Wasiirka waxbarashada waxaan lee yahay ” Adeer runtu fanto maaha” (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

Way muuqataa odaygu inuu in badan u ciil qabay mikirifoonka oo uu is lahaa maruun bahalka isla taag, waxana taa ka markhaatiya inuu u jawaabaayo sidii beryo wax looga shiidi jiray ee xilka lagu ilaashan jiray mucaaridka oo la weeraro oo keliya, halkii uu naftiisa iyo shaqadiisa ku kalsoonaan lahaa.

Waxaan aad uga xumahay in dad u kacay cadhadii ka dhalatay inan yar oo Aabaheed warbaahibta hor yimid oo uu kaga cawday ciil la baday gabadh yar oon qaangaadh ahayn oo uu dhalay in wasiirku eed aanay lahayn kula dul kufo.
Waan la socdaa hablo reer London ah oo uu u duur xulaayo wasiirku, kuwaasi oo isa saaray masuuliyad ah in Cawo ay hesho xuquuqda ay lee dahay oo ah in denbiilayaashii dhibka u geystay ay ka cadaalad hesho oo sharciga la horgeeyo, islamarkaana ay daboolaan baahida dhaqaale ee sababtay in Cawo iyo walaaladeed ay helaan hoy iyo nolol ay ku midoobaan.
Wasiirka waxbarashada Somaliland oo ay masuuliyadiisa ku hoos dhacday foolxumada intaa le’eg waxay ahayd inuu is casilo ee maahayn inuu hiifo dadka u kacay hadduu waxna ka qaban kari waayay , meeshana ka tegi waayay, islamarkaasina tallaabo ka qaadi waayay dadkii la yimid dayaca Inantaa yar wax loogu dhimay sharafkeeda.

Runtii maahayn inuu difaac indha la’aan ah oo kii Afrikaanka ah meesha la yimaado
Wasiirka waxa laga filaayay inuu ka hadlo dhibta gabadha gaadhay ee lagama filayn inuu dadka ka hadlay ku canaanto “maxaad noo sheegaysaan”.
Haddii dadku daadku qaado shacabka iyo mucaaridkuba fartay ku fiiqayaan, waayo? Iyaga looma dooran mushaharna kuma qaataan, waxana ay ku canaananaayaan cida masuuliyada haysa oo ay tahay inay ummadda uga jawaabto waxa dayaca keenay.

Si kastaba xaalku ha ahaadee wakhtigan mar hadduu wasiirkii sidaa u hadlay waxa laga sugayaa inuu ka jawaabo madaxweynaha qaranka sababta tallaabo laaga qaadi waayay dadkii falkaasi geystay iyo dadkii dayacay, masuuliyadii saarayd oo uu wasiirku ugu horeeyo, waxana aan madaxweynaha u soo jeedin lahaa in wasiirku aanu run u qaadan in is difaacid iyo isku qaadid xisbiyada mucaaridka ah aan xilka lagu jooginee shaqo iyo waajib gudasho lagu joogo.