Waxaan maalmahan dambe arkayay “Social Media Polls“ loogu codeynayo Axsaabta iyo Uraradda Somaliland…W/Q:(Sacad Muse Abdi)

Waxaan maalmahan dambe arkayay “Social Media Polls“ loogu codeynayo Axsaabta iyo Uraradda Somaliland si sawir looga qaato natiijadda doorashooyinka Somaliland.

Inkastoo baraha bulshadu ay yihiin goob muhiim ah, oo lagu falanqeeyo afkaarta iyo aragtiyaha bulshadda ee kala duwan isla markaana ah goob muhiima oo looga shidaal qaadan karo sawir ka ku tusaya awoodda ololaha ee xisbiyadda iyo ururadda Somaliland ee kala jiidashadda taageerayaasha iyo codbixiyayaashaba, haddana looma isticmaali karo in sawir looga qaato natiijadda doorashooyinka Somaliland si sax ah, marka aynu si gaar ah u eegno codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland sababo dhowr ah awgood:

1- Kalsoonida Xogta: Codeynta lagu sameeyo baraha bulshada waxaa inta badan ka qaybqaata dadka ku xidhan internetka ama haysta smartphones ka, taas oo ka dhigan in aanay matalin dhamaan qaybaha bulshada oo dhan.

Baraha bulshada waxaa inta badan isticmaala dadka da’da yar iyo kuwa ku nool magaalooyinka, taasi oo ka dhigan in codeynta iyo xogta taageeradda dadka degan miyiga ama aan isticmaalin baraha bulshada ay ka maqantahay codeynta baraha bulshadda, isla markaana aan lagu qiimeyn karin.

Sidoo kale waxa jira codbixiyayaal badan oo aan internet ka isticmaalin ama aan baraha bulshada ku firfircoonayn isla markaana aan la heli karayn xogta taageeradoodda.

2- Saameynta Followers ka ama taageerayaasha cida sameysay codeynta baraha bulshadda: Waxa suurtogal ah in ay saameyn weyn ku yeeshaan codbixinta baraha bulshadda followers ka cida sameysay codeynta oo deegaan gaar ah u badan ama xisbi/urur, taas oo ka dhigan in aanay matali Karin ama looga tusaale qaadan karin dhamaan codbixiyaasha.

3- Xisaabtanka iyo Transparency-ga: Natiijada doorashooyinka waxaa lagu soo saaraa hab ku salaysan tirin rasmi ah, iyo ilaalinta codbixinta, halka codeynta laga sameeyo baraha bulshada aysan lahayn ilaalin rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo, madaama oo ay codeyn karaan dad badan oo aan haysan kaadhka codeynta, sidoo kale waxa la isticmaali karaa bot farms, ama kooxo gaar ah ayaa isku dayi kara Inay groups ka taageerayaasha xisbiga/urur kooda ku share gareeyaan taasi oo wiiqi karta kalsoonidda natiiijadda.

4- Saameynta Dibadda: Waxaa suurtogal ah in codeynta baraha bulshadda laga helo dad badan oo aan dalka joogin, taageerayaal dano gaar ah leh sida wadamadda jaaraka ah, iyo kuwo kaleba oo aan ka qaybqaadanayn doorashooyinka, taasi oo natiijada ka dhigaysa mid aan sax ahayn.

Haddaba, Natiijada doorashooyinka rasmi ahaan waxaa lagu go’aamiyaa codadka dadka xaqa u leh inay codeeyaan, oo si rasmi ah loo korjoogteeyay, loona tiriyay, halka codeynta baraha bulshadu ay tahay codeyn aan rasmi ahayn oo ka tarjumaysa codadka dad xadidan oo ah dad ka baraha bulshadda ku firfircoon oo noqon kara muwaadiniin iyo ajaaniba.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Sacad Muse Abdi

Bandhige@gmail.com