Wax-garadkii Puntland way Dayriyeen Deni W/Q: Cali Cabdi Coomay

  1. Waxa ay ku yidhaaheen madaxweyneyaashii kaa horreeyey Muqdisho ayey maamuli jireen, oo ay Raysal wasaare ka soo dhammaysan jireen. Adigana Cag-dheer bilaa taariikh ah ayaa kaa qaaday. Taasina waad ku fashilantay.
  2. Farmaajo dadkii riday ayaad kow ka ahayd, beddelkeediina waxba kumaad helin oo Xasan Sheekh ayaa ugu guuray.
  3. Xasan Sheekh Garoowe ayuu kugu eryanayaa oo Ciise Maxamuud ayuu kuu adeegsanayaa.
  4. Majeerteen ayaad cidli dhigtay oo Ogaadeen iyo Dhulbahante ‘SSC’ ayaa isugu tagaya oo Hawiye adeegsanayo.
  5. Doorasho cod iyo qof ayaad ku dhegan tahay, iyada oo meel kasta Puntland laga soo xidhay. Waar meesha isaga tag.