Waxa markale dhaayaheenu qabteen warka dhiilada leh. W/Q:(Anwar Warsame)

Waxa markale dhaayaheenu qabteen warka dhiilada leh ee ka imanaya magaalo xuduudeedka Wajaale, waa war aan inagu cusbayn, hase ahaatee noqday mid laasimay badi dhulka Soomaalidu degto ee ku teedsan geeska Afrika.

Waxa aan ka tacsiyadaynayaa dhammaan dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay suuqa gubtay, waxa aan Ilaahay u waydiinayaa in uu cawil khayr qaba ugu baddalo.

Waxa xaqiiq ah in dhammaan suuqyada gubtay ay wadaagaan qodobo badan oo udub-dhexaad u ahaa in suuqyadu gubtaan ama ugu yaraan ay adkaato in dabka la xakameeyo.

Waxa cabaqad ah in maamulada Degmooyinku ay wali ku adagtahay in suuqyada la nidaamiyo, labanneeyo waddooyinka, islamarkaana ganacsatada lagu khasbo in dariiqyada aan la xidhin.
Waxa iyana muuqata in Soomaalida guud ahaan aanay wali u diyaarsanayn u diyaargarowga dabka, way adagtahay in aad aragto meherad haysata qalabka fudud ee dabka lagu bakhtiiyo, mana jiraan amma way yaryihiin meherado dadka leh iyo shaqaalahoodaba u tababarta sida dabka loola tacaalo.

Waxa nasiib darro ah in aanay ganacsatadeenu jeclayn in tawadur iyo horumar lagu sameeyo qaabka loo ganacsado, hase ahaatee, qofkasta waxa uu u ganacsanayaa sidii uu ka soo gaadhay awoowgii.

Si looga gudbo mushkiladdan soo noq-noqtay waxa aan soo jeedinayaa:

1. In baadhis dhamaystiran lagu sameeyo sababtii keentay dabka islamarkaana warbixinta lala wadaago muwaadiniinta, si ay u noqoto daris wax laga barto.

2. Waa in la banneeyo dariiqyada gala suuqyada magaalooyinka kala duwan, islamarkaana isbeddel muuqda lagu sameeyo suuqyadan isku raranta ah ee u nugul khataraha.

3. Waa in la xoojiyo ammaanka suuqyada waawayn ee waddanka, islamarkaana hay’adda sirdoonka qaranku si baaxadleh uga hawlgasho ilaalinta badqabka suuqyada.

4. Waa in la tayeeyo, tadawur wax ku ool ahna lagu sameeyo ciidanka dab-damiska Soomaalilaand. Waxa cad in ciidanka dab-damiska iyo taliyahooduba yihiin ciidamo sameeyay dedaal badan iyaga oo jiray muddo kooban, hase ahaatee, si loo sii horumariyo, waa in loo qondeeyaa miisaaniyad dheeraad oo u sahasha sidii ciidanka dab-damisku u heli lahaayeen qalab iyo tababar intan ka badan.

 

 

 

 

Qore:Anwar Warsame

Bandhige@gmail.com