Waxa uu  40 sano ku xidhnaa dulmi

 

kawami Ajamo waa muwaadin Maraykan madow ah waxaanu lagu xidhay magaalada New york ee dalkaas isaga oo jira 17 sano waxaana markaa lagu eedeeyey in uu qof dilay afartan sano ka dib ayaa arintiisii di loo eegay waxana soo baxday in ninkaas si khalad ah loo xukumay oo xabsiga loogu hayey, markii arinkaas la ogaaday ayaa garsoorihii maxmakada oo la yidhaahdo Richard Bicker waxa uu ka codsaday in uu maxkamada waydiisto in mag dhaw loo sameeyo waqtiga dheer ee kala lumay xabsiga daraadii.

Waxaa la yaab noqoytey in Ajamo inta uu ooyey uu garsooriihi ku yidhi waxaan codsanayaan in meesha laga saaro qawaaniinta dulmiga ah ee sidaa ii gashay wax aduun kale ahan idinka codsan maayo inta uu garsoorihii ka soo tagay kursigii ayuu si diiran u qoora qooreeyey, mudo usbuuc ah ka dibna waxa la xulay gudi dib u eegtaa arintaas kuwaas oo qawaaniintaa meesha ka saaray. waxaa kale oo Ajamo gurigiisa ku soo booqday madaxweyne Obama iyo xaaskiisa iyaga oo wada casho ay xaaska madaxweynuhu si gaar ah ugu soo sameysay .

Waxa uu yidhi sheekhii Islaamka Ibnu Taymiyaha : ” Ilaahay dawlada cadaalada ah wuu daayaa  gaaladba ha ahaatee, mase daayo dawlada xad gudubto ah daalimiad ah Muslimadba ha ahaatee”.

Waxaa tarjumay: Xasan Ciise40 sano