Wax badan ka ogow xanuunka kalyo xanuunka (WQ: Dr Mukhtaar Naasir)

KALYO XANUUNKA
kalyo xanuunka waxa loo qaybiyaa laba nooc in ay kelidu shaqada markaliya joojiso iyo in ay aayar aayar ama si tartiib ah u lumiso shaqada .
maxaa keena in ay kelidu shaqada si tartiib ah u lumiso?
waxa keena mar ka ay timaado xaallad caafimaad daro oo hor istaagaysa ama yaraynaysa in ay kelidu shaqadeeda joojiso , waxaana ka mid ah.

• qofka oo leh xanuunka macaanka (sonkorowga)
• dhiiga qofka oo sareeya ama qofka oo dhiig kar leh.
• unugyada kelida u qaabilsan sifaynta dhiiga oo uu caabuq ama ikfeshan ku dhaco.
• caabuq ku dhaca dhuumaha kelida kaadida ka soo qaada ee keena kaadi haysta.
• kaadida oo kelyaha dib ugu noqota.

ASTAAMAHA LAGU GARTO.

• yallaalugo ama matag
• qofka oo abateetka lumiya ( cuntada oo uu yareeyo qofku)
• daall iyo tamardaro.
• hurdada oo ka khalkhasha.
• iyada oo ay is badasho xadiga ama qiyaasta kaadida .
• cagaha iyo kuraamaha oo bararyeesha.
• cadaadiska dhiiga oo sareeya.
• muruqyada oo xanuuna qofka.
• naqaska oo aanu si fiican u qaadan, hadii ay xuubka sambabada ay biyo fadhiistaan.

MAXAA KHATAR KUU GELINKARA INAAD KELYO XANUUN YEELATID.

• DADA qofka oo wayn..
• qofka oo miisaankiisu xoog u badan yahay ama xoog u cayilan.
• sigaarka oo uu qofku cabo.
• qofka oo wadno xanuun leh.
• qaabka kelidu ay u samaysantahay qofka oo aan ahayn sida caadiga ah.

SIDA LOOGA HORTAGO.

• qofku waa in aanu u isticmaalin daawooyinka xanuunka biiya ama kaar jebinta sida uu doono isaga oo aan dhakhtar kala tashan.
• qofka oo miisaankiisa saxa.
• qofka oo sigaarka joojiya.
• qofka oo xaaladiisa caafimaad si fiican ula socda haduu leeyahay xanuunada kelyo xanuunka keena sida :- dhiigkarka iyo macaanka.

share and like si aad u hesho xoga caafimaad.

fadlan gaadhsii wallaalahaaga u baahan fariintan caafimaad mahadsanid.

Image may contain: one or more peopleImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people