Wax ka ogow 12 qodob oo Maraykanku Rabo, Iran-na ay Diiday (WQ: Cabdishakuur Dayib Maxamed)

Wax ka ogow 12 qodob oo Maraykanku Rabo, Iran-na ay Diiday.

Xiisadda colaadeed ee hadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, waxay u muuqataa mid sii qadhaadhaatay markii la khaarajiyay Gen.Qasim Sulaymaani, oo ka gudbayay madaarka caalamiga ah ee Baqdaad.

isweydiintu waxay tahay miyuu qorshaysnaa dilka Gen.Sulaymaani? Mise wuxuu qayb ka yahay utun hore?

jawaabtu waxay ku jirtaa diiwaanka 12 qodob ah ee  maraykanku uu ka dalbaday Iran inay fuliso waxaana uu soo saaray sanadkii 2018.

Qodobadaasi waxay sheegayeen in Iran ay fulso shuruudahan.

1- in Iran si buuxda ugu gudbiso Hay’adda Maamusha hubka wax gumaada (IAEA) dhamaan xogta khusaysa ujeedada ay ka leedahay Barnaamijka Nukliyeerka isla markaana si buuxda ay u joojiso barnaamijkaasi.

2- inay joojiso bacriminta macdanta plutonium, oo la xidho goobaha lagu tarmiyo.

3- waa in khubarada IAEA, loo fasaxo inay galaan dhammaan xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

4- Iran waa in ay joojisaa tijaabada gantaalaha Bacda ka samaysan ee xambaari kara Madaxyada Nukliyeerka.

5- waa in la siidaayo dhammaan Muwaadiniinta Maraykanka iyo kuwa u dhashay dalalka saaxiibka la ah Maraykanka ee ku xidhan xabsiyada Iran.

6- waa inaad joojisaan taageerada aad siisaan (Iran), kooxaha mintidka ah ee ay ka mid yihiin xisbullah,Xamas iyo Islamic Jihad.

7- Ixtiraama madaxbanaanida dawladda Ciraaq, si hubka looga dhigo maleeshiyaadka shiicada ee halkaasi ka jira.

8- Iran waa inay joojisaa taageerada Fallaagada Xuutiyiinta,  kana shaqaysaa nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee Yemen.

9- Iran waa inay Ciidankeeda Qarsoon kala baxdaa guud ahaan Suuriya.

10- Joojiya taageerada aad siisaan Daalibaan iyo kooxaha kale ee xagjira.

11- Soo Af-jara joogitaanka Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee gaar ahaan Guutada Qudus ee taageerada siiya Kooxaha Mintidka ah.

12- soo af-jara, Cabsi Galinta aad ku haysaan wadamada Dariskiina ah oo badankoodu ah xulafada Maraykanka, sidoo kale joojiya khalkhal galinta aad ku haysaan Maraakiibta ka Gudbaysa khadka caalamiga ah ee Hormuz.

Fiiro gaar ah : Dawladda Iran may aqbalin, waana ay ku gacan-saydhay Dhammaan 12-kaas qodob ee Maraykanku Dalbaday.

 

intaasi wixii ka dambeeyay dhufayska ayaa la isugu jiray, waana lays gaadayaa ilaa iyo hadda oo xiisaddu ay kacsan tahay.

 

W/Q C.Shakuur Dayib