Wax ka ogow qaabka doodda loo dhiso (argument) (WQ: Rashiid Odowaa)

Kalmadda dood waa kalmad ka gudo balladhan sida dad badani u qabaan waxayna waxayna koobsattaa faylasuufiyad macquul ah oo ka reebban caadifad,qabyaalad, muran,qaylo iyo cadho bal aan hoos ugu sii yar daadegno.
Haddii aan qeexno kalmadda dood waxaynu odhan karnaa waa Silsilad hadal xidhiidhsan oo u kal qaybsama arar iyo gabagabo ama hordhac iyo gunaand.(premises and Conculsion) biyo shubka doodda waxa iftiimisa hordhaca mar kasta oo qodobada la cuskanayaa run yihiin ama qaab qurux badan u dhacaan waxay u badantahay in la aqbali karo biyo dhaca doodda(Cogency).
Noocyada doodaha haddii an waxa ka magacowno tusaale Dood la aqbali karo iyo dood aan la aqbali Karin,Dood dhisan oo adag iyo dood jilicsan,Dood ku dhisan sharciyadeeda iyo dood aan shrciyad wadan.Dood run ku dhamaanaysa iyo mid been ku dhamaata wallow haba quruxbadnaattee.
Dhamaan noocyadan doodaha waxa qaabeeya hadba qofka soo jeedinaya kartida,hufnaanta,codkarnimada aqoonta cilmiga uu haysto waxyaabahas oo dhan ayaa ka qayb qaadan kara haddiise dooddu ay waydo garawshiyo macquul ah way duntaa waxayna ku danbaysaa muran waxana laga caagaa masrixiyadeeda in la isugu yimaaddo waayo waxa laga war-war qabaa inay dumayso ama lagu kala kici doono.
Haddaba bal inaga ka shidaal qaadanayna Dooddii dhawaan lagu qabtay Jamhuriyadda jabuuti aynu in yar ka taabanno qaabka dood ahaan ay kala aaminsanyihiin Ree Somaliland iyo Somalia kuwee ayaa macquul(Logic) ah mar kasta iyo goob kasta.
Laba doodood aynu tusaale u soo qaadano waa dood adag oo dhisan iyo dood jilicsan,labadn nooc ayay inta badan ka sii farcamaan doodaha aynu xagga sare ku xusnay,inta badan labada doodood waxa kala watta qolyaha reer Somalia iyo Reer Somaliland aniga aragtidayda.
Doodda loo yaqaan dood adag(Deductive) waxay nu tusaale u soo qaadan doonnaa A=B sidaas darteed B=A doodaas meel laga maro ma jirto.doodda noocan ahi way koobantahay inta badan waxayna leedahay tusaale cad oo la taaban karo macnaha malo awaal kuma dhisna bal hadalkan is bar bar dhig.
U fiirso reer Somaliland waxay leeyihiin “midnimadii 1960 waa lagu khasaaray sidaas darteed midnimo dambe mustaqbalka waddankayaga kuma lumin karno”,waa dood (deductive) ah am dhisan.
Bal eeg sida ay reer Somalia iyo dadka taageeraa u doodaan.
“Digaaggu waxay ka mid yihiin shinbiraha
Shibiruhu way duulaan
Sidaas darteed digaagguna waa laga yaabaa inay duulaan”
Waa nooca doodda ee loo yaqaan (inductive)
Bal is garab dhig dooddan digaagga iyo tan reer Somalia “in la midoobo way wacantahay Somalia iyo Somaliland hadday mid noqdaan waxa suurto gal ah in barwaaqo la gaadho”
Ama “Waddanka ruwaanda waxa ka dhacay xasuuq ka dib way heshiiyeen wayna isa saamaxen ka dib waxay dhisteen Dowladoodii Horumar ayay gaadheen,Sidaas darteed Somalia iyo Somaliland hadday heshiyaan oo ay isa saamaxaan oo ay dowlad wada dhistaan waxa dhici karta mustaqbalka inay Horumar gaadhaan”
Tusaale kale”haddii Somaliland raalli ahaada aynu nidhaa Calankana u gayno oo qabsada aynu nidhaa Caasimaddana Hargeisa laga dhigo Madaxweynaha aynu nidhaa reer Woqooyi ha qaattaan waxa suurto gal ah inay inala qaataan ka dib Somalia dib u dhisanto oo horumar gaadho”
Waxa la isku raacsanyahay doodu hadday ku sallaysan tahay Mustaqbal waa dood jilicsan waayo ilahay mooyee cid waxa soo socda ogi ma jirto,waxana ku gedaaman madow badan,
Haddaba haddii aynu soo raacno doodda dhisan oo aynu ka nimaadno doodda liidata tan dhisan lafteeda ayaa noqota mid sharciyad wadata(Valid ah) ama aan wadan oo (invalid) ah,
Hoos ayaa looga sii gudbayaa oo waxa la qaadanayaa dooda sharciga waafaqsan ee loo adeegsaday qodobbo sharci Tusaale “Somalia iyo Somaliland waxay ahaayen 1960 laba dowladood ama laba waddan UN tuna aqoonsi ka heshay”tani waxay noqonaysaa Dood sharcinimo wadata.
Isku soo wada duuboo aakhirka doodu waxay ku danbayn doontaa Dood Run ah ama mid aan run ahayn.dabcan ta Runta ah ayay guushu ku danbayn doontaa.
Ilahaw hadalka wanaagsan na waafaji
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
0634101213