Warsidaha Dublingazette ee dalka Ireland ayaa warbixin dheer ka qoray doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Somaliland

Warsidaha Dublingazette ee dalka Ireland ayaa warbixin dheer ka qoray doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qabsoomay dalka 13kii November 2024 oo uu ku tilmaamay doorashadii ugu xorsanayd ee ka qabsoontay Afrika.

Warsidaha Dublingazette oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu ku tilmaamay mid fajaciso ah oo qaabkii nabdoonaa ee Madaxweynihii hore ee JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ugu wareejiyay tallada dalka madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale doorashadii dimuqraadiyadda ahayd ay Somaliland ka dhigtay waddanka horumuudka u ah dimuqraaddiyadda bariga Afrika.

Warbixintan oo uu qoray weriye Pierce Dargan oo ka tirsan weriyeyaasha Warsidaha Dublingazette wuxuu sheegay inuu dhawr jeer oo hore ugu baaqay Ireland inay hormuud ugu noqoto Yurub aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu ku booriyay dawladda Ireland inay mowqif rasmiya ka qaadato sidii ay cilaaqaad ula yeelan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixinta Warsidaha Dublingazette waxa lagu sharraxay sida ay laba dal oo kala duwan u ahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanu caddeeyay in tan iyo markii Somaliland ay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii ay ku naalloonaysay xasilooni iyo dawladnimadeeda gaarka ah.

Waxa kaloo Pierce Dargen uu sheegay magaca Somaliland uu dunida qabsaday markii 1-dii Bishii December 2024 uu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu heshiis isfaham oo ay marin baddeed kaga kiraynayaan Itoobiya la galay Raysal-wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo jidaynaya in Itoobiya aqoonsato madax-bannaanida JSL.

Sidoo kale waxa warbixintu xustay in maamulka cusub ee madaxweyne Trump uu danaynayo inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu la kulmay xoghayihii hore ee Gaashaan-dhigga UK, Gavin Williamson oo u ololeeya qaddiyadda Somaliland.

 

 

Bandhige@gmail.com