Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Cali Mareexaan (WQ: Mustafe Axmed M Geedi)

Maalmahan waxaa barraha bulshada si wayn loo wadwaday sawirada labo masuul oo isku deeggaan ah, iyada oo aad moodo in ay lakaa safanyihiin qaar kamid ah dhalinyarada beesha Bariga Burco.
Ma ogi khilaaf iyo xafiiltan siyaasaddeed oo u dhaxeeya Siyaasi Cali Iyo Wasiir Maxamed kaahin oo labadooduba isku xisbi ah, Kana wada  mid ah kaadiriinta Xisbiga Kulmiye. Malahayga se arrinkan waxaan qiyaasay in ay keentay arrinta isku shaandhaynta ee maalmahan aadka loo hadal-hayo lana filaayo.waxaan is leeyahay intaa aan soo xusnay wax kasii wayn oo nuxur ahi ma jiro , sidoo kale ma oggin khilaaf u dhexeeya labbada masuul inta aan ogahay.
Haddaba waxan aad ula yaabay dhalinyarada dhadhan xumaynaysa damac iyo dood aan meesha oolin. Horta yaa magacaaba Wasiir ma shacabka doora , ma Beesha doorata mise wasiir waa la kaan-bayan garreeyan, wasiiradda ma sida guddoomiyayaasha xisbiyada oo kale aya loo ololeeyaa. marka hore qabashada xil ummadeed samadda ayaa laga qoraa oo waa calaf, marna waa sabab oo Madaxwaynaha ummada ayaa qofka uu isagu u arko in uu la shaqayn karo si madaxbanaan u doorta.
Mid dhaqan ahina way jiri jirtay, ilaa iminkana way jirtaa ayay ila tahay, oo madaxda Dhaqanka, aqoonyahanaka iwm ayaa Madaxwaynaha intay la kulmaan ka codsan jiray,in hebel loo magcaaabo oo waxay ahayd cadaadiska  dawlada kaga yimaada beesha .beesha ayaana si madaxbanaa qofka ay xil la rabto u kaanbayn garayn jirtay cid kalena ma oggaan jirin .hadaba arinka cusub ayaa ah, in masuul xil hayana la dhaho xilka halaga qaado mid kalena la dhaho xil haloo dhiibo oo waliba dhalinyaradii baraha bulshada arrinka aad ugu wadwaday. Waase in aynu isla garanaa in rabitaankiisa uu Madaxwaynuhu cidi uu rabo ku magacaabo, innaguna aynaan waxba ka badali karin.
Maxamed Kaahin iyo Cali Mareexaan waa labo oday oo sharaf innaga mudan , waana haldoorkii ummada, Kaahin waa oday qiimo badan dalkana halgan dheer usoo maray xilaal qarana soo qaybtay iminkana xil culus haya, kaahin beeshiisu ma dooran se Madaxwaynaha ayaa doortay , Madaxwaynihii doortay ayaan xil ka qaadi karaa, markaa odayga masuuliyadda halagu ixtiraamo ayaan idhan lahaa arrinkana haloo dhaafo Madaxwaynaha iyo rabitaankiisa.
Cali Mareexaan waa siyaasi dhalinyaro ah. wax badana wuu soo qabtay , anniga waxa uu  iigu jiraa ama aan u aqoonsanahay xildhibaankii ugu waxqabadka badnaa Golihii Wakiilada ee wakhtigoodii dhamaaday. deeggaanka uu kasoo jeedana kalsooni badan ayuu ku leeyahay. Wuu mudanyahay inuu xil qaran uu qabto markale , anniga oo fiirinaya hadii deegaamadaasi u kasoo jeedo hoos loogu dego maanta nin ka mudan annigu garanmaayo oo muxaafid ah kulmiye-na jooga maanta. waa nin aa ku kalsoonyahay, waxaanan is leeyahay mucaaridad badan iyo dufaaano kala qariyay deeggaankiisa iyo xukumadda kolayba wax badan wuu ka tarayaa.
Haddii Cali kamid noqdo Xukumadda waa labo mid uun in uu noqodo siyaasi arragti adag oo runta u sheega Madaxwaynaha,taas badalkeedana uu ku kasbada bulshadiisa iyo in uu noqdo nin sidii ragii hore  daacad isaga ah Madaxwaynaha gar iyo gardaroba. taasina waxay hoos u dhigi kartaa oo wiiqi doonta taageeraddiisa , wuxuu noqon nin siyaasada ku libaysta ama nin ku guuldaraysta. waayo waxaa jira mucaaridad wayn oo deegaankiisa la xidhiidha.
Ugu danbayn dadka qaar waxay aaminsanyihiin in aannay labo wasiir wada noqon karin Kaahin Iyo Cali. annigu se waxaan qabaa labaduba way noqon karaan wasiiro , iyadda oo aan kaahina xukumadda ka bixin. Sababtoo ah deeggaamada ay kursi waddaagta yihiin ee saami xukumaddeed raadin lahaa waxay haystaan kuraas misaan wayn ku leh dawladnimadda sidaa awgeed deeggaamada kale damac wasiir kuma jiro sida aan qabo arragti ahaan.
Cali iyo Kaahin  labo wasiir way wadda noqon karaan, kadibna deeggaankoodu  uu lumiyo xilka shilis ee Wasaarada Arimaha Gudaha.
Labada masuulba guul ayaa u rajaynayaa . Dhalinyaradana waxaan leeyahay waar odayaasha yaan la isku xoqin.
Facebook.  Mustafe Ahmed Geedi
W/Q. Mustafe  Axmed M Geedi

a0562673783@gmail.com