Wax ka baro Jamhuuriyadda Malawi (WQ: Rashiid Odowa)

Malawi waa waddan yar oo ku yaalla koonfur Africa,barigii hore waxa loo yaqaannay Nysaland oo ahayd (Nyasa)harada wayn ee ku taal wadankaas markii danbena loo bixiyay Harada Malawi waxay dabooshaa oo ay saddex meelood meel ahaan ka tahay dhulka jamhuriyadda malaawi,waddankan waxa uu ka mid yahay waddamada aan bad lahayn Landlocked loo yaqaan,caasimadda dalku waa Lilongwe dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 18,143,217 waxa loo yaqaan inay yihiin dadka Afrika ugu soo dhoweynta badan ama ugu Qalbiga furan.

Xagga siyaasadda haddaynu ka eegno waddankani waa dimoqraaddi waxayna leeyihiin hananka Xisbiyada badan waxa hadda Madaxweyne ka ah Lazarus Chakwera madaxweynaha iyo ku xigeenka waxa la doortaa shantii sano mar,dhinaca baarlamanka waa aqal keliyaale (Unicameral) oo ah tiro 193 xildhibaan ah iayguna doorasho ayay ku yimaaddan shantii sano mar.

Xagga dhaqaalaha Malawi waxay ka mid tahay waddamada dhaqaalohoosu hooseeyo 85% ayaa dadkoodu ku noolyihiin meelaha magaalooyinka ka baxsan dhaqaalohoodu wuxuu ku tiirsanyahay Beeraha 80% waxa kaloo uu ku tiirsanyahay dhaqaalohodu Baanka Adduunka iyo hayadda lacagta Adduunka IMF oo ka caawiya,sannadkii 2000 ayay IMF ka joojisay lacagtii iyadoo lagu Sababeeyay musuq maasuq dalkaas ka jiray hase ahaattee 2005 ayaa haddana loo sii daayay US$575milion waddankan wuxu la daalaadhacayaa HIV/Aids oo ay ka haysattaa caqabad iyo Horumarinta waxbarshada,hase ahaatee baryahan danbe wuu soo kabanayay.
Dhinaca xidhiidhka caalamiga ah waddankan yar waxa xidhiidh la leeyahay wadamada jaarka ah ee ay ka mid yihiin Mozambiik,Koonfur afrika,Tanzania,Saambia waxa kaloo xidhiidh uu la leeyahay waddankani waddamo badan oo reer galbeedka ah iyo maraykanka,tan iyo intii ay ka guureen nidaamka xibiga keli ah waxay xidhhiidh aad u wanaagsan la samaysteen Maraykanka Tiro aad u badan oo arday ah ayaa waddankaasi wax ku soo barata,dhinaca kale waxa lagu tiriyaa inuu waddankani dadkaiisu ay leeyihiin waxa loo yaqaan ku dhaca tusaale ahaan Wasiirkan Arrimaha dibadda Esinhower Mkaka ee maanta Hargeisa lagu soo dhoweeyay wuxuu ahaa Ninkii ku dhiiraday inuu yuhuudda ku garab istaago sheegashada Quddus oo loo raro Caasimadda Israel waxa kaloo uu ahaa ninkii taageeray Inay Saxaaraha Galbeed ka go’do Moroko inteeda kale.

Baryahan danbe waxa soo Kordhayay waddamada xidhiidhka diirran la samaysanaya Somalilan sidaa oy tahay Haddii aynu eegno waxa ay Somaliland ka fii’iidi karto xidhiidh ay la samaysato dalkaasi Malawi waxa uu noqonayaa ugu yaraan xidhiidhka caalamiga oo sii kordha iyo isagoo isagoo dalkaas uu garab istaagi karo qaddiyadda Somaliland.

Rashiid Odwaa
rashidsalan1982@gmail.com
063-4101213