Wax Akhriska Iyo Xawaare Wax Ku Akhrinta Q.1aad (WQ: Dr Jaamac Sahal)

Ma ogtahay in awooddaada dhabta ahi ay ku xirantahay ogaanshahaaga?

Wax badan oo aad awoodid waxaa keenaya ogaanshahaaga? Maxaa aan uga
jeedaa?

Haddii aad ogtahay in dadku awoodaan in ay wax akhriyaan? Haddii aad ogaatid in dadku awoodaan in ay meel sare ka boodi karayaan? Haddii aad ogaatid in dadku ordi karayaan xawaare ka badan intii aad adigu ka filaysid? Hubaal waxaa imaanaysa in awooddaadu isbeddesho. Waxaa imaanaysa in aad akhrisid in ka badan intii aad horay u awoodday.
Waxaa imaan in aad ka boodid meel ka sarraysa tii hore. Waxaa imaan in noloshaada isbeddel dhab ah uu ku yimaado.
Haddii aad ogaatid in ay jiraan dad maalin kasta wax akhriya ayaga oo shaqeeya oo hawlo badan ku xiranyahiin, taasi waxa ay awood kuu siin in aad adiguna ku dayatid oo aad wax akhrisid adiga oo aad u hawlaysan.
Awooddaadu waxa ay kobacday kadib markii aad ogaatay in dadka kale sameeyaan sidaas darteedna aad rumaysatay in aad adiguna awoodid in
aad samaysid.
Haddii aad maalin kasta akhrin jirtay bog ama labo bog oo buug ka mid ah adiga oo aad isugu bogsan rumaysanna in intaas ka badan aadan akhrin karaynin kadibna aad la kulantay qof kuu sheegay in uu maalintii akhriyo toban bog, hubaal waxaa ah in aad ku dedaali doontid in aad adiguna maalin kasta akhrisid toban bog.

Awooddaadi hadda waa ay kobacday oo toban bog ayaa aad akhrin kartaa. Xaggee awooddaas ka timid? Soo adigu ma tihid qofkii shalay u bogsanaa hal ama labada bog ee uu akhriyo? Soo ma tihid qofkii shalay rumaysnaa in labo bog ay tahay inta ugu badan ee uu akhrin karayo? Waxaa isbeddelay ogaanshaagii, taasina waxa ay beddashay awooddaadii.
Haddaba haddii aad maalin dambe la kulantay qof kale, kaas oo kuu sheegay in uu maalin kasta buug akhriyo, mar labaad waxaa isbeddalaya awoddaada waxaana imaanaysa in aad awoodi doontid in aad maalin kasta buug akhrisid oo dhammaysid.
Akhristoow, waxa aad heli kartaa boqolaal iyo kumanaan dad ah, kuwaas oo ogaaday in ay awoodaan in ay maalin gudaheed buug akhrin
karayaan. Ma ogaatay in aad adiguna awooddid in aad sidaas iyo si ka sii fiicanba samayn karaysid? Haddii aad rumaysatay in dadkaasi ay jiraan adiguna aad doonaysid in aad ka mid noqotid soo dhawoow. Ku soo dhawoow ifka AKhriska DEG-DEGGa ah. Ku soo dhawoow awood ka baxsanayd awooddaada balse aad awooday in aad fulisid. Ku soo dhawoow waydiinta labaad ee maskaxdaada ku soo dhacday ee ah ; Sidee ayaa aan u awoodaa?
Taas warcelinteedu(jawaabteedu) aad ayaa ay u dheertahay, qaybo kaladuwan ayada oo ah ayaa aan intii aan ka garanayo idinla wadaagi doonaa
haddii Eebbe ogolaado.

Haddii aad raadisid buugaag aad doonaysid in aad akhrisid, waxa aad helin kumanaan iyo malaayiin buug oo aad, aad u jeclaan lahayd in aad wada akhrisid. Waxa aad helin boqolaal maaddooyin oo kala duwan kuwaas oo aad dhammaan jeclaan lahayd in aad mid walba wax ka akhrisid.
Marmar ayaa aad is oranin: yaa boqolaal sano ku gaarsiiya si aad dhammaan u akhrisid haddana waxaa jirtaa in aqoonta adduunka taalla ay markasta labo jibbaaranto muddo gaaban gudaheed. Haddaba maxaa talo ah? Wax badan akhri, baro xawaare wax ku akhrinta.
Noloshaada oo aan boqolaal sano gaarayn iyo aqoontaan oo sii jibbaarmaysa darteed waxa aad ku khasbantahay in aad qaar keli akhrisid.
In qofku awoodo in uu degdeg wax ku akhrin karayo, heer uu saacado kooban buug boqolaal bog ah uu dhammayn karayo ma aha wax uu qofna ku dhasho ama hibo gooni loo siiyo waa wax la barto.

Ku soo dhawoow caalamka wax-akhriska iyo xawaare-wax-ku-akhrinta.
Welcome to world of reading and speed reading.

La soco qaybta xigta.

Dr Jaamac Sahal.