounting And Finance

252-63-403 8503

Xamse18@gmail.com