Wasaaradda Warfaafintu ayaan daranaa!
Kan wasiirka ka ahi maba khaldana mar hadii Muusihii shalay marafoonka laga caayey isaga oo guddoomiye xisbi ah isagoo Madaxweyne ah maanta halkan wax looga caayayo. Markaa ma nabsi u soo wareegay baa oo sidaasuu kaga raali yahay, taa jawaabteeda isaga laga sugayaa, maaha!
War madaxweyne la soo doortay muxuu uga baahanyahay in uu samaysto wasiir yooyootanka u qaabilsan!
Mise waxa la caayayaa caqliga dadkii xisbiyada ku kala faylay ee sida xorta ah codkooda ku siiyey kalsooni 3 xisbi, yaab!
Wasiirka ha loogu dhaarto in uu distoorka ay isaga iyo madaxweynihiisu ku dhaarteen u ixtiraam! Ku dhaha “caadi iska dhig”, siyaasadu waa kaftan aan dhamaanayne!
Waxay noqotay hore na u ahayd makarafoon laga caayo madaxda qaranka kasoo biloow Tuur, Saleebaan, Siilaanyo, Faysal, Muuse, Cirro iyo siyaasi kasta oo ku dhawaaqa wax ka duwan siyaasadda xukuumadda markaa joogta. Mar “Soomaaliwayn” lagu sheego iyo mar “Qaran-dumis” lagu sheego iyo xitaa la in la beeleeyo.
Waxaabad moodaa warfaafintii Kacaanka ee laga caayi jiray wax-garadka ummadda.
Anigu wasaaradaa waan baabi’in lahaa waxan ku badali lahaa wakaalad wararkeeda iyo barnaamijyadeeda loo simanyahay xukuumad iyo mucaarid iyo muwaadin intaba.
Nabad & Caano